Logo


Cade Muuse oo ku guulaystay in uu Puntland burburiyey laascaanana bixiyey!!


Allsomali Online (Rayi) Talaado 16 Oct 2007

 

Waxaa jiray tuhun isa soo taraya oo ah in Cade Muuse uu Masuulinta Somaliland kula heshiiyey in uu cayn, sool iyo sanaag siiyo, waxaana dadka fikradaa aaminsan ay qabeen oo ay arinta sal uga dhigayeen cade muuse oo xiriir la leh maamulka somaliland gaar ahaan markii uu jabhada ahaa iyo isaga oo dalxiis ku maqnaan ilaa iyo intii laascaano la qabsanayey.
         

Somalia News     

Waxaa kale oo ay dadkaasi ku doodi jireen in cade muuse iyo rag maamulkiisa ku jiraan oo isu bahaysteen boobka dhaqaalaha puntland gaar ahaan tan dakada boosaaso in aanay dan ka lahaayn haddii puntland oo dhan la qabsado oo loo reebayo dakada boosaaso.

Waxaana cad in maamulka puntland ay u xisaabtamaan sida xisaabta gabadh yar oo caano teel ah, taas oo dhahaysa haddii qaalinta irmaan ee boosaaso ay joogto caruurtii quudanaysay qaarkoodna la dayriyo sida cayn, sool iyo sanaag in caruurta puntland inta hadhay ee ah mudug, nugaal iyo bari in ay caano ka dhargayaan.

hadda cade muuse wuxuu ku soo laabtay garoowe markii laascaano la qabsaday wuxuuna cad in uu reer puntland riwaayad cad u dhigayo markii uu labistay tuutaha dagaalka waxaana riwaayada cade muuse la yiraah ' baahida nin baa kula daydayi daalna kaa badan oo aan doonayn in aad heshaa daa' im abidkaa'.

maamulka puntland wuxuu ka dhoohan yahay qorsha somaliland qaabka uu ku bilowday iyo meesha himiladoodo ku qotonto.

Wuxuu ahaa Shir ka dhacay Itoobiya intii uu Mingiste Maamulka Itoobiya haystay gaar ahaan Sanadkii 1988kii waxaana Shirkaa ka soo qayb galay USC iyo SNM waxaana lagu hashiiyey in Qabiilka Daarood Somaliga laga dabar gooyo. waxaa la isku qabtay Qaabkii loo dabargoyn lahaa, oo la isku qabtay labo talo midkood.

SNM waxay soo jeediyeen in USC ay somaliland aqoonsato si ay Garoowe, Qardho iyo Boosaaso ay furin ka dhigaan si ay wada laamiga ee Boosaaso ilaa iiyo Gaalkacyo gashana ay u kala gooyaan. waxaanay soo bandhigeen in xadkii ingiriisku uu boosaaso 15 km, qardhana 30 km u jiro iyo waliba in garoowe ay 5 km u jirsanayaan, taas oo keenaysa in awooda harti jabto si markaas ka dib awooda Daarood Dalka somaliya looga suuliyo.
USC way ku gacan sayrtay taladaa waxayna diidiin in Somali la kalo goodo, waxayna soo jeediyeen in meesha hadda Puntland la yiraah labo meelood laga soo weeraro oo kala ah Gaalkacyo iyo Laascaano si ay USC iyo SNM ay Boosaaso ugu kulmaan.
Waxaa la qaatay Taladii USC wuxuuna Caydii weerar ku soo qaaday Gaalkacyo, laakin waxaa ugu baxay Weerarkii Somaliland oo ka biyo diideen Magacaabidii Cali Mahdi loo magacaabay in uu noqdo Madaxweynaha Somali, taas oo ku jirin Hashiiskii SNM iyo USC oo dhigayey in caydiid uu noqdo Madaxwenaha Somaliya, Cabdi Rahmaan tuurna uu noqdo Ra' iisul wasaaraha.

Si uu Caydiid u soo nooleeyo Hashiiskii ka dhaxeeyey USC iyo SNM wuxuu weerar ku qaaday Cali Mahdi, taasna waxay keentay in ay Puntlandi ka badbaado Dagaal labo aabudh ah.

Inkasta uu fikirkaas lagu fashilmay, laakin waxaa hirgalinta fikirkaas aan ka hadhin Somaliland oo ku taamaysa in an mar Boosaaso, Qardho iyo Garoowe ka dhigto goob Dagaal oo aan waxba ka soo dagikarin, si ay ugu suurto gasho in Somaliya labo u kala gooyo Qabiilka Daaroodna Somaliya uga dabargooyaan.

maamulka puntland oo ka dhoohan qorsha aha somaliland waxay noqdeen nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday oo waxay ku mashquuleen boobka dhaqaalaha dakada boosaaso, waxay iloobeen in haddii cayn, sool iyo sanaag la qabsado in puntland oo dhan la qabsaday iyo in puntland ay tahay sagaaro labo tun oo la kalo qalo ma leh.

