Muqdisho, Dec 13,
2007 (Rayi)
W. Q. Muuse Xaaji (Abees)
Email:
abees11@yahoo.com
Alloow Beesha Ugaadeen ee
xusulduubka ugu jirta la dagaallanka Ethiopia
tiradaad siisay tayo iyo talo midaysan ugu dar,
kana yeel dad ka wada tashankara aayatiinka
dalkooda iyo dadkooda, qiimayn kara wax kasta oo
la soo gudboonaada, go'aanna ka wada gaari kara,
isagana wada mid noqon kara fulinta go'aankooda
iyo xejinta sirta.
Waxaan qabaa in haddii Beesha Ugaadeen daacad ka
wada ahaan-lahaayeen, meelna uga soo wada
jeensanlahaayee danaha gobolka waa hore heer
wanaagsan ka gaari lahaayeen ka xoroobidda
Ethiopia.
Anigu intaan jiray oo qarni ku dhow waxaan
maqlayey, marar kalena goobjoog ka ahaa iyadoo la
sheegayo in Ugaadeenya uu ka socdo dagaal
gobannimodoon ah, waxaase qorshahaasi weli u
muuqdaa mid weli socda, una baahan in dib loo culo,
birtana miyir loogu afeeyo, si rasmi ahna saanta
la isula helo.
Alloow Beesha aan arrimahooda falanqaynayo
fahamsii in ay ilaaliyaan caddaaladda oo aad u
tixgeliyaan qiimaynta Beelaha badan ee kale ee la
wadaaga deegaanka, waxna ka siiyaan kana
weydiiyaan talada dalka, waana lama huraan in talo
iyo tabar-wadaag la ahaado si la isaga daboolo
goldaloolooyinka badan ee jira ee cadoowgu sahal
uga soo dhici karo.
Haddii aad doonayso in cid kale oo dano idinka
dhexeeyaan ay kugula macaamisho daacadnimo,
tixgelin iyo caddaalad waa in adigana intaas oo
kale lagaa helaa, haddii kale waxaa ku hortaal (KELIGII
CUNOOW KELIGAA CAYAAR).
Haddii aanan gafsanayn waxaan qabaa in hoggaanka
maanta ka taliya Itoobiya uu yahay taliskii ugu
macquulsanaa ee soo mara dalkaas markaan
barbardhigno 3 qarni ku dhowaad kuwii joogay ayna
ugu dambeeyeen Mingiste, Haile Silase iyo Mileleg,
sababtuna waxay tahay dalka Itoobiya ayaa wuxuu ka
koobanyahay quruumo aan badiba isku jinsi, af,
diin iyo dhaqan ahayn, balse si aad ah la isugu
khasbi jiray, waxaynuna la wada soconnaa in
qoomiyadda Tigray ee 16kii sano ee ugu dambeeyey
Ethiopia maamuleysey ay ahayd Jabhad gobanimada
Gobolkeeda u diriraysay muddo dheer sida
Soomaalida Galbeed, waxaana hoggaankeedii
midaysnaa u suurageliyey in ay Ethiopia oo dhan
shanta ku dhigto, sidaas awgeedna aad bay u
garanayaan hadafka iyo macnaha runta ah ee ay
waddo jabhad kasta oo iyaga ka soo horjeedda hadda,
waxaana suuragal in ay mar uun garawsato in laga
gar leeyahay ayna faraha kala baxdo Soomaalida
Galbeed haddii ay hesho dad ehel u ah hanashada
xilkaas culus insha Allaah.
Waxyaabaha la taabankaro ee cusub ee maamulka
hadda jira laga arkay ama kaga macquulsanyahay
talisyadii boqortooyada iyo shuuciyadda ahaa ee
aan laga daba-hadli jirin waxaa ka mid ah
dastuurkii dalkaas oo wax laga beddelay, laguna
daray nidamka federaalka ah oo aan hore u
jiri-jirin, gobolkii ugu horreeyey oo ka
faa'iidaystayna uu noqday Eritrea, inkasta oo uu
dib ugu caasigaroo-bay Ethiopia iyo Soomaaliya oo
uu kaalmooyin wax ku ool u ahaa ka helay.
