Logo

Allsomali.com

Ururka Indheer garadka Dhalinyarada Waamo

Atlanta: Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii “HORN OF AFRICA CONFEDERATION 11-25-2002

Somaliland: TARTANKA XUSBIYADA SOMALILAND IYO SAXAAFADA

Eldoret Kenya=OPEN LETTER TO THE MEDIATORS OF SOMALI PEACE TALKS IN ELDORET KENYA

Ururka Indheer garadka Dhalinyarada Waamo (Riix halkaan warkii oo dhan)

Muqdishu caasimad ma noqon karto 


Nacaybka reer Puntland loo qabo iyo Nacasnimada haysa.

Dadka reer Puntland ku abtirsada 80% ten waxay intii uuna Dagaalka Sokeeye bilaaban ku noolaayeen meelo Puntland ka baxsan sida Xamar iyo Hargaysa meelahaa oo ay u arkayeen Dhulkoodii waxay gashadeen dhamaan Hanti wixii farahooda ku jiray, meeshana maba aanay soo dhigan in waxaas oo Hantiya Duhur cad laga fara maroojin doono, sidoo kale kuma aanay fakirin in la isku dayi doono in la dabargooyo, laakiin markii Dagaalkii sokeeyo qarxay wuxuu noqday malahaasi mid lagu khaldamay, maxaa yeelay khasaaraha Dadkaas loo gaystay kuma ekaan Hanti laga dhacay oo kaliya ee waxaa loo gaystay Xasuuq Aduunka ka dhaca kii ugu xumaa, waxaana la isku dayey in Aduunka laga cirib tiro.

Wax yaalaha Dadkaa lagu sameeyey Qoraal lagu ma soo koobikaro waxaase ka mid ah Hanti waxay lahaayeen oo laga dhacay, Gabdhahoodii oo lagu xadgudbay, Caruurtoodii oo la laayey, magaalooyinkoodii oo laga barakiciyey sida Kismanyo, iyo Qaxootigoodii oo Baqo dartiis Shanta Qaaradood buuxshay oo waliba qaar 12san Xeryaha qoxootige ee Kinya ku jiraan meesha Sarahoodii iyo Guryahoodii Rag kale ku dangiigaan.

Iyada oo ay waxaasi dhaceen hadana waxaa taas ka sii daran waxa wali lala maagan yahay, mana u baahna Qofku in uu Caqli dheeraad ah leeyahay si uu Nacaybka Dadkaa loo qabo u dareemo, ee waxaa Qofka ku filan in uu fiiriyo Homepageyada Somalidu ay leeyihiin sida ay Dadkaas wax uga qoraan iyo sida ay u jecel yihiin in Puntland halaag uga dhaco iyaga oo waliba si ay taas u gaaraan aan ka gaban in ay si toos ah oo muuqata ay Dadkaas isugu diraan, wuxuuna isku Dirkaasi Mararka Qaarkood gaaraa heer Xoolonimo oo sidii labo Rati oo ay isku soofaynayaan bay dhahaan „sirig“, taas oo ku tusaysa in Nacaybka ay Homepageyada leh Dadkaas u qabaan Xadkii Bin Aadamka dhaafiyey.

Mana ahan in ay jecel yihiin in uu Puntland Halaag ka dhaco oo kale ee waliba waxaad garanaysaa in Homepageyo Magac Puntland maqaar saar ahaanta u sita loo samaysta si Halaagaa loo sii huriyo iyo in ay ku tala galeen in ay Dabka Puntland ka shidan Baansiin ku sii shubaan, taas oo ku tusaysa in Dadka Homepageyadaas furteen aanay reer Puntland ahayn maxaa yeelay Qof caqli leh kama suurtowdo in uu Dabka Gurigiisa qabsaday meeshii uu ka damin lahaa sii afuufo oo waliba Baansiin ku sii shubo.