Maanta ay somaliland laascaano qabsadeen ayey u suurto gashay in ay ujoodooyinkoodii gaaraan, waxaana anritaa Maamulka Somaliland u suurto galiyey Maamulka Puntland oo dakada Boosaaso isku koobay sidii ay Dhaqaalaha Dakada Boosaaso u boobi lahaayeen. waxaa kale oo maamulka somaliland u suurto galiyey maamulkooda oo leh ujeedo weyn iyo hadaf ay u halgamaan iyo iyaga oo og haddii ay sool, cayn iyo sanaag qansadaan in puntland ay burburitso.

waxaa cad in maanta uu bilowday burburkii puntland, samaliland aanay ku ekaan doonin xadadka ay sheeganayeen, haddii xataa ay xadkooda ku ekaadaana aanay magaalo 5 km loo fadhiyo waa garoowe aanay caasimad naqon doonin, magaalo 15 km loo fadhiyana waa boosaaso aanay dakad noqonayn.

waxaad moodaa qarshihii 1988 la dajiyey in maanta la gaaray iyada oo laga faa, iidaytan maamulka hanti boobka ah ee puntland ka jira
mahadsanid
 

jagne dahir (jagne3@hotmail.com)
AllSomali Online

 

BURBURKII PUNTLAND OO BILOWDAY ee QARDHO, BOOSAASO iyo GAROWE ma ka badbaadi doonaan balada LAASCAANO ku habsatay!!!

 

Wuxuu ahaa Shir ka dhacay Itoobiya intii uu Mingiste Maamulka Itoobiya haystay gaar ahaan Sanadkii 1988kii waxaana Shirkaa ka soo qayb galay USC iyo SNM waxaana lagu hashiiyey in Qabiilka Daarood Somaliga laga dabar gooyo. waxaa la isku qabtay Qaabkii loo dabargoyn lahaa,  oo la isku qabtay labo talo midkood.
 
 

  1. SNM waxay soo jeediyeen in iyaga ay USC aqoonsato si ay Waroowe, Qardho iyo Boosaaso ay furin uga dhigaan wada laamiga ee Boosaaso ilaa iiyo Gaalkacyo gashana ay Carmo uga kala gooyaan. taas oo keenaysa in awooda harti jabto si  markaas ka dib awooda Daarood Dalka somaliya looga suuliyo.
  2. USC way ku gacan sayrtay taladaa waxayna diidiin in Somali la kalo goodo, waxayna soo jeediyeen in meesha hadda Puntland la yiraah labo meelood laga soo weeraro oo kala ah Gaalkacyo iyo Laascaano si ay USC iyo SNM ay Boosaaso ugu kulmaan.

Waxaa la qaatay Taladii USC wuxuuna Caydii weerar ku soo qaaday Gaalkacyo, laakin waxaa ugu baxay Weerarkii Somaliland oo ka biyo diideen Magacaabidii Cali Mahdi loo magacaabay in uu noqdo Madaxweynaha Somali, taas oo ku jirin Hashiiskii SNM iyo USC oo dhigayey in caydiid uu noqdo Madaxwenaha Somaliya Cabdi Rahmaan tuurna uu noqdo Ra' iisul wasaaraha.
 
Si uu Caydiid u soo nooleeyo Hashiiskii ka dhaxeeyey USC iyo SNM wuxuu weerar ku qaaday Cali Mahdi,  taasna waxay keentay in ay Puntlandi ka badbaado Dagaal labo aabudh ah.
 
Inkasta uu fikirkaas lagu fashilmay,  laakin waxaa hirgalinta fikirkaas aan ka hadhin Somaliland oo ku taamaysa in an mar Boosaaso, Qardho iyo Garoowe ka dhigto goob Dagaal oo aan waxba ka soo dagikarin, si ay ugu suurto gasho in Somaliya labo u  kala gooyo Qabiilka Daaroodna Somaliya uga dabargooyaan.
 
Maanta ay somaliland laascaano qabsadeen ayey   u suurto gashay in ay ujoodooyinkoodii gaaraan, waxaana anritaa Maamulka Somaliland u suurto galiyey Maamulka Puntland oo dakada Boosaaso isku koobay sidii ay Dhaqaalaha Dakada Boosaaso u boobi lahaayeen. waxayne qaar Maamulka ku jira ay ku  xisaabtameen xisaabta ay ku xisaabtanto gabadh yar oo caano teel ah, taas oo dhahaysa haddii qaalinta irmaan ee boosaaso ah ay joogto caruurtii quudanaysay qaarkoodna la rabso sida cayn, sool iyo sanaag in caruurta puntland inta hadhay ee ah mudug, nugaal iyo bari in ay caano ka dhargayaan. waxaanay iloobeen maamulka puntland in haddii cayn, sool iyo sanaag la qabsado in puntland oo dhan la qabsaday ilayn dhaan wadada dheer waxay noqon furinti. awoodii sool, sanaag iyo cayn kaa qabsatayna kuma dhaafayso in maamul puntland la yiraa oo mar kharat ku noqon karaa sii jiro.
 
waxaa kale oo maamulka somaliland u suurto galiyey maamulkooda oo leh ujeedo weyn iyo hadaf ay u halgamaan iyo iyaga oo og haddii ay sool, cayn iyo sanaag qansadaan in puntland ay burburitso.
 
 
waxaa cad in maanta uu bilowday burburkii puntland, samaliland aanay ku ekaan doonin xadadka ay sheeganayeen, haddii xataa ay xadkooda ku ekaadaana aanay magaalo 5 kiilo mitir loo fadhiyo waa garoowe aanay caasimad naqon doonin, magaalo 15kiilo mitir loo fadhiyan aanay waa boosaaso aanay dakad noqonayn.
 
waxaad moodaa qarshihii 1988 la dajiyey in maanta la gaaray iyada oo laga faa, iidaytan maamulka hanti boobka ah ee puntland ka jira

jagne dahir (jagne3@hotmail.com)
AllSomali Online

Allsomali.com or Allsomali.net


©2001-2007  Allsomali.com

Email us  allsomali@yahoo.com ama allsomali@hotmail.com

Hit Counter