|
Dhul-Beeraadka Soomaaliya



_______
Daawo Boosaaso
Boosaaso Movie
|
Shirweyne Soomaaliyeed oo ku saabsanaa Horumarinta & Taageerida Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya oo ka dhacay Jaamacadda Gobolka Minnesota Axadii
Minnesota, (allsomali.com) 1.13.2003
Waxaa lagu qabtay Jaamacadda Minnesota Humphrey Institute Hall Shirweyne loogaga hadlayey Jaamacada East Africa University oo ku taal Boosaaso, Soomaaliya.
 
Shirweynahaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardeyda waxka
barata Gobolka Minnesota meelkastaba (MSSU) & proffesaro,
Dhaqaatiir, Macalimiinta wax ka dhiga iskuulada kala duwan
ee wadanka Mareeykanka.
Waxaa halkaas Buuxiyey Dad weyne aad u fara badan oo
xiiseeynayey Horumarka laga gaarey Waxbarashada aad arkeysaan
meela ay taabaneyso Soomaalida degan gobolka Minnesota oo
isku raacda ama isku af garatay in kor loo qaado kaalinta
wax qabadka ee wax barashada ka jirta dalkii hooyo
una baahan in wax laga qabto lana siiyo hiil iyo hoo
intaba Jaamacadaha ku kala yaal dhamaan dalka Soomaaliyeed.
Dr. CabdiRaxmaan Diiriye Maxamed ayaa lagu soo dhoweeyey madasha, waxaana uu ka hadlay "Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta Waxtarkooda". Ugu horrayn si uu u muujiyo inay sahlan tahay in la dhiso tacliinta waxa uu tusaale ugu soo qaatay booqasho uu ku tegey dalka Afqanistaan taas oo kusaabsanayd dhisida Jaamacad. Waxa uu yiri waxa ay la
xiriireen 1000 qof oo daggan Maraykanka oo qofkiiba lagu qoran $100 bishiiba, sidaasna ay ku heleen 1000 x $100 = $100,000 (boqol kun oo doolar) bishiiba. Hadaba ayuu yiri, Dr. CabdiRaxmaan, immisa Soomaali ah ayaa deggan Minnesota (qof ayaa gadaal ka qayliyey oo yiri 60,000), hadaba ayuu yiri haddii aan wax ka qaban weyno arinta hadda ina
hortaal waa gaf. Waxa uu Dr. CabdiRaxmaan sheegay in waxbarshadu ay leedahay qiimo sare, aniga ayey wax ii tartay ayuuna hadalkiisa ku adkeeyey, waxana uu yiri Soomaaliya waajib ayey igu leedahay.
waa in aan dhisnaa waxbarashada ayuu yiri, ilaa tacliintaa wax dhista'e.
Ardeydaan oo u fadhiya Imtixanka Jaamacada Bariga Afrika, Boosaaso oo ku jira xiligii kuleeylka.

Waxaa halkaasi ay dadku ku daawadeen Cajalad nooca fiidiyowga ah
Oo ka hadleysay ama laga arkahayey Horumarka Jaamacadda iyo waax yaheeda
Waxaana intaa usii dheer waxaad arkeysaa oo aanu ka daawaney Ardeyda dhigata
Jaamacadda Oo galeeysey Imtixaanaadka Jaamacadda oo markaas intey
kuleeyl dartii iska hoobinayey jirkiisa dhididka uuna ka hoobanaayey dhidid waxaana lagu jiray xiligaas June/July oo ah bilaha ay magaalada Boosaaso ugu kulaylka badan tahay.
Gabyaa Cismaan Ducaale Daahir

oo halkaas kasoo jeediyey laba gabay oo uu yiri mid waxaa iga codsaday dhakhtar Soomaaliyeed, gabaygaas oo kusaabsanaa cudurka AIDS-ka, wuxuuna ahaa gabay markii uu dhameeyey dadkii sawaxan isla keceen si uu mar labaad ugu celiyo, dulucda gabaygaasi waxay ahayd in AIDS-ku yahay ciqaab iyo caro Allah oo dusha kaga dhacaysa qofkii xad-gudba ama
xera-dhaafa. Gabayga labaad wuxuu ahaa gabay dheer oo cinwaankiisu ahaa JAHLI, oo uu ku halqabsanayey [JAHLAA DARAN] kaas oo uu ku tilmaamay sida jahligu uu mugdi u yahay, waxana uu gabaygaas ku sheegay sida shahaadada qabiilku ay u tahay in qofku ku dhaqaaqo wixii xumaan ah oo dhan, jahligu in uu dulmi yahay, in Jahligu qofka bado in uu falo
xumaan oo dhan, in uu raaco kufri, ku kaco dulmi, dadka laayo, wanaag oo dhan dafiro marka uu jahli qofku ku sugan yahay.
Dhagaxii u horeeyey ee la dhigay Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso, Soomaaliya
waxaa cajlada ku bilaabatay tusmo muujineysa dhagaxii u horeeye ee jaamacadda la dhigay oo ah kan sawirkiisa bidix ee boggan ka muuqdo. Meesha dhagaxaas ladhigay waxay ahayd meel bannaan

