DUCADA BEESHA ISAAQ IYO TALOOYIN U GOONNI AH

Allsomali Online
Dec, 08 2007
W.
Q. Muuse Xaaji (Abees)
|
Alloow
Beesha Isaaq qalbigooda ka saar
cuqdadda culus ee ay qayb ka mid ah
ka qabaan Soomaaliweyn midnimadeeda
iyo iska yeelyeelka British oo
kaalinta koowaad kaga jiray dalalkii
reer Yurub iyo Africa ee kala
qaybsaday Soomaaliya.
Alloow dadka
sidaas ku fekeraya ka saar uurxumada,
degganaansho la'aanta, kuna toosi
talooyinka midda ugu toosan ee
kheyrka u ah.
 
Alloow Koonfur
ka yeel walaalo hagaagsan oo
qiimeeya wada dhalashada,
walaaltinimada iyo isu-buro-deynta.
Siiya walaalahooda W/Galbeed
mudnaanta ay leeyihiin oo ay ka
midyihiin 5tii maalmood oo ay
xorryad-qaadashada kaga horreeyeen
iyo deeqsinamadii iyo daacadnimadii
ay dawladdoodii u keeneen Muqdisho,
una yiraahdeen Koonfurey katali,
udub-dhexaadna ugu noqdeen midowgii
labada qaybood ee ay ka dhalatay
Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Haa, aad iyo aad ayey ugu ammaanan
yihiin damintii dabkii naxdinta
lahaa ee iyaga ka dhexqiiqay muddo
gaaban iyo sidii wacnayd ee ay ugu
heshiiyeen nadaamka nabadgelyo iyo
horuumarineed ee hadda ka jira
deegaankaas. Waxay kaloo bogaadin ku
mutaysteen sida ay ugu cibaaro
qaateen isagana ururiyeen
foolxumadii 17 sano ka socotay
koonfurta Soomaaliya markii laga
reebo Puntland.
Xagga aqoonsi raadinta goonni
isutaagga gobollada W/Galbeed ee
Soomaaliya, waa su'aal aad iyo aad u
da' weyn oo aad madaxa u daalinaysa!!!
Walaalayaal, aniga oo hal qof ka ah
shacabweynaha sharafta badan ee
Soomaaliyeed ee aadka ujecel
midnimada, wadajirka iyo
walaaltinimada Soomaaliya, afkaygu
ma karo in aan dhaho go'aankiinnu
waa qalad ama waa sax, aragtidayda
arrintaasina waa sida soo socota:
- aan dib u xusuusanno murtidii
ahayd:
"TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU
RAFAADAA"
- horta arrinta aad ma isaga
shaandheyseen? dhabse ma idinka
tahay? mase xaalku waa ababa'deennii?
- ma la ikhyaar-geliyey shacabka W/Galbeed
ama afti ma laga qaadey in ay ka
haajiraan walaalahood, mase waa amar
wareegto ku soo baxay?
H A INNA K A L A R E E B
I N A
Waxaan
rajo weyn ka qabaa in aan go'aanka
goosashadu ahayn kii kama dambaysta
ahaa, balse wax qarsooni ay jiraan,
ujeedaduna ay tahay canaan culus oo
aad ku saxeysaan walaalihiinna kale
ee Soomaaliyeed ee gumaadka dadka oo
guuldarro iyo garasho xumo ah dad
yari shaqo iyo horuumar siyaasadeed
ka dhigteen, waxaana la isku haystay,
haddana weli la isku haystaa
muqdisho oo ahayd magaalo
Soomaaliyeed iyo caasumad ummaddu
wada lahayd, wadana dhisatay,
waxaana door loo mooday in ay ku
dambayso goof iyo guri laga hayaamay
oo haddana aanay nabadi ka jirin,
taasina waxay sababtay in gobollo ay
hore Muqdisho go'doon uga dhigtay
dib u naaxaan, dhismaan, indhuhuna u
furmaan, ayna noqdaan qaar isku
tashada, isna aamina.
