![]() |
![]() |
|
|
|
| |
|
|||
| |
|
|||
![]() |
|
|||
|
![]() |
|||
![]() |
|
|||
![]() |
|
|||
|
XAFLAD SI AAD AH LOO SOO AGAASIMAY OO LAGU SOO DHAWEYNAYAY GUDDOOMIYE KU XIGEENKA 1AAD EE BAARLAMAANKA DFG EE SOOMAALIYA PROFESOR MOHAMUD CUMAR DHALXA AYAA LAGU QABTAY FIIDNIMADII SABTIDA 06/02/2006 EE ST JOAN OF ARTS OO KU TAAL MAGAALADA MPLS EE. MN
Xaflad si aad
ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay
Guddoomiye ku
xigeenka Baarlamanka DFGS professor Mohamed Cumar Dhalxa ayaa lagu qabtay
fiidnimadii sabtida oo ay bishu
Ahayd 06/02/07
saacaddu 7:00 pm . meesha la yiraahdo st. joan of arc church eek u taal
magaalada
Minneapolis minnesota . xafladaasoo uu soo qabanqaabiyay guddoomiyaha
somaali banaadiri community of
Minnesota Mohamed abuukar haji husseien .
Xafladaas
waxaa ka soo qaybgalay dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan
iyo
marti sharaf ka kala socotay haydaha gobolkan mpls ,iyo dadweyne kala
ah culumaaudiinka ,haweenka aradayda soomaaliyeed ee wax ka dhigata
magaalooyinka mataanaha ah ee mpls iyo st. paul ,aqoonlayda ,hobollada
wabari iyo libaaxyada maaweeliska banadir ee mn Cumar Dhalxa ayaa lagu
qabtay fiidnimadii sabtida oo ay bishu ahayd 06/02/07.
Xafladaas
waxaa ka soo qaybgalay dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan
iyo
marti sharaf ka kala socotay haydaha gobolkan mpls ,iyo dadweyne kala
ah culumaaudiinka ,haweenka aradayda soomaaliyeed ee wax ka dhigata
magaalooyinka mataanaha ah ee mpls iuo st. paul ,aqoonlayda hobolada wabari
oo ay hogaaminayeen abwaanka weyn ee ku caan baxay suugaanta
Mohamed
cabdulaahi sangub iyo faanaanada weyn ee saaado cali .
Waxaa halkaa
hadaloo qiimo leh ka soo jeediyay
Waxaa markaa
heesoo aad qiiro leh ka soo jeediyay hobolada qaranka oo ay hogaaminayaa
Mohamed cabdullaahi sangub iyo saado cali
Gabagabadii
baa waxaa qaatay micrafoonkii gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka mudane
Mohamed cumar dhalxa wuxuunaa si aad ah uga mahadceliyay sidii diiranayd ee
loo soo dhaweeyay wuxuuna balan qaaday inuu fulin doono waajibaad qaran ee
la saaray .wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in la helo nabadgalyo iyo kala
danbayn si loo soo cesho qarankii soomaaliyeed ee burburay .
Waxaa soo
diyaarshay
Mohamed husein
osman
Or
Waxaa ka mid ahaa qudbadii ay SAMA ugu talo gashay Xaflada waana kan sidan walaalayaal marka hore aad ayaad ugu mahadsan tihiin kasoo qeyb galka aad ka soo qeyb gasheen Munaasabadaan Kowda Luulyo. Maanta waa maalin Taariikhi ah oo aan udabaaldageyno Sanad guuradii 45aad oo ah Maalintii Xoriyada laqaatay, iyo isku darkii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliyeed. Walaalayaal waxaan jecelnahay Maantay anigoo kuhadlayo magaca Somali American Media Association (SAMA) inaan idiin soo gudbiyo arimaha ku saleeysan miidiyaha qeybihiisa kala duwan. Waxaanu wada ogsoonahay mediyaha Soomaaliyeed ineey tira badan yihiin, isla markaana eey leeyihiin wanaagooda iyo Xumaantooda, labadaba. Miidiyaha waxeey ubadan yihiin hal dhinac oo kaliya sida Wararka. Waxaana loo baahan yahay ineey ka hadlaan, qeybaha kala duwan ee saameeya Bulshada, sida Caafimaadka, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo wacyi galinta guud. Waxaan fariin udireynaa shaqaalaha miidiyaha Soomaaliyeed ee isugu jira sida websiteyada, Tv'yada, Idaacadaha, dhamaantood ineey ku dadaalaan sidii eey uga shaqeeyn lahaayeen isku keenida. Wacyi galinta iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed. Waxeey (Ururka SAMA) ku dadaaleysaa bilooyinkaan soo socda, iney ka shaqeeyso sidii loogaga hortagi lahaa wararka Caadifada ku saleeysan ama kuwa caadeystay ineey Shacabka Soomaaliyeed had iyo jeer ugudbiyaan wararka ku tiri ku teenka ah. Waxaan anagu u istaagnay, hadeynu nahay Ururka SAMA, inaanu shacabka Soomaaliyeed meelkasta eey joogaan usoo gudbino Wararka Xaqiiqda ah ee kala duwan oo dhinac walba leh. Hadaan ka hadalno wax qabadka Ururka Qeybihiisa kala duwan inigoo idiin soo gudbinayo Warbixin yar oo ku saabsan Webka 4somaliwomen.com waxaa aasaasay webkaan gabar soomaaliyeed isla markaana markey weydey website Dumarka soomaaliyeed wax uqabta kana shaqeeya danahooda ayeey isu taagtay oo ay dhistay webkaan ayadoo ugu talo gashey inuu ka turjumo webkaan halganka iyo Horumarka, Dumarka Soomaaliyeed. Waa Shabakadii ugu horeeyey ay leeyihiin maamulaana Dumarka Soomaaliyeed. Waxaana hadda loo aqoon saday inuu yahay The Official Somali Women's Website 4somaliwomen.com tan iyo intuu jiray. Waxay uqabteen hawlo badan Dumarka Soomaaliyeed. Waxeeyna 4somaliwomen.com Uruursheen lacag kaalmo ah oo lagaarsiiyey (Faay Muudeey) gabar Soomaaliyeed oo deen yar aawadeed loo gubay. Waxaay dhawaan ku xireen Urur deeq udirayo (Deeqo) oo ah gabaryar oo ay niman Xoog ku kufsadeen, dhaawac weyna gaarsiiyeen. Intaa waxaa kaloo idiin soo gudbineynaa in Xafladaan ka soo qeyb galay Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee Maamul goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Maxamed Cabdi Xaashi sidaad la socotaan wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee si dimoqraadiy ah uga degay Jagadii ay udoorteen dedweynaha taasoo ku dayasho mudan lagana rabo siyaasiyiinta soomaaliyeed iney sidaas oo kale sameeyaan. Waxaana uu Maxamed Cabdi Xaashi gudoonsiiyey abaal marino kala duwan Dhamaan miidiyayaasha kala duwan ee ka hawl galo labada magaalo ee Mataanaha ah, iyo Toronto, North Dakota, Rochester, Belgium. Waxaana soo diyaarshay Ururka Somali American Media Association Abdikarim Isse, Haji iyo Maxamed Xuseen Cusmaan oo xubin ka ah, Cali Muuse oo isna Xubin ka ah.iyo C/raxmaan Darbane oo asna Xubin ka ah, iyo Xubin Weeydoow, Xubin Mulki, Dr Eibakar Hassan Xubin.
Kala soo xiriir Somali American Media Assocation (SAMA) |