Maamulka Eritrea wuxuu hoog iyo dagaallo
isdabajoog ah u horseeday shacabkii horeba u
rafaadsanaa ee ku soo daalay is xoreynta, wuxuuna
maanta qarka u saaranyahay in uu mar kale hoostago
Ethiopia, ama ay burburiso, waana mudanyahay mar
haddii uu noqday maamul xilkiisii gabay, shaqona
ka dhigtay xasaradda derisyadiisa sida Yemen,
Jabuuti, Suudaan, Ethiopia, Somalia iwm wuxuuna
shaqaystay in lagu daro Liiska Argagixisada
Adduunka, markuu codkiisa ka dheereeyey,
itaalkiisa iyo aayotiinkiisana garanwaayey, waana
meesha dadka reer Bariga ahi ka yiraahdeen mar ay
la hadlayeen dad kibrey:
"ADOO NABAD U BALAWAAJA BELOOY KAALAY LAMA YARI,
HADDII AY TIMAADDONA LAMA BOOYO BOOWOOW"
Kolleyba mar uun waa la beddeli doonaa Meles
Zenawi cid kastaa ha beddeshee, mana aha arrin
reebban in shaqsi u dhashay Tigray beddelo,
haddiise aanay taasi dhicin lama maleeyo in
qoomiyadda Tigray mar kale hoostagto Ethiopia,
waxaana suurtogal ah in ay noqoto gobolkii 2aad ee
ka madaxbannaanaada Ethiopia haddii Alle uu sidaas
idmo.
Sidaas darteed, waxaan Alle ka rajaynayaa in dadka
Soomaalida Galbeed ay wax badan ka beddelaan habka
iyo hannaanka ay hadda halganka ugu jiraan, ayna
arrimahooda dib u habeyn iyo siyaasad furfuran ku
sameeyaan. Sababtuna waxay iigu muuqataa:
{HADDII AAN ARRIMAHA LA ROG-ROGIN RAGBAAN HELIN).
Waxaan soo gallay dagaallo heerar kala duwan ahaa,
uuna ugu cuslaa midkii 1977. Si kastaba ha ahaatee,
waxwaliba adduunka waa ka dhacaan mana jirto arrin
aan xad iyo xal lahayn, waxaana Soomaalidu
arrintaan oo kale ka tiri:
(DOQONTU LADIRIR WAA TAQAAN, LAHESHIISE
MATAQAAN).
Xornimadu waa qaalli, wixii qaalli ahna dariiqyo
badan oo adag baa loo maraa, wax badan oo qaalli
ahna waxaa loo huraa oo uu ugu horreeyo dhiigga
dadka, waxaase intaas oo dhan kasii muhiimsan in
la helo wada shaqayn (team work) iyo in uu
shaqeeyo caqli caafimaadqaba oo aad u fahamsan
wuxuu rabo iyo dariiqa ugu dhow ee lagu gaari karo.
Waxaan kalsooni ku qabaa in aynaan ku khasaari
doonin insha Allaah haddii aan bilowno wada hadal
geed gaaban iyo mid dheerba loo fuulo iyo garaacid
albaabo cusub innaga oo wada jirra, iskana wada
saxnay
dhaliilaha jira.
Sidaan qabo, qodobka koowaad ee sixitaanka aan ka
bilaabayno ayaa ah oraahda Ugaadeen, midka aan ku
hawlgeleyno, horena aan ugu hawlgallay, dartiisna
Soomaaliya ku burburtay waakii ahaa Soomaalida
Galbeed ee waa ayo cidda beddeshey magacaas, kuna
kalsoonaan weydey oo ka dooratay Ugaadeen?!
Ma shalay baan magac qaldan ku shaqaynay, mase
maanta?