-Eebbe ka sokoow, gaf iyo godob la
galo waxaa ugu xun midkii aad
dalkaaga iyo dadkaaga ka gasho
sidaan qabo. Hadaba, haddiiba aad
talo ku gaarteen in aad noqotaan
cidla' ka wareer iyo cidla' u carar,
maxaa idiindiiday in aad magaceenna
iyo calankeenna wada qaadataan
idinkoo aan dudin kol haddii koonfur
aad u dayacday kana gaabisay xilkii
ka saarraa? Taasaa idiinka wacnayd
in aad cabataan ama cillado tebisaan.
- waxaad aad uga ilduufteen arrin
muhiim ahayd, sharaf badanina
idiinku jirtay haddii aad ku
tallaabsan lahaydeen waxayna tahay:
markii aad idinku isu lugaduwateen
oo aad dhisateen nidaamka maamul ee
hadda jira, waxaad awoodi karteen in
aad nabad ugu baaqdaan beelihii iyo
dagaal-oogayaashii koonfur isku
rifayey, dhexgashaan, isagana
dabqaaddaan oo nabadeysaan, deedna
isugu yeertaan oo gogol u dhigtaan
Waadiga Hargeysa oo xadheeddu
wadhantahay, deedna halkaas uga
yeedhisaan nidaam dawladeed oo
idinku hoggaanka u haysaan oo
Hargeysa caasimadda dalka tahay,
mana jirteen cid wax ka qabi-lahayd,
deedna adduunka u bandhigtaan
guushaas idinkoo ku hadlaya magaca
Soomaaliya, inta kalena idinku
dabafayshantahay. Wey' iyo waxba!
Deedna
waxaad muujin karteen kartidii iyo
hufnaantii aad ugu faani jirteen
Koonfurta kolkaad shacabkeenna
baahidu iska horkeentay u heshaan
nolol fiican, idinkoo xusuusan
murtidii aad 1960dii ku tiraahdeen:
"GAAJADA KA BAX BAAN GUNTIGA U
FURTAYE, MA HADDAAN GALAY
GAARASHKEEDII". Fulayoow, guuli kuu
dhoweydaa.
Iminkana weli fari kama qodna oo
arrimaha Soomaaliya waa murugsan
yihiin, xilbaana idinka saaran ee
walaalayaal bal idinku dib isugu
noqda oo debecsanaan muujiya, ha
inna kala reebina, waxaad doontaanna
ku gorgortama, wax kasta oo aad
sheegataanna waa mudan tihiin.
Jagada ugu sarreysa dalka isu
sharraxa kuna dadaala,
gaashaandhigga iyo taliska
ciidammada qalabka sida iska qaata,
si aydinaan mar dambe uga caban
diyaarado idin-duqeeya.
Maaliyadda qaata si aad xeerada
salkeeda u ogaataan, arrimaha
dibadda qaata si aan dhoof iyo xarko
soo xirid siyaasadeed la idiinka
xegsan.
- ninna goonni ma u naaxi karaa?
- mase kala maarmi karraa?
-
annagoo idin dooni, bal maxaad nagu
diidi?
- mid kalena xisaabta ku darsada;
sida Soomaaliya maanta u indho xun
tahay, uma Alle la'a, waxaana inta
iimaanka qabtaa rajeynayaan yihiin
in goor ay noqotaba Raxmaanku cafin
doono, ayna cagadhigan doonto insha
Allaah.
- magaca aad ula baxdeen dawladda
waa (Somaliland) kaasoo macnahiisa
anigu aan u aqaan (dhulka
Soomaaliyeed), waxaana
siyaasiyiintiinnu marar badan
sheegeen in aad Soomaaliya ka
baxdeen, Soomaalina aydinnaan ahayn,
marka magaciinnu waa maxay?
- maxayse labadaas magac kala yihiin?
(Soomaaliland iyo Soomaaliya).
- xaggee baynnu ku xoorray,
maxaynuna ku illoownay taariikhdii
halgankeenna iyo habeennadii 26ka
June iyo 1dii July, iyo
(SARREEYOOW MANUSQAAMOOW, SAAXIRKII
KALA-GUURRAYE, AAN SIDUU YAHAY EEGEE,
KAASNA SIIB , KANNA SAAR)?
