Logo

Allsomali.com

Ururka Indheer garadka Dhalinyarada Waamo

Atlanta: Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii “HORN OF AFRICA CONFEDERATION 11-25-2002

Somaliland: TARTANKA XUSBIYADA SOMALILAND IYO SAXAAFADA

Eldoret Kenya=OPEN LETTER TO THE MEDIATORS OF SOMALI PEACE TALKS IN ELDORET KENYA

Ururka Indheer garadka Dhalinyarada Waamo (Riix halkaan warkii oo dhan)

Muqdishu caasimad ma noqon karto 


Khatarka Halista ah ee Qabqablanimada lagu laray Cadaw la shaqayn

Waxaa ummadda Soomaaliyeed aafeeyey hogaan xumo lagu macnayn karo maahmaahdii ahayd aqool xumo abaar ka daran. Waxaa meesha ka baxay ama yaraaday dareenkii wadaninimo iyo islaannimo ee shacabka iyo hogaanka siyaasadeedba ku saacidi lahaa inay ummadu ka samata baxdo dibindaabyada lala damacsan yahay ama shilinka uu is dhigayo dadka soomaaliyeed ee cadawguna ku gawracayo.

Waxaa dalka la burburay damac siyaasadeed oo dareen wadaninimo ka maran. Waxaa eedda ugu weyn la saaraa qabqablayaasha dagaalka inkastoo dad badanina aaminsan yihiin in shacabka qudhiisu eedda wax ku leeyahay mar haddii aysan nacab iyo gacal u kala hiillin waayeen oo caadifad beeleed dhalanteed ah oo aan nafcina ka soo gelin gabi looga tuuray.</p>
In kastoo qabqablyaashu wadaagaan tilmaamo guud oo la dhihi karo waxaa ugu muhiimsan xukun jaceyl, dhiigcabnimo iyo u nixid la'aan dalka iyo dadka hadana waxaa iyagu buro sii dheer kuwo ku sifoobay tilmaamo qarracan leh! .oo aan ku soo koobaya dhawrka qodob ee soo socda.

La shaqaynta Cadawga Ummadda

Waxaa igula anfariir iyo amakaak badnayd markii aan maqlay qabqable ilaa haatan ku faanaya inuu yahay ninkii ugu horreeyey ee nidaamkii Soomaaliyeed ee kaligii taliska ahaa xabbad ku soo rida ay u soo dhibeen cadawga ugu darnaa ee Soomaalidu lahayd dhulna ka haystay Soomaalida oo ay ahayd inuu ka fekero sidii maalin uun loo xoreyn lahaa.

Ka soo shidaal qaadashada Itoobiya oo markii danbe noqotay waddo rag badani mareen ayaa ninkii bilaabay waxaan shaki ku jirin inuu danbiga cid kastaahi oo wadadaa martay wax ku leeyahay oo weliba aan ka qoomamayn markuu arkay nidaamkii uu xabadda ku bilaabay fawdadii ka dhalatay dhibka laga dhaxlay balse uu weli ku faraxsan yahay sidii nin itoobiya wax la waday oo kale ee aan isagu dadkiisa u maqnayn.

falkan haatan ninkii bilaabay ku faanayo ayaa ah mid nin dareen wadaninimo ku jiraahi uusan marna ku faanayn, dalkiisana uusan marna kula soo duuleen hubka iyo qorshaha cadawga ummadiisa taasoo sida taariikhda gashay amxaaradu isku xisaabin jireen inta ka dhimatay labada dhinac ee soomaalida ah ee dagaallamaya kan jabahadda ay taageerto ka dhintay iyo kan ciidankii soomaalida ka dhintayba oo lagu oran jiray ragga la shaqeeya "Isu geeyo meeqa adinka iyo iyagaba idinka wada dhimatay!".

Argagixiso ku sheegga shacabka iyo hantidiisa

Waxaa iyana fajicasa kale noqotay, sawiraysa sida qalbi hogaamiye uga madoobaado u diirnaxa dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa uu rajada ka qabo in maalin uun jaalle madaxweyne laga dhex yiraahdo
hab dhaqanka qiyaanada Qaran iyo diinba leh ee uu ku kacayo, ila haataanna uu wado qabqablaha ka billaabay degaannada puntland ee nuurka dimoqoraadiyadu ka soo ifiyey somaliland ka dib, boobka hogaan siyaasadeedka bulshada.


Hab dhaqankan ayaa ah mid si aad ah ugu soo caan baxay in dalalka shisheeye sida Itoobiya iyo Maraykankaba loo sheego si joogta ah in dalka Soomaaliya ay joogaan argagixiso xiriir la leh Alqaacida taasoo aan ku koobayn urur diineedka haatan ka hor dagaalku dhex maray ee Al Itixaad oo sida la sheegayo haatan u jirin sida uu ubuun buuniiyo, balse wuxuu ku daray ururro kale oo islaami ah oo ku caan baxay hannaanka samafalka iyowax uqabashada bulshada. Sidoo kale wuxuu ku daray ninka looga soo doortay degaanka uu haatan maamulkiisa boobay sida dimoqoraadiga ah Jaamac Cali Jaamac iyo xataa beelaha la safan sidoo kale wuxuu maalmahaan la dul saaran yahay maamulka Somali land.

