Logo

Allsomali.com


KULAN AY ISKU SOO HOR FARIISTEEN MADAXWEYNAHA DGPL CABDULAAHI YUUSUF
AXMED IYO GEN. CADDE MUUSE AYAA SAAKA KA DHACAY MADAXTOOYADA MAGAALADA BOOSASO.


 Boosaaso, May 07, 2003 , ( Allsomali.com )

Kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay isku soo horfariisteen Madaxweynaha
DGPL Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Cadde Muuse ayaa saaka wuxuu ka
dhacay Madaxtooyad magaalada Boosaas.

Kulankaan waxaa weheliyey Boqor Cisman Aw Maxamuud iyo Suldaan Siciid
Suldan C/salaam oo ahaa Isimadii bud-dhigayaasha u ahaa heshiiskan
nabadeed.

Markii uu dhamaaday kulankaasi ayaa labada dhinac waxay weriyayaashu
weydiiyeen dhowr su’aalood oo shirkoodan arrimihii ay kaga hadleen  ku
wajahan, Gen. Cadde Muuse ayaa isagu sheegay in ay isla qaateen in la
heshiiyo, wuxuu kaloo sheegay in markay Ceel Afweyn ka soo guurayeen uu
go’aankoodu ahaa in ay heshiis gelayaan, Gen. Cadde wuxuu sheegay in
uusan heshiiskani aheyn wax ayaamo yar ku dhashay ee uu ahaa mid mudo laga
soo shaqeynayey, xiriir Telefoon oo isaga iyo C/laahi Yuusuf u
dhexeeyaana uu jiray.
Gen. Cadde wuxuu kaloo intaas ku daray in isaga iyo Cabdulaahi Yuusuf
ay saaka wada hadleen, ayna ka soo saari doonaan war saxaafadeed,
laakiin ay heshiiska badidiis ay isla dhemeeyeen, waxyaabo yar yar oo dhimana
dhaqso loo geli doono ayuu sheegay jeneraalku, wuxuuna carrabka ku
adkeeyey in heshiiskaasi uusan aheyn wax laga noqonaayo
Su’aal kale oo la weydiiyey oo aheyd waxa saldhiga u ah heshiiskan ayuu
Gen. Cadde kaga jawaabay in dalkani uu nabad ku soo noqonaayo.
Waxaa kaloo la weydiiyey xiliga uu wadahadlka heshiisku bilowday,
Generaal Cadde oo taas ka jawaabayana wuxuu yiri “Bil iyo Bar, ama Laba Bil,
Telefoonkii ugu horeeyey waxaa ii soo diray C/laahi Yuusuf”
Su’aal kale oo aheyd waxyaabaha yaryar ee dhiman in ay caqabad noqon
karaan wuxuu kaga jawaabay “Maya ma noqon karaan, haddii aydaan idinku ka
dhigayn”.
Mar wax laga weydiiyey shirka dibu-heshiisiinta in uu ka qayb gelaayo
wuxuu kaga jawaabay,  “Haddii ay suurtoowdo waan ka qayb gelayaa,
haddiiba shirku uu dhamaado.. ciidan baan wataa dad baan wataa, waxaygu
haddii ay ii hagaagaan waan aadayaa, haddii kale halkaan ayaan fadhinayaa”
Ma jiraan xubno dhinaciina ka mida oo diidan heshiiskan su’aal aheyd
ayuu Jeneraalku kaga jawaabay  “Bani’aadam badan weeye dadkaanu, laakiin
dadweynuhu waa isku mid kursi ayaa lagu diriraayey iyo lacag waana laga
heshiiyey iyaga, taasu caqabad ay keeni karto ”

Sidoo kale C/laahi Yuusuf Axmed ayaa qudhiisu caddeeyey in heshiiskani
uu yahay mid kama danbeys ah oo dhameys tiran uuna yahay mid ay u
bareereen, wixii ka dhimana ay dhaqso u dhameys tirayaan, dadka oo dhamina
ay talo ku leeyihiin oo aan la qarineyn.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo intaas ku daray in Gen. Cadde Muuse ay si
fiican isu yaqaanaan oo ay saaxiibo ahaayeen,ballantii ay isla galena uu
nin walbaa dhiniciisa ka fulin doono.
Dadka heshiiska diidan ayuu Madaxweynuhu tilmaamay in labada dhinacba
ay jiraan, wuuna intaas ku daray in ay u rajeynayaan in Ilaah tubta
fiican ku soo duwo, markaas nabada ay la qaataan, wuxuuna nabada ku
tilmaamay in ay tahay nolosha bini-aadamka. wuxuu kaloo intaas raaciyey in
Gen. Cadde uu shaki geliyey in uu shirka tegayo iyo in kale, shakigaas in
uu iska baxo ayaan rajeynayaa ayuu yiri
C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Puntland ku tilmaamay mid u dhexaysa
Somaliland iyo Soomaaliya inteeeda kale wuxuuna intaas ku daray in ay noqoto
kaatunkii wax isku xirayey, wuxuuna ku tilmaamay in heshiiskani uusan
aheyn mid anfacaya Puntland oo keliya ee  uu anfacayo dibuheshiisiinta
qaran ee hadda socota, uuna mataal u noqonayo Soomaaliya inteeda kale,
haddiise lagu dayan waayo heshiiskan ayuu Madaxweynuhu sheegay in Puntland
ay tahay Cad Soomaaliya ka mid oo nabad ah oo horumar sameynaysa.

Madaxweynhu wuxuu u mahad naqay Gen. Cadde Muuse oo uu ku tilmaamay nin
geesi ah, wuxuu kaloo mahadnaq weyn u jeediyey Isimadii arrinta
heshiiskan saldhiga u ahaa
Ugu danbeyntiina Gen. Cadde ayaa wuxuu u mahad celiyey Isimadii
kaalinta weyn ka geystay barnaamijka nabadeynta ah.


Anab jama
Boosaaso,  Soomaaliya
www.aalsomali.com

anab@journalist.com
 

 This Page!  


Qaybta Wararka Allsomali.com Allsomali.com


©2001-2003  Allsomali.com Our # Fax: 425-963-0701

Hit Counter