Inkasta oo ay Magac Puntland wataan ama ay reer Puntland iska dhigaan, haddana Nacayka ay hurinayaan ayaad ka garanaysad in ay yihiin Dhidar Dhogor Idaas soo xirtay iyo Dad Qalatadii Dadka labo iyo tabo sano soo qalanaysan oo Macaga Puntland soo hagoogatay,.waxaanad taas ka garan kartaa, sida aanay Meelkale uga hadlin una soo qaadan, waxaanay ka hadlin waxa Kismanyo ka socda waxa xamar ka dhacaya iyo wax meel kale oo somaliya ka dhacaya.

Bal iswaydii Akhritow, maxaa Beelaha kale ee Somaliya sidaas oo kale wax looga qori waayey?, maxaa ku koobay Qoraalada Nacaybka huwan reer Puntland oo kaliya?, maxaa beelaha Isaaq, Hawiye, iyo D&M la isgu diriwaayey?

Waxaad kale oo aad iswaydiisaa, xagee bay Dadka Homepageyadaan lihi labo iyo Tobankii sano ee ina soo dhaaftay ee Dagaalka sokeeye socday jireen?, haddii ay reer Puntland yihiin maxay Qadiyada koobaad ee reer Puntland oo dhan ka dhaxaysa ee Kismanyo ah mar uun uga hadli la yihiin?,.maxayse Morgan markasta u weeraraan?, maxay Puntland Beel Beel iyo Jilib Jilib ugu kala tuurayaan haddii ay u hadlayaan Nin u baahan taageerada reer Puntland oo dhan, kuna dooda in uu Puntland Madaxweyne u yahay sida uu Jamac cali Jamac sheegto?.

Akhristo waxaad igu leedahay 1000$ haddii aad sheegtid meesha ay Homepageyada Mucaaradka iska dhigayaan ee Magac Puntland wata ka furan yihiin.iyo Dadka leh.

Waxaan xusuustaa Maalin ay labo Homepage oo Xamar laga leeyahay ay Xungurufi dhexmartay in ay isku handadeen Hebalow waan ku ka shifi iyo waan ku ka shifi,iyo iyada oo waliba midi xataa ka sheekeeyey IP(internet protocoll) Homepagekaas lagu toydo iyo sida uu u isticmaalo, inkasta uuna Homepagekaasi sirta sii wada dayn lakiin Ninkii Caqli leh waxa u cadayd in uu midi ku sigtay in uu kashifo in mid Homepageyada Xamar laga leeyahay maamulo Homepage iska dhika reer Puntland, waxaa kale oo tusaale u ah in Xamar laga leeyahay iyaga oo hawada ka baxaan maal mihii Xamar Taleefonku ka gana.

Waxaa cad in Homepageyadaas Xamar laga leeyahay ee akhristo isweydii, ma kaa suurtowdaa in aad Nacayb aad Dad u qabto darteen iyagii iska dhigto oo aad intaa oo waqtiya isku dirkooda ku lumisid.

Haddaba Homepageyaad cusub ee Magac Puntland lagu furtay iyo Waqtiga isku Dirka reer Puntland lagu luminayo waxay Halbeeg u yihiin n`Nacayka Dad reer Puntland loo qabo iyo sida aan wali Dhiigooda looga dhargin iyo sida waliba nabadooda looga xun yahay.

Waxase taas ka daran Dadka iska aaminayaan ee iska dabagalayaan Homepgeyo aanay aqoon waxa leh waxa kale oo ka sii daran kuwa kuwaas u Jawaabayaan oo markaas si dadban ugu taageerayn isku Dirkoodii maxaa yeelay sheekadu waxay u ekaan reer Puntland is haysta waanay siday rabeen..

Xaqiiq waxaa ah in aad Halkaas ka garan Nacaybka reer Puntland loo qabo iyo Nacasnimada haysa.

Mahadsanidin

m. jagne.
 

Qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

Riix Halkan (Boga Dooda AllSomali Discussion Forum)

email us:allsomali@allsomali.com

                                                     [Back to Home]                  

   ©2001, allsomali Technologies, Inc . All rights reserved. Privacy Policy