Logo

American FlagAllsomali.com

Barnamijka Faaqidaada

 

 

Dhul-Beeraadka Soomaaliya

 

Mohamud Wardhere

la soco Qeybta 2aad

Dr.Siciid Faahiye

  la soco Qeybta 2aad

 

 

 

_______


Daawo Boosaaso

Boosaaso Movie

 

 

Idaacada Codka Beesha ee Minnesota oo sii deysey Barnaamij ku saleeysnaa Waxbarashada Dugsiyada Dhexe & Sare oo hawada laga daayey si Live ah Qeybtii 1aad la soco Qeybta 2aad……


Minnesota, (allsomali.com) 1.17.2003

Somali Voices Live from African International Marketplace! Somali Voices will broadcast live from African International Marketplace on Tuesday, January 14th from 7:30-8:30 PM. Host Hussein Samatar will lead a discussion with community leaders about business development within the Somali Community. African International Marketplace is located on off University Avenue and Highway 280 in St. Paul. (1/13/03)

Idaacada codka Beesha KFAI-FM halkan dhagayso 90.3 oo laga dhageeysto Magaalooyinkan Minneapolis & Saintpaul

Iyo nawaaxigooda gobolka Minnesota Idaacada Codka Beesha ayaa xalay ku qabatay Barnaamij ay soo diyaariyeen Ururada Soomaaliyeed ee ka jira Magaalooyinka Mataanaha sida Ururka Macalimiinta dugsiyada gobolka Minnesota , Ururka Somali Confederation Community Minnesota iyo waalidiin Soomaaliyeed ee degan gobolkaan ayna caruurtooda dhigtaan Dugsiyada kukala yaal Magaalooyinka Mataanaha iyo daafeheeda.

Waxaa wanaag ah in ay jirto wada shaqeeyn ama ay ku jiraan dadaal Ururadaa oo ay is xilqaameen taana waa Guul ay gaadhay Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Waxaa moodaa inay haysato Jaaliyada somalida ee gobolkaan Idaacad u hagar baxda ama ha noqotee Jariidadaha ama Internet ka Online News iyo IWM waxaad moodaa in ay ka sii fududahay Idaacada oo ay isla markaa ay ka dhageeysan karaan dadka maanta aan haysan ama u helin awood iney tagaan internet oo ay markaa furtaan oo qaadaneysa waqti iyo xirfad lagu raadsado wixii war ah oo ka socda kumunitigaaga ama jaaliyadaada Soomaaliyeed waxaa moodaa taasi iney ka gaabiyeen dadka qaarkood oo leh cilado sidaan kor ku soo sheegnay laakiinse waxaa door weyn ka ciyaaray Idaacada layiraahdo Codka Beesha oo ayadu ku caan baxday iney sii deyso Barnaamijyo halku dhig ah kana haqabtira wax weyn Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan gobolkaan iskuna tax lujisa sidii ay uga ciyaari lahayd isku xirka Maamulayaasha ama Agaasimayaasha Jaaliyada Somalida ee Gobolka Minnesota.

                                       Mar aan wax yar ka weydiiney Xussen Garab Yarre

Xuseen Garabyare Madaxa Idaacada Codka Beesha KFAI-FM 90.3 wuxuu iisheegey iney sameeyn doonaan sidaan oo kale in uu noqon doono oo aanu ku qaban doono wareeysiyadaan oo lamid ah ku qaban doono (Somali Malls) waa suuqaqa ey soomaalidu ku leedahay Ganacsiga sida suuqaan oo layiraahdo (African International Market) iyo kuwa kale waxaa doodcilmiyeedkaa ka hadlay Dr.Abiikar oo isagu ugu horaynba furay barnaamijkaa , Maryan Maxamed oo ka socotay PTA, Macalin Maxamed Xassan, Maxamuud Wardheere, Dr.Siciid Faahiye, Shaafi, iyo Wiil Dhlinyaro ah oo isagu ku hadlay magaca Mall-ka African International Market. Maryan Mohamed Madaxa PTA

Waxa ay tiri Maryan Maxamed oo sheegtay inay ku cusub tahay gobolkaan

waxay in ka taabatay Maamulka inta ka jira iyo kii wadankeenii waxay tiri ayadoo soo qaadatay qiso yara waxay tiri waxaa iga qabatay dan xafiis uu fadhiyo nin madaxa waan iskagalay xafiiskii markaana waan istaagay xafiiskaa dhexdiisa waxaan dareemay inay suuragal ahayn wadankeenii Soomaaliya nin madaxa xafiiskiisa inaad iska soo gashid mana dhici jirin aniga markaan ogaa.

