Maalintii Jimcaha galabteedii oo ay bisha March 29 ahayd Saacaddana afarta galabnimo waxaa ka bilowday Iskuulka Washburn High ee magaalada Minneapolis, Minnesota, USA xaflad wayn oo lagu dhiirinayay ardada Soomaaliyeed ee wax ka barata iskuulada carigaas. Dadwayne Soomaaliyeed oo aad u farabadan ayaa ka soo qaybgalay oo arday u badan
iyo weliba marti sharaf ay ka mid ahaayeen Duqa magaalada Minneapolis, Minnesota Mudane R.T.Rybak, Haweenayda madaxda ka ah iskuulada magaalada (School Superintendent) Carol Johnson, agaasime ku xigeenka Librariyada Minneapolis, Jan Feye, iyo gudoomiyaha xaafadda ward6 ee Soomaali badan degen tahay Dean Zimmerman . Waxaa kale oo halkaas qudbado muhiim ah
iyo waanooyinba ardada iyo waalidiintaba siiyay Khubaro Soomaali ah oo danaynaya waxbarashada ardayda iyo horumarkoodaba.
Dadkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ah Xeer yaqaan iyo Imaam Sh. Xassan Jaamici. Dr. Abdirahman Mohamed, Gabyaa Osman Dahir, Dr. Safia Omer, Dr. Abdulqadir, macalin Mahamed Hassan arday Abdimaalik Askar, arday Liibaan. Ardaydii iyo waalidiintii ka soo qaybgalay dhammaantood waxay sheegeen inay ka faa’iidaysteen talooyinkaas iyo dhiirigelintaas. Waxaa
iyadana xusid mudan carwadii Jaamacadaha iyo hay’adaha adeega qabta oo si fiican looga faa’idaystay. Waxaa sidoo kale xusid mudan labadii maqaayad Soomaaliyeed ee ugu deeqay cuntada lacag la’aanta ahayd ee Taariq iyo Riverside iyo Lake and Grand oo xataa hilib geel keenay kaas oo noqday mid aad loo xiiseeyo. Isku soo duuduuboo habeenka waxbarashada
Soomaaliyeed si wanaagsan buu u dhacy.
Qaybaha kala duduwan ee barnaamijkaas sida soo socoto ayuu u dhacy:
4:00pm –seminar loogu talagay waalidiinta inay ku bartaan sidii ay ula xiriiri lahaayeen iskuulada ugana warqabi lahaayeen ubadkooda.
5:00pm Carwo waxbarasho ( College Fair)
6:00pm Qudbadihii waxbarasho ayaa bilawday.
9:15pm Habeenkii Waxbarashada Soomaaliyeed ayaa la soo geba gebeeyay.
Marka loo eego codsiga dadwaynaha iyo baahida loo qabo barnaamijyada noocaan ah waxay u badan tahay in habeenkan la joogtayn doono go’aankaase weli lama gaarin.
Waxaa lagu casuumay inay xafladaasi ka soo qayb galaan koox dhalin yaro ah oo aqoon yahanno ah oo degan dalka Canada oo soo saaraan Joornaalka cusub ee GACAL kaasoo saddexdii biloodba mar soo baxo wuxuu ka hadlaa dhaqanka , suugaanta , iyo warar muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed. Qoraayaasha Gacal way u suurtoobi waysay inay ka soo qayb galaan Habeenkaas
laakiin warqadooda ayaa laga aqriyay halkaas.
Habeenka Waxbarashada Soomaaliyeed waxaa isku soo dubo riday Ardayda Washburn High iyo Musharaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis,
Mudane Mahamoud Nur Wardere
Wardere1@aol.com
Allsomali Online Mogadishu
|