Wuxuu haatan ka hor sheegay in Shimbiraale joogan kooxo argagixisa ah taasoo ay ka soo waayeen wariyaayshii tagay. wuxuu barnaamij laga sii daayey taleefishanka dalka Talyaaniga uu ku soo bandhigay dhallinyaro masaakiin ah oo tahriibaysay oo intuu madaxa kaga xiiray Gaalkacyo ku jilay filim ah inay yihiin argagxiso hawgal u socoto oo intii aan barnaamijka la soo dayn dhallinyaradii la silciyey wargaysyada qaar u sheegeen falka foosha xun ee lagula kacay.

Waxaa taa igala sii yaab badnayd markii uu ku sheegay in lacagaha iyo hantida taalla suuqyada iyo ganacsiga dagaanka uu ka dhashay ee Puntland ay leeyihiin alqaacida iyo kooxo ku xiran oo uu wareysi uu siisya idaacadaha qaar ku sheegay in hantda taalla dhulkaasi ay ka badan tahay tan dadka degaanku yeelan karaan sidaa darteedna ay tahay in alqaacida ku milmeen dhulkaas lacagaha suuqa sarrifka yaallana ay alqaacida leedahay taasoo fajiciso ku noqotay dadka Soomaaliyed gaar ahaan kuwa u dhashay degaankaas oo haddii dareenka wadaninmo iyo islaanimo lawaayey, filayay in caadifadda qabiilka ku bixin doonto inuusan degaankiisa belaayo ku soo hogaamin, waxaase xigtay inuu noqdo ninkii ugu horreeyey ee rabitaankii isimidda iyo nidaamkii laga doortay dhulkaasba xabbad u qaatay ee ka billabay dagaal sokeeye oo degaannadaasu ka bad qabeen kagana fiicnaayeen degaanno badan oo ka mid ah konfurta Soomaaliya.

Hadaba waxaan isweydiin mudan kursi jacaylka iyo mar i dhaha madaxweyne waa cudur ay wada qabaan qabqablayaasha Soomaalida oo waayey waxgarad iska qabta oo iska dhiciya waxaase marna aan la filayn midda uu ku caan baxay qabqablaha xoogga ku haysta puntiland oo ah u shaqaynta danaha itoobiya iyo ku soo hogaaminta dadkiisa.diintiisa iyo dalkiisaba quwadaha shisheeye ee u hamuun qaba ladagaallanka waxa ay ugu yeereen argagixisada calamiga ah oo maraya haatan heer ay malcmadaha iyo deggannada beelaha ay duqeeyaan.

Waxaa shirka Eldoret dhexdiisa looga sifeeyey dhiigya cab, marar badanna looga orriyey, wuxuuna ahaa ninka kaliya ee xafladdii saxiixa wajiga kowaad u mahad celiyey Itoobiaiy oo ay Soomalidu rumaysan tahay inay qasayso shrika iyoguud ahaan danaha Soomaalidaba .


Hadaba waxaa ila quman in shacabka Soomaaliyeed isagoon caadifad qabiileed ugu kala qaybsamin ay sidii ay uga mudaaharaadeen una canbaareeyeen kuwii gaystay falka xasuuqa aradaydii xamar oo isagu loo qiimeeyey fal ka duwan dilka iy dhaca aan ahayn wax la caadaysto ee maalin walba ka dhici jiray dalka.. In sidaas oo kale inkastoo qabqablayaasha ay guud ahaan yihiin wax la canbaareeyo oo laga soo horjeesto hadana in si taa ka qoto dheer loo arko qabqablaha ku sifoobay soo hor socodka cadawga Soomaaliyeed iyo ku sifaynta inta badan ururada iyo maamullada Soomaaliyeed iyo hantidaba inay tahay kuwo argagixisa leedahay ama xiriir la la leh, doonaya inuu u loogo ama u sallaxo dalka iyo diinta Soomaaliyeed Itoobiya iyo inta kusii daba jirta., si uu xukun taas ugu gaaro. Waxaan qabaa inay waajib qaran tahay n loo arko falka caynkaa ah mid argagax leh qatanra ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo danahiisaba. lagana mudaaharaado, lana can! baareeyo si aysan u noqon fal la caadaysto oo ay qabqablayaasha kale ee ku daba galaya falkaan foosha xun ee ah noocii labaad ee uu billaabo xukun boobaha puntland uga joogaan, haddii kale waxay horseedayaan in Soomalida, danaheeda, diinteeda iyo jiritaankeedaba ku dhacaan bohol aan laga soo saari karin oo aan shaki ku jirn in halistaa maanta qarka loo saaran yahay Soomaaliyana ay sii noqonayso meel Itoobiya ka taliso ama waxay doonto ka fuliso.

abdul omar" qaranjire@yahoo.co.uk

Qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

Riix Halkan (Boga Dooda AllSomali Discussion Forum)

email us:allsomali@allsomali.com

                                                     [Back to Home]                  

   ©2001, allsomali Technologies, Inc . All rights reserved. Privacy Policy