Logo

Allsomali.com

Allsomali.com-Refresh/Reload  

AllSomali - News

 2 Ganacsato & nin darawal ah oo lagu kala dilay Xil-labi oo ka tirsan Gaalkacyo gobolka Mudug

    Home

 

Boosaaso, Allsomali News - Axad, 10.26.2003

 

2 Nin oo ganacsato ah una dhashay beesha Saleemaan ayaa shalay subax lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Gaalkacyo xilli ay ku sugnaayeen goob ganacsi, waxaana la sheegayaa in dilka nimankaasu ay ka dambeeyeen maleeshiyooyin heybtooda lagu sheegay beesha Sacad ee degta Koofurta magaalada Gaalkacyo.
 

Labadan nin oo magacyadooda lagu sheegay Cabdi Axmed Shire (Cabdi Yare) & C/qaadir Yuusuf Cosoble ayaa ka mid ahaa ganacsatada ka ganacsan jireen shidaalka & xoolaha, waxeyna beesha Sacad sheegtay in ay soo qaban doonaan gacan ku dhiiglayaasha geystay falkaasi.

 

Warar ku dhow dhow dilkan marxuumintan ayaan la garaneyn sababta keentay, wallow warar madax banaan ay sheegayaan in lala xiriirinayo aano qabiil.

 

Dhinaca kale, nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Coon oo darawal ahaa ayaa lagu dilay tuulada Xil-labi ee ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

 

Puntland State of Somalia: Allsomali News

Home

©2001-2002  Allsomali.com Our # Fax: 425-963-0701

Hit Counter