Laakiin ninkaan ladoortay oo wadankaan mareeykanka joogay oo ladoortay xafiiskiisa wuxuu ufaran yahay qof walba oo Soomaali ah ama qof kasta oo wadan kaan ku nool waayo dadka ayaa Amerika leh sidaas darteed maamulka ayaa waxaa uu u dhisan yahay qofkasta oo wadan kaan jooga iney ufuran tahay albaab walba si uraadsado waxyaalaha ka maqan, laakiinse anaga waxaan ka nimi maamul’aan sidaas oo kale ahayn dhibaatada jirta waxa weeye maamul aanu garaneyn in aanu markaa xanuun sano oo anigu markaan iskuulka ilmahayga udiray soo ayagu mas’uulkama aha oo macalimiin uma aha oo mushahaar intaa uma qaataan?

Markaa mashruuva ugu weyn wuxuu yahay in aanu isku mashquulino sidii aanu

ufahmi lahayn maamulkaan halka ka jira oo ah midloobaahan yahay sidii aanu uqabatimoobi lahayn sida hooyo ka shaqeeysa labo shaqo oo ayaduba waqti u hayn in ay timaado ama la socoto caruurteeda ama ka warqabo oo la xiriirto iskoolkii marka waxaan ogaaday in aysan jirin inay waqti uhelin waalidiintii oo ay ku mashquulsan yihiin labo shaqooyin iwm.

Waxaana haboon in la is ku yimaado lagana hadlo wixii dan inoo ah waanu ognahay in ay san jirin meeshaan in wax lagala tagahayo aysan jirin Caruurteena mooyee oo taasu runtahay waa lagayaabaa in waxyaabo lacaga lasameeyo laakiinse Amerika waa wadan Capitalist ah lacagtaad shaqeeyso asagii baad ku celineysaa marna lagama yaabo inaad lacag ka sameeyso.

Marka waxa kaliya oo aad ku dadaashaa uun waa inaad waxka baratid waayo markaad waxbaratid noloshaadii baa is badaleysa oo sifiican bey isku badaleysaa waad lasocotaa dadkii soomaaliya wax kasoo bartay iney ka mudan fiican yihiin kuwii aan wax soo baran oo layimi kuwii xagan wax ka bartayna waxaa laga yaabaa iney ka nolol fiicnaadaan sidaas darteed in loo arko inaan shaqeeysano waa nalagu yaqaan inaan wax lacag sameeyno waana lagu arkay oo waxaanu nahay dad Survivor ka ubartay laakiinse hada inaan mushtamaca inaan isa soo hor fariisano is warsano warsee Caawa nafteena ubadbaadinaa maxay tahay waxa loo baahan yahay?

Inaan Caruurteena iskuulka kaga warqabno hadii ay dhicikarin ama awoodi karin hooyooyinkii ilmaha mas’uulka ka ahaa ayna sameeyn karin oo ay jirto lacag yaraan in mushtamaceenii kale aan isa soo aruursano oo lawada fariisto oo aan ka wada hadalno uun qofweliba oo soomali ah oo waalid ah waa mas’uul aniga ruuxayba wixii dhibaata’ah waan soo arkay laakiinse waxaa iga weyn inta kale oo hooyo soomaaliyeeda.

Waxay bixisay Maryan Maxamed oo si hufan u hadashay ayaa sii bixineysa talo oo ay tiri waa in ay yimaadaan oo la dhageeysto meelahaan oo kale lacasumo in lala arko in wax’aan lawada qabto hadaadan qaban wax’aan filayaa in qofkale ay ku soo bixi kareeyso.

Isla markaana waxaa halkaa ka qabsaday Mikrafoonka Tafatiraha Idaacada Xuseen garabyare oo halkaa ugu mahad caliyey Maryan waxaana uu ku soo dhaweeyey mikrafoonka


Maxamed Xassan Macalin SoomaaliyeedMa

Maxamed Xasan oo ah midka mida macalimiinta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota horeyna u ahaan jiray Hormuudka Jaamcadii hore ee Dalka Soomaaliya (Lafoole) waxaanu yahay hada Macalin ka dhiga Dugsiyada Sare ee Mareeykanka gobolkaan waxaana uu yahay macalin qibrat uleh dhanka waxbarashada kuna jiray xil dheer waxaana wacan in maantey uu soomaaliyo cilmi giisa iyo qibradiisa wuxuuna ku yiri hadaan ka hadlo asagoo ka bilaabay dhanka waalidiinta kaalinta ay uga warqabi lahaayeen sida aanu ku wada dharag sanahay dhaqan kaanu lahayn & dhaqanka halkan yaal inaad ukala duwan yihiin sabatoo ah keeni aanu lahayn dad badan baa ka hadla ninkii ahaan jiray Ex madaxweyne ku xigeen Mondale tartan lagalay Senator Colman lagana badiyey ayaa xaaskiisa mar soo qaadatay maah maah African ah oo soo qaadatay oo buug ka qortay oo magac ku yeelatey laakiinse maah maahdaas oo asalkeedu dadka Africanku leeyihiin. Maah maahdu waxay leedahay (magaalo dhan beey ku qaadataa iney ilmo koriso ama kobciso) micnuhu waxa weeye dhaqan kii aanu lahayn inaga markaad joogtay soomaaliya ilmaha waxaa kuu ilaalin jiray inta joogta xaafadaada ama degmadaada ma ay jirto hlkan waxaa jira dhaqankale oo ah adaa dhalayee adey ku jirtaa.