Hadii aanu ka bixino faalo yar Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso,
Soomaaliya. Baaxada dhulka Jaamadda E.A.U waxaa uu gaarayaa
888.00 Meter dherer Balaca waa 550.00 Meter dhulka inta dhisana
ma dhama Boqolkii 15% percent.
Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya oo ka kooban
2 kuliyad Kuliyada Shareecada & Kuliyada Businesska & Adminstrationka.
Shirweynaha waxaa ka hadlay
Deanka Jaamacadda Bariga Afrika, C/weli C/raxmaan Geyre

C/weli C/raxmaan Geyre-Hormuud ka East Africa University, Boosaaso
Prof. Cali Khaliif Galaydh – prof University of Minnesota
Dr. C/raxmaan Diiriye Max’ed – Dhakhtar Soomaaliyeed
C/risaaq Cumar Bile – Xubin Ururka Ardayda (MSSU)
Max’ed Xasan Cismaan – Hormuud hore Kuliyaddii Waxbarashada ( Lafoole)
Shiikh C/rahman Sh. Cumar – Shiikh & Macalin
Cismaan Ducaale Daahir – Gabyaa Soomaaliyeed
Waxaa Shirweynaha furay C/weli C/raxmaan Geyre oo ahaa Deanka ama
layiraahdo Hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya
qeybta Businesska iyo Adminstrationka hadaan taariikh diisa qaab nololeed
in yar ka soo qaadano waxaa uu ahaa C/weli nin ku dhashay Magaalada
Muqdisho kagana baxay Banaadir Sare ee Magaalada Muqdisho.
Wuxuuna ku qaatay Double Major Jaamacadd ku taal dalka Mareeykanka
Eastern Michigan University oo kala ah Economics & political Science ayuu soo qaatay labadaas Major C/weli waxaa uu ka qaatay Shahaadooyin sar sare oo kala duwan C/weli waxa uu qaatay shahaadada loo yaqaan < Bachelor-ka ganacsiga (labo bachelor) ka qaatay, isla jaamacadaas waxaana usii dheer oo ka qaatay shahaadada Master-ka. Isla Jaamacadaas
Eastern Michigan University > C/weli C/raxmaan Geyre oo joogay wadanka Mareeykan ka 20 sano waxaana uu ubareeray in uu ka noqdo wadankaan Mareeykanka Meeshaan oo Masawirka aad ka arkeeysid una bareero noloshiisa iyo Cilmi giisu dib ula noqdo sidaas ayuu C/weli door biday ayuu yiri Cabdirisaaq Lafoole oo kamid ah xiriiriya yaashii
shirka oo ka sheekeynayey Hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso,
Soomaaliya. Kuna soo dhaweeyey makarafoonka Hormuudka Jaamacadda
Wuxuu yiri waad mahadsantihiin waxaa sharaf ii ah in aan ka soo qeey qaato Shirkaan
In aan safar dheer usoo galo in aan diyaarad usoo raaco, inaan maantay nasiib u yeesho
Waxaan leeyahay ilaah baa mahad iska leh C/weli oo ka hadley waxa uu kala kulmay
Taariikh nololeedkiisa oo yiri waxaad nasiibka adinku uyeelateen inaan hasheen gareen
Cardka markaad Eerboorada ka soo dagteen ku qaadateen anagu waxaas maanan aqoon dhib baan umarnay kadibna waxbarashaduna wey nagu adkeeyd si kastaba hanoqotee muddo dheer oo u baahnayd samir ay ku qaadatay in uu dhamaystirto wax barashadiisa Alhamdulilaah ayuu yiri C/weli, muddo ka dib ayaan go'aansaday in aan Soomaaliya ku laabto.
C/weli waxa uu sheegay in Prof. C/Raxmaan uu yahay madaxweynaha Jaamacadda, kuxigeenkuna uu yahay Pro. Axmed. Waxayna jaamacaddu hadda leedahay 14 macallin
Cabdirisaaq Lafoole oo su’aalo eey dad weynaha wey diinayeen su’aalay C/weli C/raxmaan Geyre
Su'aalo: Jaamacadda Bariga Afrika ma hoos timadaa wasaarada waxbarashada ee Puntland, yaase bixiyey dhismaha Jaamacadda, xiriir ma idinka dhexeeya State of Puntland, xiriir ma la leedihiin jaamacadaha kale ee dalka, waa maxay shuruudaha Jaamacaddu, tabeelayaasha jaamacada ee ka muuqdey cajladda waxaa kuligood ku qoraa ingiriisi iyo carabi ee
Afsoomaaligii ma qormi waayey, iyo Soomaalidu ma waxay ku qanceen in ay nabad la'aan kujiraan , miyeysan Jaamacaddau ka qayb qaadan nabadda?
C/Weli oo su'aalahaas ka jawaabayey waxa uu yiri: Jaamacaddu waxay ku taal gobolka Puntland (state of Puntland), waxayna hoos timaadaa wasaaradda waxbarashada ee Puntland State. Waxaana dhismaha jaamacada gacanta ugu weyn ka geystey dalka Kuwait. Xiiriir waa naga dhexeeyaa Puntland state, jaamacaduna waa qayb kamida gobolka. Xiriir waan leenahay
jaamacadaha kale sida aad cajlada ku aragteen waftiga Jaamacadda Camuud nooga yimid, Jaamacada xamarna wafti ayaan u diray sanadki hore. Shuruudaha jaamacadda lagu soo galo waa in ardaygu dugsi sare ka baxay, waa in uu iska bixin karaa khidmada jaamacadda, waana in uusan muddo dheer ka maqnayn iskuul, haddii muddo hore iskuul ugu dambeysey waxaan
u diyaarinay fasal (semester) aan u bixinay fasal eber (semester zero) [oo lagu soo dhisayo ardayga]. Haddii aan tacliint isu taagno, oo ciyaalka wax labaro, kuwaas waxbartay maxsuulkoodu wuxuu noqonayaa nabad. Macalimiinta jaamacaddu hadda waa 14 macallin , labo kamid ah ayaa ah Hindi. Hadda Ingiriis iyo Carabi ayaa ardayda wax lagu baraa
afsoomaali hadda Jaamacadda laguma dhigo waase laga higi doonaa.
Midig Max’ed X Cisman Ex-Dean (Lafoole) Dhexda Dean EAU C/weli C/raxman Geyre Bidixda Prof Cali Khaliif Galleydh & Ardeyda Jaamacada Minnesota U of M

