Hase yeeshee,
garawsiinyihii, gurmad heer qaran ah iyo
waxqabadkii laga filayey Madaxweynaha wuxuu
noqday oo kale, reer abaari rafaadisay oo
isagoo aad u ildaran arkay oo maqlay daruur
duljoogta oo ay ka burqanayaan onkod iyo
hillaac balse aanu Alle idmin in wax biyo ah ka
soo dhacaan, deedna ku cataabay
"LAMOOD NOQONSE WEYDAY".
Ummaddii ku
faraxsanayd booqashada Madaxweynahoodii hore,
imminkana ah Madaxweynaha Soomaaliya, yaab iyo
amakaag ayey ku noqotay natiijo la'aannta ay ku
dhammaatay booqashada Madaxweynaha, waxayna
arrintaasi u siyaadisay dadweynaha welwelkii,
walaacii iyo caradii ay horey u qabeen.
Waxaa
shacabka Gobolladaas intooda badani aaminsan
yihiin in Madaxweyne C/laahi mas'uul iyo
horseed ka ahaa dhibaatooyinka maanta ee Pl
markuu talo ku gaaray in uu ka dalloco Pl, uuna
isla markaas qorsheeyey in uu (masalugalay)
madaxa ka saaro Puntland, iminkana aad buu u
sii ayiday fadeexadaas ah oday ka sheekey.
Bulshada
Puntland iska ma tuuriwaayin MASALUGALAY daciif
ah oo dhiiggii ka dhammaysatay dadka, balse
waxaa cid waliba uga faa'iidaysataa uguna
gabbataa khiyaameynta shacabka nabad jeceylka Isimada
iyo waxgaradka oo aad u xeeriya xasiloonida
kana fogaada wax u eg wixii hore uga dhacay
Muqdisho oo laga soo naaxay, waxaase hore loo
yiri, nabad la tuugay nabad ma ahaa.
Ugu yaraan waxyaabaha looga
fadhiyey in uu ku tallaabsado Madaxweynaha
waxay ahayd in Dawladda Federaalka ahi si ku
meelgaar ah ugu magacadow Pl Wakiil Sare si
horta bal loo dejiyo xaaladda adag iyo fowdada
ka aloosan inta ay goori goor tahay, cagtana
loo dhigo xasilooni la'aanta iyo shuftada ka
hana qaadday halkaas inta guurtida iyo bulshoweynta
Gobolladu mar kale isaga imanayaan kulan guud
oo la mid ah midkii 1998dii ugana tashanayaan
aayahooda dambe, haddiiba aan xaaladdu ka sii
darin lana soo bixin waji kale Eebbe ka magan
shar dhammaantiise.
Inkasta oo
Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey shirweyne aad
farta ugu fiiqay qaladaadka jira, su'aalna ka
weydiiyey kooxda qafaalka ku haysata Pl wuxuuna
yiri sidatan oo aan ka akhristay internetka:
S. intee baa
mudadii maamulku jiri lahaa idiinka harsan?
J. waxaa noo
harsan 1 sano.
S. waatii
mudadu 3da sano ahayde ma afti dadweyne ayaad
qaaddeen oo hal sano la idiinku daray, mase
idinkaa 1 sano ku darsaday?
J.
maya, afti ma qaadin, annaguna kuma darsan,
balse 1 sano ayaa noo harsan.
hadal waxaa
ugu dambeeyey Madaxweynaha waqtigu 3 sano ayuu
ahaa wixii intaa dheeri ka ahna waa wixii
anigaba la igula diriray,run buuna ka sheegay
Mudane C/laahi arintaas kolkaas.
Haddana
nasiibdarro, ugu dambaystii qodobbadii laga soo
saaray socdaalkii Madaxweynaha waxaa ka mid
ahaa in uu jiro 1 sano oo dheeri ah oo aan
xataa lagu sababayn jinni ku saar, balse iska
ah dulmi, xukun jeceyl iyo kalsooni darro laga
bartay kuwa ku naaxa xaaraanta, kana indho la'
xaqa iyo xalaasha, ilaa iyo haddana lama
garanayo waxa ku kallifay Mudane C/laahi in uu
si cad u dabaasho qalad iyo in uu raxan yey ah
uga eexdo bulshaweyntii u horseedday in uu
noqdo siyaasi la qaddariyo iyo Maxweynaha
Soomaaliya ee maanta.
Qodobka kale
ee lagu wada fahmi karo in Madaxweynuhu uu si
weyn u ogsoonyahay musuq-maasuqa, naasnuujinta
iyo xad-gudubka ka jira Pl waxa uu yahay sida
uu u ceymiyey ulana wareegay ciidammada
daraawiishta, badda iyo sirdoonka waana
caymo intaasiba, hase yeeshee muxuu ku
halleeyey ciidanka Booliiska? Muxuu ku
halleeyey amniga Pl haddii aanu jirin
booliis daryeel haysta? Mase waaba ka
maarmay Pl? Mase ka mid ma aha maamullada
hoos yimaada dawladda federaalka ah?