Meelo wey jirtaa ilmuhu oo utagaan taakulo ama wax barasho ay ka mid yihiin aysiiyeen iskuulaadka ama dariska meelaha ay tagaan waalidku hadii uu ka xirto Ilmuhu qatar bey ku jiraan waxaan kaga dabatagayaa hadalkii Maryan oo tiri inkastoo leeyihiin wax baan qabanayaa wali aanu tuxtuxle nahay hadana waxaa mudan xil waa nasaaran yahay inkastaanu leenahay dhaqan ah oo kale wax uqaban waayeen iyagu laakiin waxaa ka muuqan in qofkasta oo waalid ah oo ilmo dhalay ilmahaasi meesha uu tagayo iyo siduu iskuulku ku yahay kaga daba tago oo dhowro oo wali Jaaliyada wey jirtaa laakiinse la isma cafinaayo bari baahidiisa ku cafin mey hadaad ka xiniin guratid ee waxaa haboon mar walbo. Halala socdo marar badan baan iri laakiin waalidka hadaan marnaba og tihiin waxa dhigta dad kala duwan oo kala jinsiyado kala duwan waxaa ay leeyihiin ururo macalimiin ah qofkaliya oo madow ah kumajiro marar badan baan iri waalidiinta soomaalida dadkeena oo ka mid noqda dad badan oo odayaal iyo islaamo soomaaliyeed ama gabdho soomaaliyeed aan iraahdee taasi islaama ayaa ka xanaaqay baan fillayaa baan uyeeray wari nooga qeeyb gala gudigana mar’uunbey madaxa keenaan maalintii dambena diblooma arko dadyowga kala uun baa jooga markii la isku yeerana in yar baa timaa.

Waxaan la idinkugu yeerayaana waxa weeye waa ubadka dadkiisii hada waxaa umoodaa walidka ilmaha koriya in haweenku ay ubadan yihiin oo ragii ama waa dhinteen ama meelahaas bey ku kala laalan yihiin wey ka badan yihiin.

Marka hooyooyinkaa ama qaraabadaa ilmaha wada waxaan aad uga codsan lahayn in ay ilmohooda ka war qabaan oo yaanan la is oran oo kaliya macalimiin baa jira asagoo ku sii dheeraaday hadalkiisii.

Wuxuu yiri waxaad arkey saa dhowr faamily oo boqolaal caruura iyo kumanyaal faamiligooda aaway maxay u imaan la’yihiin oo ay shirarka ugaga soo qeyb gali la’yihiin?

Xilka ugu weyn oo ina saaran waxa weeye ilmaha waxbarashadiisa & aadabtiisa iyo dabagalkiisa oo waalidiintu saaran yahay waan ogahay duruufaha jira laakiinse kaaga durki meyno duruuf baa jirto sababtoo ah shabka waxaa ugu mudan ama waxa u badan mida kale waxaa layiri waxbarashada gobolkaan ayey ka jirtaa waa runoo waxaa jira nidaamyo cusub oo laakeeney ubadka mareeykanka asagoo ka hadlayey wuxuu yiri mareeykanka wuxuu sameeyaa ama geeyaa caruurtiisa wadamo kale oo loola tartan siiyo caruurtiisa caruurta aduunka mareeykanka markii aad fiirisid wuxuu ka mid yahay dalalka ugu tacliintiisu ugu wacan tahay marka wuxuu sameeyaa tartano oo aduunyada kale oo ilmihiisa ugu dhigo ilmaha ugu waxbarasho wanaagsan ee ugu heer sareeya marar badan beey qiyaaseen waxay arken iney hoos jiraan markii heerka ubadka waxbarashada mareeykankaa lasheegayo kolan meel kalulaato kanahay laakiin nadaam ku waa ina qabanayaa oo muxuu inoo wada qabanayaa? Marka nadaamkii loo dajiyey

  diyaariyey Abdikarim Ciise (Editor-in-chief)

abdikarim@journalist.com


  Ardey dhigata Jaamacaddaha Gobolka Minnesota


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaaliyada Soomalida Minnesota

 

Shirwyne ay isugu yimaadeen Ururada Somaliyeed ee Minnesota

Brian Coyle Center

 

Welcome to Allsomali News-Twincities-MN

 

Maxaan ka yeeli musabidashada argagaxisada islaamka Soomaaliyeed

   

©2001-2003  Allsomali.com Our Fax: 775-256-7757