Logo

Allsomali.com

WARSAXAAFADEED AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA .

 

Home

  • C/Qasiin oo dharbaaxo culus kaga timiid beeshisa? .

  • Ismaciil Cumar Geelle oo yaaban? .

  • Yusuf Garaad iyo Xasan Bariise oo aad kafeega u cabaya? 

 

Sida aad la socotaan waxaa Tuulada Carta lagu soo dhodhobay wax yar oo isku tilmaamay dawlad ku sheeg oo uu shafka u garaacay ina Geelle asago markaas fushanayey dano gaar u ah asaga iyo ina Boore,Ina Salaad booy,iyo ina Daylaaf oo istusay Riyo Been ah. 

 

Kooxda Carta oo wadanka ku soo dabaashay Siciir barar,iska hoor- keen iyo burbuurin Goboladii nabada ahaa,xasiloonidaro weeraro joogto ah oo ay ku hayso hogaamiyayaasha ka soo horjeeda sida Xaaji Muuse Sud iyo meelo kale iyado adeegsanaysa dhaqaalo xoog ah oo ay ka heshay wadada carabta qaarkood oo tusay wax been ah . 

 

Hagaamiyaha kooxda carta oo ah nin aad ugu hanweyn xuukun laakiin aan garankarin ama aan aqoon sida wax loo xukumo ama wax loo hogaamiyo,wuxuuna ku dhereyaa xaga isku dirka qabaa'ilka wuxuuna u haystaa shahaado marka ninka sidaas ah dadka uu rabo in uu wuxkumo soo mahaan dad haadan ku dhacay waxaana daba taagan intii aan aqoon oo ruuntii hada baratay,wax kale iska daaye waxaa la- yaabay beeshii uu ka dhashay oo xataa u soo jeedisey in uu iska tago oo uu ceebta uu baday beeshiisa kala dhuunto. 

 

Ismaciil Cumar Geele oo layaaban wixii uu carta ku sameyey oo nuxsanla oo gaariweydey hal km oo labo kasta maalin cararto iyo isaga oo ku kuuldaraystay wixii uu kabalan qaaday iyo dadaal uu miiskasta uu garaacay in uu wax ka dhigo meelkastana waxaa loo duwey dhabarka waxyar oo carab ah mooye. BBC oo noqotay taliyaha khaaska ah ee Carta BBC waxay ku caanbaxaday in ay had iyo jeer buunbuniso kooxda carta oo qaarka danbe ka rafanaysa sidii Mas madaxa laga dilay iyado qarisa foolxumada iyo dhibaadada ay ku hayso ummadda soomaaliyeed iyado wax walba u tuurjuunta sifiican tusaale ahaan waxay qarisay,dhacdadii u danbaysay oo Maxaysadada isbaahaysiga Galgaduud isaga horyimaadeen Magaalada Kismaayo oo laga joogo laba week oo ilaa hada Xasan Bariise iyo Yusuf Garaad ka hadlin iyago had iyo jeer wax ka sheega,Maamulka Puntland iyo SL iyo Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha kale marka miyaan la oran kariin waa Lataliyaha khaas ka ah ee Carta halkaas waxaa kacad in YUSUF GARAAD iyo XASAN BARIISE ay ku sifoobeen ficiil xun oo qabiil.Iyago sidaas wax u arka oo waxay sheegayaan layaaban ayey mararka qaarkood inta isal yaabaan ayey waxay afka ku bobaan Cafeega loo yaqaan EXPRESS si ay marlabaad been u shegaan Hadab Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hogaamiyaha kooxda carta in uu qaato Talada ay u soo jeediyeen adeeradiis oo uusan ku taladiidin waxaa kale oo uu goluhu ugu baaqayaa Maxaysadada Isbahaysiga Galgaduud inta ay xooga ku haystaan meelo katiirsan DGKG soomaaliya in aan wax wada hadal ah aan lalyeelandoonin waxaana goluhuu ugu baaqayaa in ay ku laabtaan gobaladii ay ka yimaadeen si loo badbaadiyo ummada soomaaliyeed waxaa kale oo goluhu uga digayaa cidkasta oo rabta in xoog wax lagu haysto ama lagu xukumo in aan Golaha SRRC u dulqaadandoonin wixii halkaas ka yimaada waxaa masuul ka noqondoonta kooxda carta oo riyoonaysa, maxatsadada isbahaysiga Galgaduud oo doonaya dhulbaraasi iyo is adoonsi aan wali taariikhda lagu hayn maanta ka hoor iyo sheegasho dhuul uusan lahayn,Golaha SRRC iyo Maamulada jira waxay aaminsan yihiin Fadaraal iyo in deegaan walba asagu isa soo maamulo oo loo madax baneeyo ninkii deegaanka si loo gaaro xalwaara 

 

AFHAYEENKA GOLAHA SRRC ABDIBARRE 

jabriil62@hotmail.com

BBC:Vs:Puntland "BBC-da iyo Puntland Maxaa kala haysta" Allsomali@Yahoo.com

Home

This Page!

©2001-2002  Allsomali.com Our # Fax: 775-256-7757

Email us news@allsomali.com ama allsomali@yahoo.com ama allsomali@hotmail.com

Hit Counter