Logo

Allsomali.com

Allsomali.com-Refresh/Reload  

AllSomali - News

C/lahi yuusuf oo dowladii ugu balaarneed ka hir galiyeyPuntland……
 

    Home

 

Boosaaso: Allsomali News - Sabti, 31.8. 2002
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland col.c/lahi yuusuf Axmed oo mudooyinkaan danbaba dadaal weyn ugu jiray siduu mar kale ula wareegi lahaa talada gobolada waqooyi Bari ee somaliya ayaa maalin nimadii shalay  wareegto uga magaacabay magaalada Boosaaso ee xaruntiisa wasiiro , wasiiro kuxigeeno oo ka mid noqonaya Dowladiisa.
Col-nelka ayaa shalay waxuu magaalada Bosaaso  ka dhisay Dowladiisa si uu maamul hoos yimaada uga hir galiyo Goboladaas.
Xubnaha wasiirada ee lamagaacabay ayaa kamid ah Cawad Axmed Xashara Wasiirka arimaha diinta iyo Awqaafta , c/aan max'ed faroole wasiirka maaliyada, xasan axmed jaamac w/qorsheynta iyo iskashiga caalamiga ah axmed C/di Maxamed xaabsade wasiirka arimaha gudaha iyo dowlada hoose diiriye Jaamac Geele wasiirka warfaafinta iyo wacyi galinta dadweynaha faarax maxamed yuusuf wasiirka gaashaan dhiga shiikh doon cali yare Siciid wasiirka kaluumeysiga dakadaha iyo gaadiidka badda Xassan maxamed Dhiilood wasiirka wax barashada C/Nuur Cilmi Qooje wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga siciid maxamed maxamuud (Caduur)  Wasiirka Caafimaadka axmed Maxamed Cigaal wasiirka xanaanada xoolaha ,deegaanka iyo xoolaha Cabdi c/le siciid wasiirka dhaqancelinta iyo dib u heshiisiinta warsame cabdi shirwac (Seefta Banaanka) wasiiru dowlaha wasaaradaha ayuu magacaabista golihiisa wasiirada kasoo hor mariyey booqasho uu dhawaan dibada ugu bixi doono sida ay wararka sheegayaan arinta dhismaha xukuumadiisa ayaa ka danbeeysay kadib markii Col.C/lahi Yusuuf Wada tashiyo la yeeshay salaadiinta iyo suldaanada goboladda waqooyi bari
Arintaan ayaa lagu wadaa in uu ka hormariyo sida dadka u arkaan col-neelka oo ah in uu dagaal wax ku doonayo balsse waxeey wararku tilmaamayaan in arintaan uu u dadajiyey sababo la xariira ka qeyb galka shirka Nairobi.

 

Maxamed aadan Maxamed (suqaar)
    M_suqaar@hotmail.com 

Muqdisho: Allsomali News

Home

©2001-2002  Allsomali.com Our # Fax: 775-256-7757

Hit Counter