Haddii aan runta iyo caddaaladda ankirro wax badan
baan kuwaayeynaa, waxaynuna noqonaynaa sidii
ciidan aad u badan oo gaaraya boqollaal Batalyan
oo u diyaargaroobay in uu dagaal culus la galo
dawlad xoog leh, balse ugu dambaystii uu ka
hawlgalay oo keli ah hal batalyan oo waxwalbaale
ah, ciidammada intoodii kalena cidla looga tegay.
Ma tahay sidaasi arrin inna qabata iyo wax la
isku ogaa iyo looqaateen?
Saraakiisha dayacday awooddoodii ciidan oo maalin
cad cidla uga tegey wixii ay aqoon, talo, tiro,
tayo, muruq, maskax, maal, midnimo, xirfad, xeelad,
farsamo, isku kalsoonaan, rabitaan iyo agab
lahaayeen ma laga fili karaa in ay ku geeraaraan
guul iyo farxad?
Miyaanay arrintu noqon karin (garabkaa bannaanaa
Eebbe ka magane?) Alloow naga dawey taloxumada
taageerta dib u dhaca.
UGAADEEN MA AHA MAGACA DALKA
Magaca Ugaadeen waa magac Beel weyn oo jirta oo
sharaf badan leh, hase ahaatee, ma aha magaca
runta ah ee geyigaas, waana magac
gumeystayaashu allifeen oo ay ula jeedaan
xaqiraadda dalkaas iyo
dadkaas Soomaaliyeed, waxayna meesha kaga
saarayaan magaca
weyn ee ah "Soomaali Galbeed", waxaana magaca la
yasayaa ama
la diciifinayaa ku mataansanaa magacyadii 5
Soomaaliyeed sida Soomaalida Koonfureed,
Soomaalida Waqooyi, Xeebta Soomaaliyeed,
Soomaalida Galbeed iyo Soomaalida NFD ama
Soomaalida Waqooyi Bari ee Kenya.
Maxaan ku illoownay murtideenni shalay (1977) ee
ahayd:
(SOOMAALIDA GALBEED WEEYE, INAY GUUL HELAAN
WEEYE, ISGARGAARSADAAN WEEYE?)
Jamhuuriyadda Jabuuti markii dadkeedu
xorriyaddooda u halgamayeen,
magaceeduna ahaa Xeebta Soomaaliyeed ee Fransiisku
gumeysto,
waqtigii ay xoroobaysay muddo gaaban ka hor wuxuu
gumeysigu
u bixiyey dalka Cafar iyo Ciise (1967dii) kolkii
xaaladdu aad ugu adkaatay uuna cabsaday, wuxuuna
ula jeeday isku dir, dibindaabyo iyo xaqiraad si
uu dadkaas walaalaha ah isaga horkeeno, kuna
waasiiyo midnimadooda iyo madaxbannaanidooda,
wuxuuna isha ku hayey aadna u fogeynaayey magaca
ah (Soomaalia).
Waxaan qabaa in hawsha hadda socota ay tahay mid
aan ku fulineyno ama ku oggolaannay qorshihii
gumeystayaasha.
Haddii aanay sidaas ahayn maxaa innagu kallifay in
aynaan hawlgelin ee ka dulboodno awoodda Beelaha
badan ee aynaan sinaba uga maarmi karin, iyaguna
innaga maarmi karin ayna ka mid yihiin 4ta ilma
Absame iyo adeerkood oo kala ah:
- Ugaadeen, Balcad, Jidwaaq, Aweyteen iyo
adeerkood oo ah Gelimeys
magaciisuna yahay Cabdi Koomade.
- waxaa kaloo jira Beelaha Harti Koombe, Geri
Koombe, Xarle Koombe, iyo Jiraan Koombe.
- waxaa jira oo kale Beelaha kala ah Karanle,
Awqutub, Dir, Degoodiye,
Garre, Reer Shabeelle iyo ummad badan oo kale oo
aanan soo koobi karin.
