Boosaaso, Allsomali News -
Axad, 1.11.2003
Sida uu Saxaafada u sheegay maalinimadii shalay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari Col. C/risaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud) waxaa aad loo adkeeyey dhaq-dhaqaaqii socodka ee Dadka iyo Gaadiidka waqtiyada danbe ee Habeenkii, taasoo uu sheegay in wixii
ka bilowda 10:00 Fiidnimo la joojiyey socodka Gaadiidka magaalada Boosaaso, iyadoo sidoo kale la mamnuucay Socodka Dadka 11:00 Fiidkiiya wixii ka danbeeya. Sidoo kale wuxuu ka hadlay Taliyuhu in loo baahan yahay Gaadiidka u safraya wadooyinka rafka ah inay qaataan waraaqo dhaq-dhaqaaq oo ay ka goosanayaan Sarkaalka heeganka ku jira ee Taliska
Qeybta Booliiska Gobolka Bari, iyadoo uu sheegay cidii ka hortimaada amaradan ay ka qaadi doonaan Talaabo sharciga waafaqsan. Wuxuu kaloo ka digay Dadka canshuurta Dowlada Hoose iyo tan dhexe aan sida loogu talagalay u bixin in looga baahan yahay inay iska bixiyaan intii ay la kulmi lahayeen Ganaax iyo xarig, isagoo sheegay inay jiraan Dad ka
maaga inay goostaan Buleetada loogu talagay canshuurta in lagu qaado oo la heshiiya Ninka shaqaalaha Dowlada, waxayna mudanayaan ayuu yiri Taliyuhu labaduba ciqaab, haddii lagu helo. Dhanka kale wuxuu sheegay in Guud ahaan Saxaafada Madaxa banaan dadka iyagu ka shaqeeya haddii ay noqon lahayeen kuwa Idaacadaha,
Jaraa’idka, kuwa Intarnetka wararka u dira iyo weliba Dadka iska leh Goobaha Intarnetka in loo baahan yahay inay yimadaan maalinta Sabtida Xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Bari, isagoo tilmaamay inay kawada hadli doonaan Hawlo ku saabsan shaqadooda.
Puntland State of Somalia:
Allsomali
News
Home