Logo


Dowlada oo magacaawday Safiiro cusub iyo Afhayeen rasmi ah

 

 


AllSomali Online News  Khamiis 10, May 2007

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ah  Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya  ayaa shalay ka aqriyey magacyada loo dhibayo  xilal ay ka mid yihin  Safiirro iyo afhayeen cusub oo ay yeelato dowlada fadaralka KMG Soomaaliya oo u fariisanaya dalalka Dibadda qaarkood, waxaan sidoo kale la magacaabay Xilka Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha wasiirrada ayaa maanta yeeshay  xaflad lagu magacaabayey Xilalkaan kaas oo ka dhacay  xaruntii hore ee NSS-ta Soomaaliya,  shirkaan maanta ayaa waxaa shir guddoominayay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Hadaba magacaabidi waxey u dhacday sidatan Safiiirrada la magacaabay oo mid ka mid ah ay tahay haweeney ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:

Abyan Maxamed Saalax (Ladane) oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka India.
Xareedo Ibraahim Maxamed (Boolis) oo loo magacaabay Safiiradda Soomaaliya u fadhida dalka South Korea
Maxamed Calasoow Barroow oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonisa.


 

Axmed Maxamed Cigaal oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta.
dhanka kale  Prof. Cali Maxamed Geeddi wuxuu magacaabay Afhayeenka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Mudane Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah saxafi ruug caddaa ah, waxaaana sidoo kale Cabdi Xaaji Goobdoon uu noqonayaa la taliyaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed.

Muuse Maxamuud Jiisow

AllSomali Online

Allsomali.com or Allsomali.net


©2001-2007  Allsomali.com

Email us  allsomali@yahoo.com ama allsomali@hotmail.com

allsomalinews@gmail.com

Hit Counter