Logo

Allsomali.com

BILLAD GEESI CADDE MUUSE
 
 
 
May 07, 2003

Web page:yada koonfurta Somaaliya oo aan ka faaiideysaneyn nabadda ka dhacday Puntland!

Waxaa indhawaalaba ka socday dawlad goboleedka Puntland dib u heshiisiin, taas oo ay isla garteen labada dhinac ee isaga soo horjeeday dhanka siyaasadda. Waxaa aad iyo aad looga soo dhaweeyey heshiiskaa dhammaan gudaha Puntland, waxaa sidoo kale soo dhaweeyey heshiiskaas jaaliyaddaha reer Puntland dibad iyo gudeba, iyagoo u arka tallaabo aan looga baran gudaha Soomaaliya. Soo dhawaynta nabadda ay soo dhaweeyeen jaaliyaduhu ayaa laga arkaayey dhammaan web page:yada laga leeyahay Puntland, iyagoo tallaabotallaabo usoo tabinayey hadba meesha uu heshiisku marayo.

Waxaan innaba iyagu wax ka qorin nabadda ka socota Puntland webpage:yada laga leeyahay koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo si aad ah wax uga qori jiray gobolada Puntland xilliyadii ka horeeyey heshiiskan hadda socda. Waxaa hubaal ah in koonfurta Soomaaliya ay tahay goobta u ooman dib u heshiin ka dhacda koonfurta, haddiise la waayo heshiis ka dhaca koonfurta waa in bogagga laga leeyahay koonfutu ay si aad iyo aad ah u buunbuuniyaan nabadda ka dhacda goobaha kale si dadka ama kuwa dadka hoggaaminaya loo dareensiiyo inay suurto gal tahay in la gaari karo xal iyadoo loo danaynayo shacabka iyo maatada ay xabbaddu soo daashatay.

Bogagga wax ka qora Soomaaliya waa inay taatiikh ahaan usoo qaataan heshiiskan iyo kuwa kale ee ay gaareen dadyow uu dagaal aafeeyey, haddii aan sidaas la yeelin oo aan nabadda la xayeeysiin taas macneheedu waxaa weeye adigoo yiri ”heshiiska waxaa ka wanaagsan dagaalka, waayo isagaa dadka boggan akhristaa aad u xiisaynayaan, markaa waxaan wax ka qoraa waa dagaal oo kali ah”.

Waxaan marna la beenin karin in dadyowga ka faaiidaystay ama casharada ka bartay dib u heshiisiimaha ka dhacaya dunida ay yihiin kuwa qura oo ka talin kara aayaha maatada iyo caruurta aan iyagu hubka wadan, lahaynna tabar ay iskaga celiyaa kan hubka wata.

Ugu danbayn dhammaan Soomaali waan u baahanahay dib u heshiisiin, gaar ahaan koonfurtu si gaar ah ayey ugu baahantahay. Markaa waa in joornaalada iyo bogagga Internetyaduba ay si aad ah wax uga qoraan dib u heshiisiimaha dhacaya si ay cashar ugu noqoto kuwa iyagu u qaba heshiiska gef loo gefay una arka ninkii heshiis qaata nin waayey tabar uu wax iskaga celiyo, halka ay ka tahay dunida horumartay middaa cagsigeeda oo billad geesi ay siiyaan ninka nabadda qaata!!!

Geesi Cadde Muuse, geesi kale C.Laahi Yuusuf. Waxaanan ku talinayaa in dawlad goboleedka Puntland ay qabanqaabiso Billad Geesi ay siinayso Cadde Muuse oo lacag ahaan u dhiganta $500000 (Shan boqol oo kun) laguna guddoonsiiyo meel fagaare ah iyo xaflad lasoo agaasimay. Waa marka shirkani guulaysto si uusan ugu sifoobin sifaha aan kor ku xusay ee Soomaalidu aaminsantahay ee uu ugu sifoobo kan ay aaminsanyihiin dunida horumartay.

Mahadsanid

Eng. A. M. Ali

A. M Ali" ama_52@hotmail.com 

news@allsomali.com

Home

 

This Page!

©2001-2003   Our # Fax: 775-256-7757

Hit Counter