Dumarka Qurbaha oo Duunya Rogaya iyo Ragii OO Damiir Beeley

Allsomali Online Rayi Arbaco 19
Sept, 2007
{Duunyo
Yaab Badan OO Akhirkeedii Lajoogo}
maqaal kayga waxan kubilabayaa alxamdulilaah alaa mahaleh
alihii iisahlay inaan qoro maqaal kaan xiisaha leh.
Hadii layiraahdo halaga hadlo taariikhdii hore ee dumarka
soomaliyeed waa wax aan lagu soo koobi karin maqaal iyo
waxii lamida soomaliya 1960 waxa ay qaadatay xoriyad
taama oo ay kaqaadatay gumaysigii mar kas jitray ee kala
ahaa talyaaniga iyo ingiriiska mar kaas kadib somaaliya
waxay yeelatay dawlad dhexe oo ay dad koodhan uriyaaqaan.
  
Somaaliya
heerar kaladuwan bay soomartay oo mar bay hor
usocod bay samaynaysay somaaliya ilaa ay mar
kii danbe noqotay dawlad caana dalkuna noqoday
dal aad uheersareeya dhinac kasta haday noqon
lahayd dhaqale amaan caafimaad i,w,m aad bay
ugu hor martay
qofka soomaligaa wakhtigaas aduun ka qiimo
kalahaa oo cid kutagri falikartay xaquuq diis
majirin waayo meel kastoo aduun ka dacaladiisaa
waxaa ujoogay safiir u ,adeegaya umada
soomaliyeed wax walabana asagaa uqaabilsan.
Hadii aan kawaramo maqaalkayga xaga sare ku
xusan waxaa wax lala yaabo ah sida ay dumarka
somaliyed ee qurbaha degan oo noqday ama run
mooday beenta gaalada ee ah idinkaa ugu sareeya
kadib na ragoodii eryey oo caruurtiida kadib
noqotay baylaha,waxaa wax xanuun kulul ah in
dumarkaasi ay u bateen dumar dumarka loo yaqaan
single mother oo midkastaa waxay sidataa koox
ciyaal ah hadaad waydiiso oo aad tiraaho away
abahood waxay ku oranaysaa abahood {bacdaan
utuurey}cajib badanaa maalmo kadib mid kalay
guursanaysaa kadib way eryeysaa waxay oranaysaa
shalay anaa kuguursaday maantana anaa iska kaa
furaya, ma iyadaa wax furta mise iyadaa wax
guursata waxay kuleeyihiin markaad waydiiso
away ninkii danbe waxay oranaysaa wuu kiobray
kadibna waan eryey,hadii ninku yiraahdo walaal
alaah ka baq oo xishoo telephone bay
garaacaysaa kadib police baa amar kugu siinaya
in aadan soo ag istaagin aqalkeeda meel ujirta
in badan, maxaa jaahilna deg tay yaa diin col
la ah oo aan ahayn dumarka yaa rag bahdiley oo
cadow udhiibay yaa awlaadodii dayacay oo damiir
la aan cayr dul fadhiya yaa tacliin xumo mid
duun iyo mid akhiro ku faanay yaa rag baa bi
iyey oo buufis ku riday, maxa udii day in ay
raacaan wadadii dumarkan oo kale oo ah kuwa
suuban oo ale yaqaan ah xataa hadad usheegto
haye way oranayaan lakiin away hee maaha kuwa
ku dhaqma mar mar baad is leedahay dumarkan
diin ay haystaan lama yaqaan dulino iyo damiir
xumaa dantooda ale ka yeelay alow duulkaas
daryeelkooda ka yeel daarta qabriga.
Maxaa udiiday in ay racaan dumarkan oo ah kuwa
ale yaqaan ah oo daarta akhira hoygeeda haday
sidan yeelaan ale u raaxayn doona waa kuwan oo
kale....
1) Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo
jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.
2) Waxaa laguyaqaan inay tahay tii xafidda
maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan
yahay.
3) Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu
fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.
4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin,
amarka ninkeeda la’aantiis.
5) Waa midda had iyo jeer ku-salaanta ninkeeda
waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.
6) Waatan had iyo jeer Alle uga mahad-celisa
ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka
ushaqaynayey, isla markaasna uu yahay
carruurteeda kii dhalay.
7) Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa tii
doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.
8) Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.
9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo
dharkeedu qarriban yahay.
10 ) Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka ay
wada hadlayaan.
11 ) Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu xiriiriyo
Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo
saaxiibbadiis.
12 ) Waa midda khayrka falid badan, kuna
dadaasha faafintiisa.
13 ) Waa tan runta dhar kadhigata, kana fogaata
beenta iyo ehelkeeda.
14 ) Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda
jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa, kuna saacidin
carruurta wax uusan ninkeedu raalli ka ahayn oo
xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka
aabahood.
15 ) Waa mid aan caro badnayn, haddana aan
aqoon laab- lakaca.
16 ) Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta
iyo isla weeynanka.
17 ) Waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda
aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed
uga baxdo.
18 ) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo
dadka isla markaana aan xaqirin umadda.
19 ) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka
isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.
20 ) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo
saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.
21 ) Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada
Alle kufaral yeelay.
22 ) Waatan si buuxda u og in ninkeedu yahay
Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.
23 ) Waa midda ka xusta rabbigeed(carrabka iyo
qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin.
24 ) Waa midda aan had iyo jeer sheegsheegin
wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag
ah.
25 ) Waa tii qirata dambigeeda, haddii uu
khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.
26 ) Waa tan aan soomin soon Sunne ah, ninkeeda
oo raalli ka ah mooyee.
27 ) Waa midda aan isu ekaysiin ragga, xagga
hadalka, socodka iyo dharxirashadaba.
28 ) Waa midda had iyo goor ogsoon weeynanka
xaqa ninkeeda, kuna raalli galisana ninkeeda
wixii aan macsi ahayn oodhan.
29 ) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda, isla
markaasna aan kudhibin wuxuusan awoodi Karin.
30 ) Waa midda qarisa quruxdeeda iyo jirkeeda,
ninkeeda mooye.
31 ) Waatan lagu yaqaan xishood badan iyo
asturnaan.
32 ) Waa midda aan soo gelin gurigeeda qof
uusan ninkeedu raalli ka ahayn.
33 ) Ma-diiddo ninkeeda, haddii uu ugu yeero
sariirtiisa.
34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda
MUUQATA xagga(nadaafadda &labiska) iyo tan
QARSOON xagga(diinta & Taqwada).
35 ) Waxay kaloo caan kutahay, ma aha tii
fidisa sirta ninkeeda iyo gurigeeda.
36 ) Waa midda aan ku kallifin ninkeeda wax
uusan awoodi Karin oo adduun ah.
37) Ma aha mid hub ka dhigata, quruxdeeda,
yaraanteeda ama maalkeeda.
38 ) Waa tii had iyo jeer ka shukri naqda wax
walba oo ay hesho, haba ahaadeen wax yar e.
39) Waa midda aan kadalbin furriin joogta ah
ninkeeda, sabab la’aan.
40 ) Waxay ninkeeda u muujisaa kal-gacal iyo
jacayl dhan walba ah, waxayna si xiiso leh u
dhagaysataa marka uu hadlayo.
41) Waa midda ku-taageerta ninkeeda wixii khayr
ah oo uu falayo, lana garabtagaan
EDBINTA XAASKAAGA
Edbinta haweenka iyo in la garaaco am la tumo
marka ay madax adkaadaan oo hogaansankii looga
baahaa la imaan waayaan waa arrin ay jideysay
shareecada islaamka, laakiin waxaa dhibaatadu
ka taagan qaabka arrintaas loo dhaqan gelinayo
oo laga yaabo in ragga qaarkood ku talax tagaan
oo wax aan loo baneyn diinta kula soo
galgashaan iyagoo khaldan.
Arrinta ah tumida haweenka ay guud ahaan ma aha
wax wanaagsan waana sababtoo aan ma aha wax ay
ku kacaan ragga akhyaarta ah iyo kuwa dan ka
leh inaysan noloshooda qoyska noqon mushkilad
joogto ah oo halkii uu ku nasan lahaa kuna
raaxeysan lahaa u horseeda isku dhac iyo iska
horjeed.