Markaan dib u
jalleecno mudadii uu mudane C/laahi Yuusuf ka
ahaa Madaxweynaha Puntland weligiis wax dhaliil
ahi ugama iman, lagumana xaman lunsasho hanti
ummadeed, meelka-dhac la xiriira midnimada,
wadajirka, iyo nabaadguurinta dhulka, wuxuuna
ahaa mas'uul iyo oday Soomaaliyeed oo jecel in
ay Soomaaliya dib u heshiiso, iskana saxdo
qaladaadkeedii ku dhacay qaddarka Alle, wuxuuna
marar badan ku soo dhoweeyey Garoowe iyo
Boosaaso kuna casuumay siyaasiyiin hore,
qabqableyaal iyo waxgarad ka kala yimid Koonfur
Soomaaliya, aad ayuuna u caaqibeyn jirey.
Weligeed ma
dhicin cid mushaar la'aan ka cabatay, Bangiyada
Garoowe iyo Boosaasona waxay ahaayeen Bangiyo
lacagtu iska dhoobantahay, kagana bixi jirtay
kuna soo geli jirtay xisaab iyo nidaam maamul,
waxaana laga dawoobay waagaa
faraqa-ku-shubashadii SSDF iyo sida hoogga
hadda taagan oo kale.
Waxa keli ah
ee badiba lagu dhaliili jiray C/laahi wuxuu
ahaa horuumarin la'aan iyo mashaariic uu ka
horyimid fulintooda, balse waxaa lagu xasuustaa
dhismaha Qasriga Madaxtooyada Boosaaso, kaasoo
hadda hoy u ah jiir iyo baranbaro, dadkuna
indhaha ka laabteen hawadii ay ka lahaayeen
markii uu noqday bahalgaleenka lagaga soo duulo
dad qabiil ahaan loo dhacayo ama loo dilayo.
Waqtigaas,
anigu waxaan ka mid ahaa dadkii C/laahi ku
eedeyn jiray horumarin la'aanta ee aan u arkayn
xasiloonida iyo midnimada horumar la taaban
karo. Nabee, waraa ii dhinnaa!
Si kastaba ha
ahaatee, C/aahi waxaa aad loo tebey,
odaynimadiisiina la ogaaday markii nooleyaal
kale ka dhexmuuqdeen xafiiskii uu ka hagi jiray
Pl kolkii laga reebo ku xigeenkiisii oo ahaa
mas'uul iimaan leh, xilkiisana garanayey, waqti
yarna kaga dambeeyey xafiiska.
TALO SOO
JEEDIN
Waxaan si
xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaa Mudane
Madaxweyne C/laahi iyo Xukuumadda Dawladda
Federaalka Soomaaliya in ay tixgelin weyn
siiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la soo
gudboonaaday Puntland, iyagoo haddii ay la
ahaato tixraacaya talooyinkeyga soo socda ama
xataa wax uun ka qaataan:
1. si
shacabka Pl uga soo kabto kalsooni xumada,
qalbijabka deriska la noqday kuna baahay,
wadajirkiina loo dabaqabto.
2. si aanay
dawladda Federaalka oo aad ugu sii jeedda
xalinta dhibaatooyinka badan ee ka jira Koonfur
Soomaaliya uga murugoon cabashada uga imanaysa
Pl.
3. si ummadda
oo aan muddo 17 sano ah arkin dawlad wax ku ool
ah loo baro in dawladda Federaalku ay tahay
dawlad dadka u dhalatay una adeegaysa,
cabashadooda tixgelineysa, waxna u qaban karta.
4. si looga
hortago kooxaha sibirta jaraya ama curyaaminaya
dawladda, midnimada ummadda, baabi'inaya
nolosha dadka, ahna danaystayaal dulmi ku
heshiiyey, ayna ku adeegtaan cadoowyo diiddan
jiritaanka Soomaaliya.
5. si aanay
isu-dhimin taageerada weyn ee uu shacabweynaha
geyiga Pl u hayo dawladda federaalka, loogana
baxo wareerka iyo waallida waayadan taagan.
6. si looga
fogaado saansaan ama ifafaale dagaal sokeeye oo
ka qarxa Pl, imminkana cabsi weyn laga qabo.
7. si loo
turxaan bixiyo Pl dibna loogu sameeyo maamul
aad u caafimaadqaba, lagu kalsoon-yahay waxna
kala hagi kara.
