|
|
Allsomali.com |
|
|
BBC shalay iyo BBC maanta
Ugu horayn inta aanan dhiiban ra'yigayga ku saabsan BBC
Vs PUNTLAND waxaan jeclahay inaan fursadaan uga
faa'iidaysto inan halkaan ka salaamo shaqaalaha iyo
tafaftirayaasha websiteka Allsomali oo fursad noo siiyay
inaanu ka dhiibano fikradeena su'aalaha soo kordhaya ee
u dhexeeya laanta afsoomaaliga ee BBcda iyo shacabka
reer Puntland.
Taariikhiyan idaacadda BBCda ee laanta af-soomaaliga waxay shaqaynaysay in ka badan afartan sanno oo xiriir ah,waxayna ahayd idaacad dhexdhexaadnimo iyo hufnaan ku caanbaxday oo ay dhamaan ummadda Soomaaliyeed si isku mid ah ay wararka caalamka iyo dalkaba uga heli jireen laakiin wixii ka danbeeyay bishii abriil ee sanadkii 2000 idaacaddu waxay noqotay meel lagu hungoobay oo aad loogu hanjabay. Waxaan had iyo goor ka aqristaa maskaxdayda erayaddi ugu danbeeyay ee maamulihii hore ee idaacaddu ka yiri markii uu ka tagayey idaacadda abriil 2000 oo uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay inuu noo saaro gabaygii abwaankii cabdulaahi Suldaan Timacadde ee "Dugsi maleh Qabyaaladdi Waxay dumiso Mooyaane". Anigu waxaan is iraahdaa maamulihii hore ee idaacadda Mr.Maxamed cabdulaahi waxaa uu dardaaran u jeedinayay maamulka cusub ee idaacadda BBCda laanta afsoomaaliga iyo shaqaalaheeda inay ka fogaadaan inay jilaan ama dhiirigaliyaan cudurka qabyaalada ee soomaaliya aafeeyay maadaama idaacaddu saamayn wayn ku leedahay dhamaan dhinacyadda soomaalida sida ijtimaaciga,siyaasadda,dhaqaalaha IWM. waxaa kaloo ii soo baxday in maxamed qabay dareen ah inuu ka cabsi qabay in qabyaaladdu soo gaari karto sarta Bush House marka la fiiriyo cidda kabihiisa gashanaysay markii uu tagayay. haddaba maxaa is badalay mar haddii ay idaacaddii BBCdu yeelatay tafaftire cusub? XAGGA TAYADA IYO NUXURKA: Ugu horaynba yuusuf garaad markii uu la wareegay
hogaanka idaacadda waxuu u dhaqmay sidii kacaan dal
af-gambi ku qabsaday oo wixii kacaanka aan la socon
karin ama isir ahaan amaba fakir ahaan madaxa laga guro.
Waxaa uu cayriyay shaqaalihii khibradda lahaa ee
idaacadda ka soo shaqaynayay mudada dheer oo uu ku
badalay wiilal yaryar oo ay isku hayb yihiin oo aan
lahayn waayo-aragnimo saxaafadeed. shaqaalahas cusub
intooda badan waxay ka shaqayn jireen idaacaddii
Gen.Caydiid ee nacaybka fidin jirtay ee la oran
jiran "Codka shacabka". Waxaad moodaa in
abaalmarin loogu dalacsiiyay inay bush house soomaali u
fariistaan. Marka shaqaalahaas aan khibradda lahayn
waxay idaacadda gayaysiiyeen in ay tayada idaacadu hoos
u dhacdo xagga turjumaada wararka, diyaarinta
barnaamijyadda,horumarinta afsoomaaliga iyo
eray-bixinta iyo xagga dheelitirka. waagii hore idaacadu
waxay lahaan jirtay doodo iyo waraysiyo ku saabsan
arrimaha waaqiciga ah ee soomaaliya ka taagan laakiin
labadii sanno ee lasoo dhafay waxaad moodaa in