Shareecada islaamka ma aha wax halkii la doono
loo jiidan karo waxaana la yaab leh in qof aan
dooneynin inuu ka soo baxo xaqa ugu fudud ee
lagu waajibiyay uu qiil ka dhigto diinta markii
uu gardarro ku dhaqaaqo, waxaad arkeysaa rag
marka ay ku kacaan falkan garaacista dumarka u
dhaxa ah ay ku doodaan inuu sharcigu u
banneeyay.
Islaamku wuxuu xal u keenay marka dhibaato ka
dhex jirto labada is qabta oo masalan qoys wada
jira oo hore isugu wanaagsanaa dhinaca
haweeneyda ka yimaado caajis iyo dhega adeyg
dhibaato u keena xiriirkoodii, markaas ayaa
shuruudo badan kadib loo ogol yahay inuu
sameeyo wax u eg tumis oo micnaha lagu cabiri
karo carada qofku u qabo qaabka xaaskiisu u
dhaqmeyso, micnuhu maaha inaad wixii gacantaada
ku soo dhaca ku tuurto, Feer iyo Laad isu daba
dhigto ulana dagaalato nin oo kale.
Lama ogola in wejiga iyo meelaha xasaasiga ah,
wax laga gaarsiiyo, ama ogola in shey awood leh
loo isticmaalo garaacista, lamana ogola haba
yaraatee in garaacistu noqoto mid xoog leh oo
waxyeelo ka imaan karo, intaas kadib waxaa
raacsan ninkii garaace noqda inuu ka baxayo
khadka ragga wanaagsan ee akhyaarta ah.
Markii uu Alle jideeyay tumista haweenka
Naashizooyinka noqda ayuu Rasuulka SCW
caddeeyay inaysan wanaagsaneyn arrintaasi,
wuxuu Rasuulku yiri: "Haweenka illaahay ha
garaacina" kadib waxaa dhacday inuu Cumar Bin
Khadaab u yimid Rasuulka SCW oo ku yiri: "Haweenkii
way ku dhega adkaadeen kuna falaagoobeen
raggoodii, markaas ayuu fasaxay haddana
Rasuulka taasina waxay keentay in haween fara
badan oo ka sheegayana nimankooda u soo
dacwoodaan Nabiga oo uu yiraahdo: "Reerihii
Rasuulka waxaa hareeyay haween ka cabanaya
raggooda, kuwaasi akhyaar maaha" xadiiskan
waxaa weriyay Abuu Daa’uud iyo Nisaa’
furiinka maxaa keena udhexeya raga iyo
moowduucaan oo doodo faro badan
kadhaxdhaliyay raga iyo dumarka cida iyadu
kadanbeesa furiinkas waxayna qolo waliba qoloda
kale ku eedaysaa in iyagu kadanbeeyan furinka
ka dhex dhasha raga iyo dumarka waxaana anigu
fikrad ahan kaqabaa arintaasi in dumarka uu
kasoo uskumo burburka ku yimada qoyska waayo
iyaga ayaa ah furaha qoysaka qoyskuna
majirikaro hadii aansiwadajir ah looga
wadahortagin waxwalba ooku imaankaro burbur
kudhaca qoyska waxaana hada kohor aan goob joog
u ahaa dhacdo furiin oo ka dhexkacday wiil
soomaliyeed iyo gabar sidookale soomaliyeed
waxaana sababay sida aan goob jooga ka ahaa
gabadha oo ku qabsatay wiilka war gabar kale ay
soo sheegtay hebal wuxuu hoos ka shukaansadaa
heblaayo taasina ay keentay furiin sookala
dhexgala labadooda hadaba su aashu waxay tahay
yaa inta badan sababa furiinka ka dhex dhaca
raga iyo dumarka waxaa sababa oo aabe u ah
dumarka dumarow daainkiin daryeer xumaa diin
idin noqotay.
abaha ale yaqaan ka ah ee dumarka somaliyed
diideen waa kan oo kale
guyntii iyo gababadii dumarow ragiinu ha
noqden ragan oo kale ha noqdeen alaahna
hoygeena wuxuu markaa ka yeeli doonaa hogaha
janaad in sha alaah.
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
W.Q.
abdirizak A.kaneec
kaneec1@hotmail.com
|
AllSomali Online
Allsomali.com
or
Allsomali.net
©2001-2007 Allsomali.com
Email
us allsomali@yahoo.com
ama allsomali@hotmail.com
|