Allsomali.com

Allsomali.com-Refresh/Reload  

AllSomali - News

Daawo Sawirada Munaasabada 8-da March,Hambalyana u diray haweenka

 


Daawo Sawirada Munaasabada 8-da March,Hambalyana u diray haweenka

Muqdisho, News March 10, 2008

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalad Muqdisho kaga qeybgalay munaasabada haween weynaha aduunka ee 8-da maarso oo ka dhacday guriga hooyooyinka ee maagaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa munasabadaa ka jeediyay khudbad aad u dheer oo uu kaga hadlay muhiimada maalintani ay u leedahay haweenka caalamka, isagoo sidoo kalana hambalyo gaar ahaaneed u diray guud ahaan hawenka caalamka gaar ahaana haweenka Soomaaliyeed oo uu si weyn ugu amaanay wax qabadkooda.

“Haweenka Soomaalidu waxa ay yihiin kuwo leh karti iyo awood wax qabad,waxaana lagu xusuustaa kaalintii weyneyd oo ay ku yesheen halgankii gobanima doonka Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweynaha jamhuuriyada oo sheegay in sanadahan dambe ee dagaalada sokeeyana ay haweenku buuxiyeen kaalintii raga oo ay reeraha biilaan,taana aad ayuu ugu amaanay haweenka Soomaaliyeed.
 

Warkii oo faah faahsan inta ka aqriso (Riix Halkan)






Fadlan Ilaali Xuquuqda Sawirada adigoo mudan

AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali News

Copyright © 2008 AllSomali.com  allsomali@yahoo.com

Hit Counter