cabursanaan iyo jahawareer soo wajahay idaacadda. DHEELI-TIRNAANTA IYO DHEXDHEXAADNIMADDA Sida dad badani la socdo saxaafaddu waxay saamayn wayn ku yeelataa horumarka ama dibudhaca ummadeed oo haddii si wanaagsan loo isticmaalo waxay keeni kartaa horumarka iyo isfahamka ummadda laakiin haddii loo isticmaalo si xun, sidda tii ka dhacday Rwanda sanadkii 1994 oo nin suxufi ah oo huutuu ahi uu qabsaday codbaahiyihii idaacadda Kigaali oo uu yiri " war bariiska waxaa ku dhex jira hal hal digir ah ee halaga guro" si loo xasuuqo malyan ku dhawaadkii Tuutsiga ahaa,waxaa imaanaysa isfahamdarro bulshadda soo kala dhexgasha. idaacada BBCda laanteeda afsoomaaliga sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka muuqday ku tagri fal miisaankii ay lahaan jirtay idaacaddu. Waxaa dadka sida aadka ah u dhuuxa dhaqdhaqaaqa idaacadda ay dareemayaan inay halkaas ka soo urayso sanuun qabyaaladeed oo haddii ay sii socoto keeni karta in dadku si tartiib ah u dareemaan in sarta Bush house ay tahay dhibaato ka mid dhibaatooyinka soomaalida haysta oo laga nasan la'yahay. waxaad dareemaysaa in tafaftiraha idaacaddu uu koobiyaynayo siyaasadda kooxaha Soomaaliya ka jira qaar ka mida, Boqolkiiba 70 waxaa lagu saleeyaa barnaamijyadda idaacadda sumasalaaxidda iyo taageeradda qaar ka mid kooxaha ka jira Muqdisho sida kooxda carta . Wariyayaasha u jooga magaalooyinka xamar iyo hargaysa waxay u dhaqmaan oo lagu dhiirigaliyaa inay u hadlaan sida afhayeenadda somaliland iyo Cabdiqaasin. dadka qaar waxay ku tilmaamaan wariyaha yuusuf garaad xamar u jooga "madfaca idman ee carta". Goboladda kale ee soomaaliya waxaa la geeyaa wariyayaal lid ku ah dadka dega ama caadaqaatayaal ah oo sheega waxii lagu amro,kuwaas oo buunbuuniya xumaanta iyo iska horkeenka ummadda. tusaale ahaan Puntland waxaa Yuusuf garaad geeyay markii la dhisay nin siyaasi ah oo Cabdulaahi Yuusuf kula tartamay doorashaddii madaxwaynanimada ee Puntland 1998 inuu halkaas uga soo waramo. waa dhurwaa hilbo ku rar adigoo og inuu cunayo. markii shirkii carta socdayna waxaa kale oo Puntland BBcdu wariye uga dhigtay shaqsi lagu yaqaan seeflaboodnimadda oo ahaa tafaftiraha jariiradda Riyaaq ee ku hadasha afka ururka Al-itixaad al islaami oo ay aad isaga soo horjeedaan shacabka iyo madaxda Puntland. tafaftiraha cusubi wuxuu bilaabay olalle uu meelaha soomaaliya nabadu ka jirto sidda Puntland uu ku burburinayo isagoo isticmaalaya aaladda warbaahinta halka uu doonay inuu afkiisa ku nabadeeyo meelaha xiisaduhu ka jiraan sida Muqdishu oo uu wariyihii dhexdhexaadka ahaa ee Yuusuf xasan uu eryay oo uu ku badalay nin aan dareemayn inay dhagaysanayaan dad xog-ogaal u ah arrimaha Soomaaliya. Midda kale, barigii hore shaqaalaha idaacaddu way miisaanaayeen xagga lahjadda iyo goboladda ay ka yimaadeen laakiin ayaamahan waxaa xaqiiqo ah in tafaftiraha cusubi dhallinyaro bacdii wali ku dhagan tahay oo ay isku hayb yihiin uu qoray halka shaqaalihii khibradda lahaa laga cayrshay sannad ka hor. Ugu danbayntii waxaa dad badan oo Soomaali ah u cadaatay inaan dheg jalaq loo siin dardaarankii cabdulaahi Suldaan timacadde iyo Maxamed cabdulaahi oo ay tolo'aydii soomaalidu ay gaartay daarta laanta af-soomaaliga ee BBCda. hadraawi wuxuu yiri," daahyaley anaa furay dabadayna lama xiro dooduna inoo furan"
F.J.Shillinson
Jawaabtii F.J Shillinson
asalaama calaykum walaal
inta aad kahadlayso XXXX
walaal waxaa kaaga fiican inaad kahadasho maxaa
somaali iyo qabiil kala haysta iyo sidaad nabad uga
hadli lahayd somaali lina aad uwalaalayn lahayd
asalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
XXXX = Waxaa Xun " Ex - Qabiil Gooni ah "
Warar Googoos ah
|
|||||||||||||||||||||||||||||
This Page!
©2001-2002 Allsomali.com Our # Fax: 775-256-7757
Email us news@allsomali.com ama allsomali@yahoo.com ama allsomali@hotmail.com