Haddaba, waxaa iga su'aal ah, haddii
xaalka Soomaaliya uu ku dambeeyey
sidaas aan u wada jeedno oo ah ha
dhiman ha noolaan, gobannimo iyo
gunnimo dhexdood, inkasta oo aanay
jirin wax u dhexeyn kara, haddii ay
jirtona ah (balaa-balaa) sideenna,
mid kale mayeellaa oo ma ku wada
heshiinnaa waxay sheegataba ha
weydee?
HADDAAN HANANWEYNEY
XORNIMADII DIB MA UGU YEERANNAA
GUMEYSTAYAASHII?
Dib
ma ugu yeerannaa,
raalli ahaadana ma
niraahnaa
gumaystayaa-
sheennii reer Yurub,
haddii aan ka
maarmiweynay, innagu
dhabarka isu
jeedinnay, la'aantoo
noolaanweyney, weli
London iyo
Rome yeerisyo
ka qaadanno, sida
daroogada innoo
qabteen ereyadii
haye-yeelenimada
ahaa sida (yes sir
iyo si signiore),
sida dhuxusha dabka
leh faraha kaga
gubannay oo u tuurray
xornimadii aan wax
badan kuweyney,
soddon sano kaddib (1960-1991)?
Waqtiga aan hadda ku
jirro waa waqtigii
is urursiga, isu
tagga, iskaashiga
iyo isbahaysiga iyo
wax wada qabsiga, si
looga guulaysto
faqriga, gaajada,
cudurka iyo jahliga.
Waxaa
adduunka ku sii
yaraanaya kala
qoqobnaantii hore,
kala qaybintii
quruumaha iyo
dhaqaalihii lagu
aamusin jiray cid
kastoo wax baryeysa,
maxaa yeelay waxaa dal
waliba ku hamiyayaa horuumarinta
nolosha dadkiisa oo
iyaguba u baahan
hantidii ay hore u
siinjireen dalalka
saboolka ah, kuwaas
oo aan weli ku
riyoon in ay baryada
ka baxaan.
Innaga haddii aan
Soomaali nahay
adduunku qaati ayuu
innaga taaganyahay,
waxayna innoo
aqoonsan yihiin in
aynnu nahay dad neceb
in ay shaqeystaan,
doonaya in ay been,
dood, damac iyo
baryo ku noolaadaan,
dagaal iyo qaylo
badan, ehel la noqday
musuqmaasuq iyo
muqaadaraad, waxba
deeqin,
mashaariicdii hore
loogu dhisay
burburiyey iyagoo
aan ka faa'iidaysan,
wixii hanti ah ee
loogu deeqo dhawr
qof jeebka u gelaya
iwm, waana kuwii
hore innoogu bixyey
qabrigii baryada.
Sidaas
darteed, reer
galbeedkii hadba
xoogaada hooyoo ku
go'da ahayd inna
siin jiray diyaar
uma aha Soomaali
dhawr qaybood u kala
jajabta, mid
kastaana leeyahay
anna waa i kan ee ii
dhiib, aqoonsi
Soomaali mid ka
badanna sidaas ayuu
ciriir ugu jiraa ee
aan ka tashanno,
waqtiguna yaanu inna
seegin, weligeen ma
kala raysan-doonnee.
Walaalayaal, haddii
aan runta ka hadallo,
meelna iska dhigno
caaddifadda iyo
laab-la-kaca
dhaqankenna intiisa qaldan
ka mid ah, ma
garanayo wax
dhibaato ah oo
idiin-goonni ah oo
aad ummadda inteeda
kale ku
aaminiweydaan,
kagana fogaataan.
Sidaan filayo,
waxyaabaha aad
badiba ka cabataan
waxaa ka mid ah:
caddaaladdarro,
musuqmaasuq,
cabburin iyo dagaal
idinkaga yimid
maamul dawladeed.
