Logo

Allsomali.com

Links

Somalilinks

 

 

 

For the latest stories, Refresh/Reload this page frequently

 

  Jimco -January 17, 2003 Axad -May 19, 2002                            Daily Cartoon

LABADII NIN EE GEYSTAY DILKII LABADII GANACSADE EE LAGU DILAY BURTINLE OO LA QAB QABTAY....
 

January 18, 2003.  Allsomali.com Puntland State, Somalia.

Burtinle:-
Warar aanu ka helnay ilo ku sugan deegaanka Burtinle oo ka tirsan  gobolka Nugaal ayaa tibaaxaya in gacanta lagu dhigay raggii ka
dambeeyey dilkii ganacsato dhowaantan lagu dilay deegaankaas.

Eedeysanaayaashan ayaa waxaa haatan gacanta ku haya beelihii ay ka kala
dhasheen oo sheegay in ay u gudbinayaan reeraha ay ka soo jeedeen labadii
nin ee ganacsatada ahaa ee todobaadkii hore lagu dilay Burtinle.

Arrintan ayay dadka reer Burtinle si weyn u soo dhoweeyeen, iyagoo markii
horeba ay ka naxeen, isla markaana anfariir ka qaadeen dilka labadaas nin ee
ganacsatada ahaa, waxaana sidoo kale lagu wadaa in la hirgeliyo in qofkii
qof dila in lagu wareejiyo ciddii uu dhibaatada u geystay.

Dilka labadaas nin ee ganacsatada ah oo ay bulshada ku dhaqan Burtinle ka
baqayeen in saameyn ku yeesho ammaanka deegaanka, sidoo kalena uu sababo
isku dhacyo beelood oo halkaa ka dhaca ayaa waxa uu keenay in ciidamo ka
kala socda Garowe iyo Gaalkacyo ay soo gaaraan Burtinle, iyagoo la wareegay
guud ahaan ammaanka iyo talada halkii uu dilkaas ka dhacay.

Lama sheegin wax dhibaato ah oo halkaa ka dhacay tan iyo markii la dilay
labadii nin ee ganacsatada ahaa oo ay niman dhalinyaro ah dilkooda ka
geysteen.

Max'ed Aadan Max'ed (Suqaar)
m_suqaar@hotmail.com
suqaar@yahoo.com
www.allsomali.com
muqdisho soomaliya

Allsomali.com

 

©2001-2002  Allsomali.com Our # Fax: 425-963-0701

Hit Counter