- waa in
Dawladda Federaalka ahi si kumeelgaar ah ugu
magacawdo Pl Wakiil Sare oo laga xulo xubnaha
Golaha xukuumadda,Golaha Baarlamaanka ama
dadweynaha, wuxuuna guddoomiye u noqonayaa 6
xubnood oo midkasta bulshadu ka soo kala
xulanayaan Gobollada kala ah Ceeyn, Sool,
Sanaag, Bari, Nugaal iyo Mudug.
- 7daas
xubnood waxay si kumeelgaar ah u buuxinayaan
kaalintii indhowaaleba bannaanayd markii la
gabay ee ahayd Maamul Goboleedka Puntland,
waxayna toosin iyo turxaan bixin ku samaynayaan
guud ahaan sida dhibaatooyinku uga jiraan
halkaas hoos ilaa kor, waxay bulshada ku
waci-gelinayaan nidaamka dawlad wanaagga,
waxaana qabaa in ay xilkaas hayaan inta
wax-garadka Gobolladu isaga imanayaan, dibna
uga tashanayaan aayahooda mar kale sidii ay
yeeleen 1998ii, iyagoo insha Allaah markaan
iska ilaalinaya in ay kirkiraan meel aan xubin
ahayn, ama
ay ku
qaldamaan meel hungo ah.
AFEEF GAAR AH
Waxaan talada
ku soo gunaanadayaa:
* haddii ay dawladdu
talo ku gaarto in ay qof mas'uul ah u magacadow
Pl waa in uu ka yimaadaa Beelihii hore wax uga
dhisay maamulkii Pl sida Leelkase, Awrtable,
Jambeel, Dhulbahante iyo Warsangeli, laakiin
maya Majeerteen, aniga oo aan meel kaga dhici
hayn culimada, isimada, waxgaradka,
aqoonyahanka, dhallinyarada, carruurta iyo
haweenka Beeshaas iyo intooda Ilaah taqaan,
iimaanka leh, nadiifka ah, ammaanadana xejin
kara ee aan xujoobin, korna u dhaafaya 99.9%.
* Marka xiga,
si gaar ah baa loo soo dhoweynayaa hadduu ka
yimaado Wakiilka Sare Hiiraan, Bay, Muqdisho
iyo gobollo kale, taasoo wax ka tari karta dib
u soo nooleynta is-aaminkii iyo walaaltinimadii
aan lahaan jirray ee waayadan dhaawac gaaray,
daweyn iyo baxnaanona isbitaal ugu jiray.
* Waa in
Wakiilku yahay shaqsi leh aqoon diineed, mid
maaddi ah, waayo aragnimo iyo awood uu ku maali
karo ama ku sarrifan karo maskaxdiisa.
* In uu noqdo shaqsi leh adkeysi iyo dulqaad uu
ku kala guro duruufaha adag ee horimanaya.
* Shaqsi leh karti shaqo iyo dabeecad wanaagsan
oo uu ku kasbado mas'uuliyiinta la shaqeeya, ku
hawlgeliyo xoogagga bulshada, kulana xisaabtami
karo.
* Waa in uu
ahaado shaqsi aan weligiis ka daalin in uu la
tashado guurtida, culimaa'udiinka iyo
aqoonyahannada, haddana waa in uu yahay nin
iska jira iskana hubiya fulinta talo loo soo
gaaray ee aan isaga maankiisa ka soo maaxan,
latashi iyo lafagurid kaddibna waa in uu isagu
lahaado go'aanka kama dambaysta ah, isagoo
weligiis tixgelin siinaya aseebidda xaqa iyo
caddaaladda.
* waa in uu ahaado shaqsi ka hufan godob
sokeeye, laguna tuhmin ka qaybqaadasho
dhibaatooyinkii ka dhacay Soomaaliya mar hore
iyo mar dambe.
* Dawladda
Federaalka waa kala tashan karaa wixii uu doono,
kamase qaadan karo amar aanu u arkin in uu
kheyr u yahay dalka, dadka iyo waajib
gudashadiisa.
Qoraalkeygu
wax xiriir ah lama laha belaayo sheegid, cid
fogeyn iyo soo dhoweyn cid kale, balse waxaan
ula jeedaa gudasho xilka qof kasta oo muwaadin
ah ka saaran dalka iyo dadka, dawladda runta
ahina waa dadka.
Shaqsi kasta oo xil ummadeed haya ma aha shaqsi
dadka wax dheer ee waa adeege ummadeed waxaana
sharaf u ah in uu inta uu xilka hayo, ka hor
iyo kaddiibba kheyr ka shaqeeyo si uu u ahaado
berri qof ku dhex-noolaan kara bulshada isagoo
aan cambaaraysnayn ee nadiif ah, taasna wuxuu
ku gaari karaa qofku in uu ilaaliyo caddaaladda,
kana fogaado ammaanada oo lagula xisaabtami
doono adduun iyo aakhiroba.
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
W.Q. Muuse Xaaji (Abees)
Email:
abees11@yahoo.com