Haddaba walaalayaal, aan wax isweydiinne, haddii
aan ankirro oo dhabarka ujeedinno dadkeennii oo ah
awooddii aan ku meelmari lahayn, hoosna isugu
sheegno, wax waliba (imminka iyo eegga) waa
Ugaadeen, soow ma noqoneyno koox aan talo iyo
tabar hayn ee xeeb cidla ah ku daaleysa, godob
sokeeyena u gaar tahay?
Walaalayaal, qiimeeya dhibaatada joogtada ah ee ku
dhacaysa dadka maatada ah ee har iyo habeen lagu
laynayo darteen. Soow khasaaro weyn ma aha in
markii kasta ee aad xabbado ku riddaan ciidammada
Ethiopia ama dhawr ka dishaan weerarro cir iyo
dhul ah lagu qaadimaayo dadkeenna, ayna ma
nafwaayayaan boqollaal shacab ah oo aan waxba
galabsan.
Waa xaq in aad ku dirirto sharaftaada, bilaashna
laguma helo wax qaalli ah, laakiin hagarta
hawsheenna fogaynaysa ayaan qabaa in ay tahay
wadajir la'aanteenna, dulucda qoraalkayguna waa
sidaas.
Walaalayaal, (LAACA ARAGTAYE, LAAGGA MA OGTAHAY)?
Qoraalkani ma aha mid aan ula jeedo faragelin,
marinhabaabin iyo kala daadin hadafka iyo himilada
hawlaha xaqa ah ee ay wadaan walaalahay ee waa
aragti ka timid shaqsi idinka mid ah, idinlana
wadaaga murugada iyo xanuunka.
Waxyabaha aan aad u tageersanahay waxaa ka mid ah
mudaharaadyada waayadan sida nabadgelyada ah uga
dhacayey daafaha adduunka laguna soo bandhigayey
xaqa aan u leenahay in aan Ethiopia ka hello madax-
bannaanideenna. Waana tii hore loo yiri:
(AFKU WUXUU LA XOOGYAHAY MAGLIGA XAWDA KAA
JARA'E)
Walaalayaal, haddii aan ku heshiinno in aan
safarro kumaan kun oo km, waa in aan ka bilowno
socdaalka dheer hal kiiloomitir oo sax ah, deedna
halkaas ka sii wadno hadafkeenna intaan ka
hananaynno guusha kama dambaysta ah, waxaana qabaa
oo kale:
- in aan colaadda gaamurtay nasinno, kuna
beddelanno in aan bal horta nabad wax ku doonno
iyo in aan garaacno albaabbo cusub, aynuna sugno
wixii kheyr ah ee innooga soo baxa, isla markaasna
u sii diyaar- garowno wixii kale ee lagama
maarmaan noqonkara haddaan habka nabadda ku
hungowno.
- in aan dilka iyo dagaalka si kumeelgaar ah ugu
beddello wada hadal joogto ah oo aan u
dhexfariisanno Addis Ababa, badinno dacwadaha
gudaha iyo dibadahaba, muddaharaadyada iwm,
qayladeennuna waa in ay gaarto ururrada caalamiga
ah sida AU, UN, EU, JAM. CARABTA iwm.
- in aan talada koox ama beel ahaaneed ku beddello
talada dadka intooda badan, sida dadka gobolka iyo
Soomaaliweyn oo dhan.
- in aan ka fogaanno tallaabo kasta oo wax u dhimi
karta ama sii fogeyn karta waxaan rabno oo ah
xornimada aan xaqa u leenahay.
Waxaan qormada ku soo gunaanadayaa sida soo socota:
Waxaan aaminsanahay in aan maanta ugu rajo
roonnahay muddooyinkii dheeraa ee aan gumeysiga
Ethiopia ku hoos jirray, markii laga reebo mudadii
yarayd ee aan u sacabtunnay gobanimada Soomaali
Galbeed markaan quwad iyo shan farood iyo calaacal
ku muquninnay Taliskii Mingiste ee aad isula
hawoweynaa, balse aan haddana himiladeennii ku
weyney faragelin quwado shisheeye oo aan
Soomaaliya ku talo gelin, una tooghayn.
