|
United Nations Special Representative Secretary General for Somalia H.E.
Ahmed Ould Abdalla met with the Somali Diaspora in South Minneapolis
establishment called Taj Mahal Hall this morning.

Dhambaal Nabadeed oo uu uwaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesotota Xooghayaha
guud ee jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee Soomaaliya uqaabilsan Mudane Axmed
Ould Abdalla
Minneapolis MN News July 28, 2008
Waxaa magaalada Minnneapolis ee Minnesota lagu qabtay aroornimadii sabtida oo ay
bishu ahayd Julay 26/2008 xaflad aad loo soo agaasimay oo quraac ah waxaana
xafladaas soo qaban qaabiyay labada urur ee kala ah Confederation of Somali
Community in MN oo uu madaxda u yahay Dr, Said Fahiye iyo Somali Relief and
Developemeny Organization in Sandiego ,Califonia oo ay hogaaminayeen madaxdooda
ururka Mohamud biixi , Abdiaziiz Warfaa iyo husseen jaamac.
Waxaa xafladan lagu qabtay hoolka la yiraahdo Taj Mahal ee ku yaal minneapolis
minnesota, quraacdan oo lagu soo dhawaynayay u qaybsanaha gaarka ah ee xoghayaha
guud ee qaramada midoobay ee soomaaliya mudane Axmed Ould Abdalla.
Waxaa furay soo dhawayntii Abrizaq biixi oo ku soo dhaweeyay wadaad ku furo
aayadaha quraanka ka dibna waxaa dhamaantood is magacaabay dadkii ka soo
qaybgalay xafladdaas oo ahaa dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed ee degan gobolkan
minnesota & kuwa kakala yimi gobolada kale ee dalka Mareeykanka.
Quraacda lagu sharfay ayaa ahayd mid ka kooban qudbado kala duwan maadaama ay
ahayd isbarasho iyo soo dhawayyn gaar ah ee loo sameeyay u qaybsanaha.
Isla galabnimadii saacaaddu markay ahay 2;00pm ee duhurnnimo baa waxaa la isugu
yimid hoolka layiraahdo Internatinoa Institude of Minnesota kaasoo ahaa mid aad
loo soo agaasimay waxaana halkaa hadalka aad u qiimo badan ka jeediyay iyo soo
dhawayn ba Dr Said faahiye oo ah madaxa ururka isutagga ee soomaaliyeed ee marka
la soo gaabiyo (CSCM) wuxuuna soo dhaweeyay u qaybsanaha isagoo ku hadlaayay
dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed ee degan labada magaalo ee mataanaha ah &
Rochestar ka dib waxa uu ku soo dhaweeyay Zainab HASAN oo ka socotay ururka
layiraahdo minneapolis foundation waxayna ku soo dhawaysay wadaad aqrinayey
aayadaha quraanka barnaamijka waxaana aayadihii quraanka akhriyay sheikh ahmed
ka dib markuu aayadihii quraanka la dhameeyay baa markiiba waxaa hadalkii qaatay
u qaybsanaha gaarka ah ee xooghayaha guud ee jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee
Soomaaliya mudane Axmed Ould Abdalla waxa uuna aad uga hadlay nabadda wuxuu
yidhi waxaa idiin wadaa fariin nabadeed oo aan rabo inaad u gudbisaan dhamaan
shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan soomaali waa inay gacmaha
isqabsataa oo ay meel uga soo wada jeesataa sidii ay dalkeed u dhisan lahayd
haday taa dhacdo dhamaan ciidamada shisheye waa ay ka baxayaan dalka .
Waxa kaloo yidhi waxaan rabaa inaan soomaalida u soo gudbiyo shacabka
soomaaliyeed waxa ay la haayeen dowlad qaran qaran oo sumcad wayn ku leh dhamaan
dunida waxaa xusuustaa soomaaliya markay dowladda lahayd inay kaalin wax ku ool
ah ka qadan jirtay caalamka waxaa ka mid ahaa waxay heshiisiisay dowlado kala
duwan ee caalamka ka mid ah waxay ahayd dowladdii afrikaanka kaliya ee asastay
ururkii igad oo ilaa iyo hadda unkuman iyo Dowladaha lakala yiraahdo Pakistan
iyo Bangaladesh ka dib waxaa furmay su'aalo waydiintii dhamaan dadkii ka soo
qaybgalay shirkaa wuxuuna ka cudurtaay waqtiga oo ku yaraa isagoo balan qaaday
inuu dib ugu soo noqon doono.
Wuxuu ku guubaabiyay inay soomaalida ka faa'iidaystaan dalkaan maraykanka ah
intay joogaan oo ay wax bartaan si ay hadhow dalkooda markay ku noqdaan ay wax u
anfacaan.
Waxaa si gooni ah loogu mahad celinayaa Mudane Said Fahie Mudane Xaaji
Warsame,Madam Safiya Yaasiin, Mudane Abdirizak Bihi iyo qaban qaabiyayaashii &
Minneapolis Police, Milkiilaha Taj Mahal Basaat Kheyre.
waxaa qoraalkan diyaatrshay
mohamed hussein osman
mxuseen840@hotmail.com
info@somaliamericanmedia.org
English Minneapolis MN News July 26, 2008
It was a well planned and well set up event attended by the elite of Somalis in
Minnesota, California, and Illinois.
SRSG H.E. Abdalla was invited to Minneapolis by Confederation of Somali
Community in Minnesota (CSCM) of Minneapolis headed by Dr. Saeed Fahiye and
Somali Relief & Development Organization of San Diego, California headed by Mr.
Mohamud Bihi, Mr. Abdiaziz Warfa and Mr. Hassan Jama.
Mr. Abdirizak Bihi of Minneapolis, who is a community advocate opened the event
by introducing the guests and the Ambassador and his delegation. Followed by
verses of the Holy quran recited by Mr. Ahmed of the Somali elders.
Other members of the Somali elite attendees introduced themselves to the Special
Representative Secretary General and his delegation.
Not much was said, since the event was just an introduction and networking
breakfast gathering between UN SRSG H.E. Ahmed Ould Abdalla and the Somali
Diaspora in the Midwest United States.
Today at 2:00 pm, SRSG H.E. Abdalla will talk at another gathering in St. Paul,
Minnesota, where thousands of Somalis will listen to him and ask questions
regarding the current and future status of the state of Somalia.
We will post the whole transcript speech on our website as soon as it becomes
available.
Mohamed Ali,
Somali American Media Association (SAMA)
SAMA TV
www.somaliamericanmedia.org
info@somaliamericanmedia.org
|