|
Allsomali.com |
|

INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Bismilaahi Rahmani Rahiim
Taariikh Nololeedka Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil

Beeldaaje
Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil waxa uu ku dhashay tuulada
Dhaadaar ee degmada Qandala, kuna taal dhulbuureedka sare, sanadkii 1910.
Aabihiis Beeldaaje Maxamed Ismaaciil waxa uu ahaa Beeldaajaha Cali Saleemaan,
kaasoo ka dhaxlay Aabihiis Ismaaciil, ka ab, ka ab, iyagoo sida la ogyahay
todoba (7) qarni ahaa Beeldaaje, dawlad kasta oo timaada oo isticmaari ah awood
uma laheyn iney faragashato.

Beeldaaje Xaaji C/laahi waxa la dhashay a) Cali Beeldaaje oo ka weynaa, b) Xasan
Beeldaaje, c) Maxamuud Beeldaeje. Cali oo ahaa curadkii dhaxalka lahaa markuu
hanaqaad noqon lahaa ayuu geeriyooday, halkaas ayuu Xaaji C/laahi ku noqday (Waliyal
Cahdi), saas daraadeed markuu aabihiis geeriyooday sanadkii 1926 dii, Xaaji C/laahi
waxa uu noqday Beeldaajihii todobaad (7) ee Beesha Cali Saleemaan.
Xaaji C/laahi wuxuu yaraantiisii nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu
horeysay ee Xaaji Maxamuud “Dharas”, kaasoo ah dugsi magaalda Qanadala caan ka
ahaa. Sidoo kale Xaaji C/laahi wuxuu waxbarasho iyo safaraba u aaday Xamar iyo
Yemen sanadadii 1930-35 kii.
Markii ay dowladii Fashiistiga ee Benito Musselini qabsatay Majeerteeniya, waxaa
dhacay dagaal culus oo badda iyo bariga laga duqeeyey deegaanadaas, sida la
ogyahay Beeldaaje Xaaji C/laahi iyo adeeradiis, Xaaji Cartan Ismaaciil iyo
Siciid Ismaaciil waxa lagu eedeeyey in ay amarkii Governerka ka hor yimaadeen,
dabadeedna waxa loo musaafuriyey xabsi ku yaal Xaafuun, oo markaas aheyd
magaalada Soomaaliya ugu horumarsan, halkaasna waxa ay ku xiraayeen sanad.
1937-41 dagaalkii labaad ee dunida Beeldaajaha iyo Ugaas Yaasiin C/raxmaan, waxa
ay ku howlanaayeen wax ka qabadka (xaaladaha deg dega oo Ingiriiska ku soo rogay
Soomaaliya ee beegida raashinka), oo cunta la`aanta saameysey noloshii dadka.
1941-49 waxa uu ka mid ahaa Guddiyadii Ururka Leegada, S.Y.L.
1950, markii UN ku Talyaaniga soo cesheen, waxa uu ka mid ahaa Isimadii diidanaa
ee doonaayey watayna figrada “Great Somalia” Soomaali in la isku daro. Isla
sanadkaas 1950 waxaa la casriyeyey warshada kalluunka ee Qandala taas oo uu door
weyn ka qaatay furideeda.
Beeldaaje Xaaji C/laahi wuxuu ahaa oday dhaqanka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka
diinta Islaamka ku dheer. Waxaana lagu tilmaami jiray Isimada Gobolka ugu dhaqan
adag.
1959 waxa uu ka mid noqday xildhibaanadii Soomaaliyeed ee la doortay, galayna
baarlamaankii ugu horeeyey (Assemblea Nazionale Somala), waxaana laga doortay
degmada Qandala. Wuxuu mar labaad soo galay baarlamanka 1964-69, halkaasna wuxuu
siyaasada ku jirey toban (10) sano.
Wuxuu safaro badan ku aaday dalalka Yemen, Sucuudi Carabia, Kuweit, Bangaladesh,
Shiinaha, Ruushka. Mareykanka, Yurub iyo Beitul Qudus intii ay gacanta ku heysey
Urdun.
Wuxuu ka sheekeeyay in uu joogay Dallas (USA) maalintii la dilay John Kennedy
madaxwaynihii maraykanka 23kii September 1963, halkaas oo uu u joogay wafdi
ahaan.
Madax badan oo aduunka ayuu la kulmay,wuxuuna aaminsanaa midnimada Soomaaliyeed
iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.
Mudaddii burburka 1991-2004 wuxuu joogay oo ku noolaa dalka Imaaraadka halkaas
oo shaqo badan ka qabtay, dadwaynaha Soomaaliyeedna guud ahaan iyo gobolka Bari
uu si gaar ah wax ugu raadin jiray. Waxa uu ka mid ahaa isaga iyo ugaas Yaasiin
odayaashii aaday dalka Holland oo biyo galinta Boosaaso loo soo ogalaaday, soona
saxiixay sanadkii1994. Waxa uu ka mid ahaa Issimadii ( boqor Maxamuud iyo ugaas
Yaasiin ) ee ka dhameeyay sheekha Sharja Al-qasim, garoonka Boosaaso in la dhiso
kaasoo maamulka Puntland si toos ah u diiday.
Waxa uu ahaa nin nasiib badan oo waxa uu damco u hirgalaan. Waxa uu ka tegay 11
rag ah iyo 7 dumar ah iyo 3 ooryo
Allaha u naxariisto Beeldaaje Xaaji C/laahi Beeldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil.
F.G. Marxuumka waxaa lagu duugi doonaa magaalada Boosaaso ama degmada Carmo
Source: Dr Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje
Bahda AllSomali Oline oo leh samir & iimaan ale dhamaanteen hanaga wada siiyo......