MAAMUL GOBOLEEDKA KILINKA 5AA WAA SAXANSAXO
GOBANNIMO EE AAN TAAGEERRO OO KOBCINNO
Rajada ii muuqata dad kalena ila qabi karaan ayaan
u arkayaa in ay tahay:
- waxaan maanta leenahay Ismaamul Goboleed u
dhisan hab dawlad
ku meelgaar ah oo Nidaamka Federaalka oo gobollada
Ethiopia u wada siman yihiin hoos yimaada.
Haddaba maxaa innoo diiday in aan si wadajir ah u
taageerro oo ku xoojino midnimo, la shaqayn, ka
mid noqonno, aqoon, waayo aragnimo iyo talo ku
biirinno, deedna cod mid ah ku doonanno xornimo
buuxda sida uu qorayo Dastuurka cusub ee
Federaalka?
- waxaan xubno ku leenahay Golaha Xukuumadda
Federaalka.
- waxaan xubno ku leenahay golaha Barlamaanka
Federaalka.
Arrimahaas iyo waxyaabo badan oo kale waa
yididiilo aan la ankiri karin horena aan u jiri
jirin, waxayna innaga mudanyihiin tixgelin,
horuumarin, sii amboqaadid iyo in aan si
cilmiyeysan, xodxodasho hoose iyo siyaasado aan
mutuxnayn iyo kasbasho isku dayno.
Xubnaha innaga matala Golayaashaas xil culus iyo
dadaal dheeraad ah ayaa dalka iyo dadka ka saaran
iyo in aanay seexan ee kaalintooda ka soo baxaan.
Kama dareemin raggaas dadaal la mid ah midka ay
hayaan kuna ammaanan yihiin xildhibaannada
golayaashaas oo kale ugu jira Soomaalida Kenya.
- Ficilka ah diidmada iyo curyaaminta in khayraad
laga soo saaro
dalka aad baan u dhaliilsanahay, mana aha arrin la
garawsan karo
Sababtuna waxay tahay, mar haddii aynaan weli
lahayn aqoon iyo awood aynnu khayraadkeenna kula
soo baxno ma qabo in aan cagta
saarro ama erino shirkadaha dawladdu heshiisyada
la soo gashay, waxaana ila wacan in la qodo dhulka,
bannaankana la soo dhigo kheyraadka ku duugan,
innaga oo qiimeyneyna nolosha adag, macaluusha,
cudurka iyo jahliga dadkeennu ku suganyahay, mana
jirto cid innooga baahi badan iyo cid innaga
badsanaysa kheyraadka dhulkeenna si toos ah iyo si
dadbanba.
Waxaana aaminsanahay in ay arrintaasi kor u
qaadeyso qaangaar- nimadeenna iyo qaddarinteenna.
Waxaa kaloo muhiim ah in aan hubsanno waxa ku jira
dalkeenna iyadoo aan ahayn kutiri kuteen.
Maamul Goboleedka Soomaali Galbeed miyaanu ahayn
astaan yar
ama toobiye gaaban oo inna baraya waddada weyn ee
aan ku gaari karro xorriyadda , markaan innaguna
noqonno dad leh karti, adkaysi,
feker fiican iyo in ay raacdeysan karaan
hantidoodii asaagood hore uga mahoobiyey (hore u
dhacay) isla markaasna kororsan kara kolkii il
yari u furanto.
Dulucda iyo nuxurka qormadaani waa, sideebaan
xornimo u raadsannaa, innagoo haddana ilaalinaynna
sugidda nabadgelyada dadkeenna oo la macne ah (SIDEE
BAA XEEGO LOO XAGTAA, ILKANA U NABADGALAAN)?
LA SOCO
AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali News