Logo

Animated US FlagAllsomali.com

Khudradu waxa ay sigaar cabayaasha ka badbaadin kartaa kansarka


 

Khudradaha uu daba casahu ugu horaayaa waxa ay yareeyaan 30% khatarta kansarka sanbabada.


Sept 02, 2003    Allsomali.News

Khatarta dadka sigaarka cabaa ugu jiraan kansarka sanbabada waxa ay khudradu hoos uga dhigi kartaa boqolkiiba 30, hadii uu qofku cuno wax uun ka mid ah khudrada. Sidaa waxa qoray wargayska Urban.

Lix xabo oo kali ah oo khudaar ah maalintii waxa ay halista u yarayn kartaa sidaa wayn, xataa hadii qofku cunaya khudaartaasi cabo maalintii 40 xabo oo sigaar ah.

Sidaa waxa baadhitaankiisii ku soo gabagabeeyay Dr. Peter Fabricius, ka dib markii la is barbar dhigay 34 baadhitaan oo la isla gartay oo lagu sameeyay aaga isbitaalka Køge.

Waxa si gaar ah saamayn fiican ka hortaga ugu leh khudrada ay ka mid yihiin daba-casaha, tamaandhada iyo kaabashka. Canbaruudka, tufaaxa iyo liin macaantuna saamayn wanaagsan ayay iyana ku leeyahiin ka hortaga kansarkaasi, ayuu yidhi dhakhtarku, waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay daba-casaha.
 
Source from DR
 

news@allsomali.com

Home

 

This Page!

©2001-2002   Our # Fax: 775-256-7757

Hit Counter