Welcome to usa Java SiteChat Room
Boosaaso, Allsomali News -
Axad, 1.11.2003
In ka badan 1105 qof, ayaa waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay uga bilaabatay degmada Gal-dogob oo ka tirsan Gobolka Mudug indha fiiqid, Daawayn iyo Okiyaale siin, sida uu sheegay C/kaafi Carab oo jooga magaalada Gal-dogob ee gobolka Mudug.C/kaafi waxa uu intaas ku daray in
dhakhtarka hoowshaa wada oo magaciisa la yiraahdo Dr.Haashim, uu sheegay in uu maalintiiba qaliin ku samaynayo in ka badan 20-tan qof. Dr.Haashim waxa uu intaas ku daray in 131 ka mid dadkaas loo diyaariyey qaliin xaga indhaha ah. Tirada ayaa la filayaa inay ka badato intii hore loo qorsheeyey sababta oo ah dadka ayaa ka imanaya meelo kala
duwan oo aad u fog fog ayadoo meelaha qaarkood aysan wax isgaarsiin ahi jirin.
C/kaafi, waxuu isagu sheegay in shaqadu ay hadda ku socoto jawi aad u wanaagsan ayadoo maal malahaan si weyn looga dareemayo magaalada Gal-dogob imaantinka dadka u socda dhaqaatiirta. Hawsha Indho fiiqida ayaa ka socota Cusbitalka magaalada Gal-dogob( Mudug General Hospital) , hase ahaatee C/kaafi ma uusan sheegin cidda fulinaysa qaliinkan.
Isbitaalkan cusub ayaa ah mid ay dhiseen Jaaliyada Reer Gal-dogob ee ku dhaqan dalka dibadiisa,waxaana lagu sameeyey qalabayn heer sare ah,iyadoo qaliinkani indhuhu yahay kii ugu horeeyey ee laga fuliyo Degmada tan iyo burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Puntland State of Somalia:
Allsomali
News
Home