Prof Cali Khaliif Galeydh wuxuu macalin ka yahay Jaamacada Minnesota ee shirka lagu qabtay, ugu horayntiiba waxa uu dadweynihii ku baraarujiyey in aysan siyaasad ka dhigin waxa meeshaan lagu hayo oo aysan ubadalin wax siyaasada aysana noqon sida siyaasada soomaaliya ay isku badasho sida fudud oo wuxuu yiri waxaa ay qaadataa siyaasada reer
galbeedka waqti dheer siday wax isku badalaan ama ay uhir gasho laakiinse siyaasada soomaaliya waxay isku badashaa buu yiri si fudud maantana meeshaan waxaan iskugu nimi oo aanu ku haynaa uun waa wax barashada, Waxana uu in cabbaar ah ku adkeeyey Soomaalidii madasha joogtey in aysan waxbarashada Soomaaliya ka dhigin ama dhexgelin habayaraatee wax
siyaasad ah.... aad ayaana dadkii goobta fadhiyey taas ula dhaceen.
Prof. Cali Khaliif oo dib ugu laabtay taariikhdii carta, hadaan wax yar ka soo qaadano waxa uu yiri anaga haddaan reer carta nahay far ayaa nagu mudneyd, taas oo ahayd in la yiri idinkaaba Puntland burburiyey, taas waxaan ka leeyahay ayuu yiri, qoraal ayaan u qoray hay'adihii taageerayey waxbarshada in ay Puntland sidoodii u siiyaan waxay u
qoondeeyeen. Sidoo kale waraaqo badan ayaan u qoran hay'dda qaramada midoobey oo aan ku niri Puntland iyo Somaliland mucaawinadoodii u wada, keliya ayaan niri wixii aad siisaan nala soo socodsiiya, taas waxaan uga dan lahayn ayuu yiri, isagoo tusaalahan soo qaatay: Marti ayaa hilbo loo keenay, waa hilib kala dhiman oo ay ka maqan tahay baridii,
markaas ayaa martidii is weydiiyeen sida ay reerka la martiyey u weydiin lahaayeen in cadkaasi maqan yahay, markaas ayaa mid toosh qaatay oo reerka dabkiisii agagaarkiisa ku ifiyey, markaas ayaa reerkii yiraahdeen war heedhe sidee wax u jiraan, markaas ayuu yiri waxaan raadinayey cad idinkana idinka yimid anaga aan nasoo gaarin. Marka sidaas
ayaan qaramada midobey arinkaas u weydiiney, in aan ogaano waxa Soomaali magaceeda lagu bixiyey in ay soo gaareen Soomaali.

Midig Max’ed X Cisman Ex-Dean (Lafoole) Dhexda Prof Cali Khaliif Galleydh & Ardeyda Jaamacada Minnesota U of M
Siyaasada Soomaaliya asagoo ka hadlaaya Dr. Cali Khaliif waxa uu yiri waa sidii awrkii sisinta wadey oo indhaha ka xiraa oo iska daba wareegayey ilaa indhaha laga furo. waa siyaasad kusalaysan qabiil, waxaad arkaysaa (qof) aadan arkayn wax uu kuu sheegayo, amaba aysan jirin wax uu sheegayo, waa iska daba wareega sida awrkaas sisisnta. Waxana uu
yiri intii aad qof daba joogi lahaydeen maad idinku dadaashaan oo caqligiina adeegsataan.
Waxbarshada asagoo ka hadlaya waxa uu Prof. Galaydh tusaale u soo qaatay jaamacado ka jira dunida sidii ay ku bilaabmeen, marka laga reebo ayuu yiri jaamacada Al Azhar oo dawladii markaas jirtey ay asaastay, iyo jaamacado kale oo dhawr ah, inta kale badankood Jaamacadaha maanta la yaqaan waxaa asaasay kaniisado. Haddaba ayuu yiri Jaamacadaha
Soomaaliya laga bilaabay oo ay isu taageen dad soomaaliyeed hala taageero.
Jaamacada Bariga Afrika armey noqotaa meel nabadeed oo hal abuur la keeni karo ayuu yiri Prof. Galaydh oo tilmaamayey qiimaha Jaamacadu yeelankarto. Waxana uu intaas ku daray haddii Jaamacadda Boosaaso si gaar ah isugu taxalujiso Kalluunka anigu waxba kama qabo..... Cajladii ayey ahayd tii reer Boosaso ku celceliyeen Kalluunka. Waana qabaa ayuu
yiri in jaamacado laga dhiso meelo badan oo Soomaaliya ah.
Carruurta Soomaaliyeed aad ayaan ugu baqayaa ayuu yiri Prof. Galaydh, carruurta yar yar ayaan u baqayaa. Tankale ayuu yiri "Haani meel uun bay ka unkantaaye armaa jaaliyadu is raacdaa"

Bidixda Max’ed X Cisman Ex-Dean (Lafoole) Midigta Prof Cali Khaliif Galleydh
Maxamed Xasan oo kamida xiriiriyayashii shirka ayaa madashii u sheegay in mardhow shirku xirmayo wuxuuse taas ka hormariyey asagoo yiri "inta wax baranaysay iskaashada oo ka xorooba khilaafka", kolley idiinkaa ama buuxin doona ama gabi doona fursadaas ayuu ku daray., waxana uu taas ku daray in kelmed
kasta oo xun loo helikaro mid wanaagsan. Waxana uu yiri Jaamacadda Boosaaso aan u ballaan qa adno in aan taageereyno, aan u ballaan qaadno in aan ku xiraano. C/Welina hanoo ballaan qaado ayuu yiri in uu midaynayo Jaamacadaha Soomaaliya. Waxana uu xusay sida loogu baahanyahay Jaamacadaha Soomaaliya oo laga dhiso meel
kasta.
Waxaa inoo soo diyaariyey Abdikarim Ciise (Editor-in-chief)
abdikarim@journalist.com
Email: lafooleh@hotmail.com ama warsameh@tiesmn.org
Tel: 612.532.5532 ama tel: 612. 267.3939
Ama website ka Jaamacada u gaara oo cinwaankiisu yahay www.bosasouniversity.com ama www.puntlanduniversity.com
|
Ardey dhigata Jaamacaddaha Gobolka Minnesota





Jaaliyada Soomalida Minnesota
Shirwyne ay isugu yimaadeen Ururada Somaliyeed ee Minnesota

Brian Coyle Center
Welcome to Allsomali News-Twincities-MN
Maxaan ka yeeli musabidashada argagaxisada islaamka Soomaaliyeed
|