Intaas oo arrimood
iyo kuwo kale oo
badan waa dhab,
waase dhibaatooyinka
heeray oo la haray shacabka
Africa, lamana
saadaalinkaro goorta
laga baxayo,
imminkana maamulkiinna
waa laga sheegtaa,
ilaa iyo haddana
idinkama maqal wax
barwaaqo ah oo aad
kaga raysateen
Koonfur, shacabkuna
weli ma gaarin wax
dhaafsiisan
xasiloonida Gobolku
ku sugnaa hadda ka
hor, iminkana waxaad
u muuqataan kuwo u
yeeranaya belaayo ka
fog, markaad muruqa
u tuujiseen
deriskiinna aad
walaalaha tihiin,
ayna idiin
hillaacday siyaasad
damac ku dhisan oo
aydinnaan hubin
miraha aad ka
guranaysaan.
Hase
yeeshee, ma moogidin
in waxaas oo
dhibaatooyin ahaa
dadka kalena idinla
wadaagay ama
qaarkood aad idiinka
liiteen haddii
aydinnaan arrinta ka
eegeyn inta kale waa
isla wanlaweyn iyo
dan iyo heello kama
lihi!
Midda
kale walaalayaal,
markaan runta
idintaabsiiyo waad
ogsoontihiin in la
idinka bad, berri,
barwaaqo iyo dad
badanyahay ee maxaa
belo-sheegga,
baroorta iyo
baqdinta aan beri
qur ah baaqashada
lahayn idinbaday?
Walaalayaal,
Soomaali idilkeed
ayaa hal qabiil ah,
qarannimadiina waa
innagaas qaadiweyney
oo si xun ula kufnay
ee maxaa Beel
qaybteed
qayilsantahay ay
qabankarta.
Ugu
dambeystii
walaalayaal, waxaan
si niyadsami ah
idiinku waaninayaa
in aydinaan dib
dambe ugu fekerin in
aad ku dooddaan, ku
dagaallantaan ama u
damacdaan deegaan
dibadda ka ah geyiga
aad leedihiin ee la
idiin yaqaan,
waxaana murti
Soomaaliyeed hore u
tiri:
"WAXAANAD ADIGUBA QAADATEEN
QAYRKAA HA KULA
TALIN"
".
Waad
ogsoontihiin in
Gobollada Sool,
Sanaag iyo Cayn ay
deganaayeen, ku
dhaqnaayeen, welina
ku sugan yihiin
dadkii Eebbe ku
abuuray dhulkaas,
gaar ahaan intii ka
horraysay isticmaar,
intii isticmaar ka
talinayey, intii ay
dawladi dalka ka jirtay
iyo maanta oo aan
burbur iyo talo xumo
isla ag-gannoodno,
una kala baxnay
Beelo iyo jifi
hoosaadyo, mana
habboona in aan iska
indhatiro wax jira
oo aad ogaal u
leedahay.
Waxaan rajaynayaa in
aan talada kala
qaadanno iyo in aan
iska ilaalinno in
aan ku oonno ama
waqtigu innagaga
lumo sheeko la mid
ah waxaad ogtahay ma
kuu sheegaa, waxaana wanaagsan
in aan ku daallo
qiimeynta xasilloonida
iyo xaqdhawrka derisnimada
waajibka innagu ah
iyo walaaltinimada
qaalliga ah. Haddaad
dawlad gaar ah
noqotaan iyo haddii
kaleba waa isla
innagii ee yeynaan
isqoonsan,
quruxdeenana kala
kala qaadin.
|
LA SOCO

W.Q. Muuse .Xaaji (Abees)
Email:
Abees11@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
PROFESSORS
SAMATARRO IYO DHALIILAHA AY SOO
JEEDIYAAN EE AAN DHAMMAADKA LAHAYN.
Arbaco Dec
05, 2007
Puntland:BURBURKII
PUNTLAND OO BILOWDAY ee QARDHO,
BOOSAASO iyo GAROWE ma ka badbaadi
doonaan balada LAASCAANO ku habsatay!!!
Talaado
Oct 16, 2007News
MADAXWEYNE C/LAAHI IYO
BOOQASHADIISII PUNTLAND "LAMOOD
NOQONSE WEYDAY"
Aug
21, 07
Allsomali Online
Allsomali.com
or
Allsomali.net
©2001-2007 Allsomali.com Our
# Fax: 775-256-7757
Email
us allsomali@yahoo.com
ama allsomali@hotmail.com
allsomalinews@gmail.com
|