Logo

Allsomali.com

Allsomali.com-Refresh/Reload  

Email us news@allsomali.com 

Our Fax: 775-256-7757

Home                                                                            www.Allsomali.com/Allsomali-Radio.ram

Boosaaso Movie

Breaking News

Garoowe,06, 2002

Breaking News

Forces of Puntland State have taken dozens of Al Itihad members as prisoners in today's confrontation near the city of Qardho along the main road to Bosaso. This follows a crushing defeat in which hundreds of the members of this movement fled to the regions of Sool and Sanaag.

Forces of Puntland State are now in the vicinity of Qardho on their way to Bosaso. No further resistance to the Puntland State forces is reported as yet.

Please take a special note and make no mistake that prisoners taken today do not have any allegiance to any subclan(s) of the region. They are purely members of Al Itihad loyal to Jama Ali Jama on their own. They do not belong to the same clan of Jama Ali Jama.

Ismail H. Warsame  

Home

 Ciidanka Maamulka Cabdullaahi Yusuf oo U Dhaqaaqay dhinaca Boosaaso iyo dagaal ay isku heleen Ciidanka Jamac Cali Jamac degmada Dangoroyo.

 

Saaka wakhtiga Boosaaso markii uu ahaa 9:45 ayaa ciidamada maamulka Cabdullaahi Yusuf ay kasoo dhaqaaqeen fariisamadoodii magaalada Garoowe, ciidamadaas oo dhexmaray magaalada Garoowe ayaa ka soo gudbay Kontoroolka Garoowe ee dhinaca Boosaaso xiga iyagoo soo qaaday jidka laamiga ah ee gala Boosaaso.

 

Ciidankaas ayaa watay ilaa 70 gawaarida dagaalka ah ee tiknikada loo yaqaan iyo tiro lagu sheegay 75 gawaarida xamuulka.

 

Ciidankaas ayaa markii ay ka gudbeen kontoroolka Garoowe waxaa lagu soo tuuray xabad nooca Jiibka loo yaqaan halkaas oo uu ku dhintay askari ka mid ah ciidankaas iyadoo ay ku dhaawacmeen laba kale, iyadoo ayan ciidankaasi u istaagin xabada lagu soo riday.

 

Ciidamadii ka soo horjeeday ee Jamac Cali Jamac oo iyagu shalay duulaanka ku yimid Garoowe kuna sugnaa saaka halka loo yaqaan Murqo Taagtaag ayaa iyagu ka dhaqaaqay fariisinkoodii iyagoon wax rasaas ah kusoo ridin ciidanka Maamulka Cabdullaahi Yusuf, waxayse difaac ka galeen Degmada Dangoroyo halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray labada Ciidan.

 

Warku wuxuu sheegayaa in ciidanka Jamac halkaas looga qabsaday laba gawaarida dagaalka ah ee tiknikada looyaqaan, iyadoo laba kalana ay is dhiibeen, waxaana dagaalkaas ciidanka Cabdullahi Yusuf ku qabteen 20 ciidanka Jamac Cali Jamac ka mid ah, [lama soo sheegin tirada dhimashada iyo dhaawac labada dhan kusoo kala gaaray dagaalkaas].

 

Wararka hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in Cabdullaahi Yusuf Axmed uu ku sugan yahay hadda Degmada Dangoroyo oo 95 KM u jirta Degmada Qardho.

 

Ninkii watay ciidamadii Jamac Cali Jamac ee shalay duulaanka u tagay Garoowe ayaan war sugan laga hayn halka uu ku sugan yahay iminka inkastoo warar sheegayaan inuu hadda isna ku sugan yahay Magaalada Qardho, Jaamac Cali jamac ayaa isaguna ka tagay Qardho oo iminka ku sugan Boosaaso iyadoo warar sheegayaan inuu halkaas maanta uga duuli doono dalka Liibiya.

 

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa aad u dagan iyadoo  dadka magaaladu u muuqdaan kuwa aan dagaal kala hortagayn ciidanka maamulka Cabdullaahi Yusuf, marka laga reebo  taageerayaasha Jamac Cali Jamac ah oo ku sugan agagaarka hotel Demal.

 

Cabdishakuur Mire Aaden

AllPuntland Boosaaso

 

Warkaan oo faahfaasan iyo waraysi kooban oo AllPuntland kala yeelatay xaalada dagaaladaan iyo jawiga guud ee Puntland Cabdishakuur Mire Aaden oo Boosaso Jooga ka dgayaso halkaan isagoo maqal ah kala soco AllPuntland

 

Wararka la xiriira Warkaan:

Home

©2001-2002  Allsomali.com Our # Fax: 775-256-7757 news@allsomali.com

Hit Counter