|


Midig Ex-Puntland President Maxamed Cabdi Xaashi
dhexda,Senator Amy Klobuchar, Bidix Ex-Somali
President Cali Mahdi... |
Muqdisho, News Feb
24,
2008
Kulan albaabada u xiran ayaa xilligan waxa uu
xarunta Madaxtooyada qaranka ku dhex maraya
saddexda Mas'uul ee ugu sareysa Dowladda.
Kulankan ayaa ilo ku dhow dhow ahi sheegayaan in
Madaxda Dowladda ay kaga hadlayaan xaalada
Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha suuqa bakaaraha ka
taagan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane C/llaahi
Yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan
Madoobe iyo Raysal wasaare Nuur cade ayaa
kulankooda uu yahay mid ay warbixino kala duwan ay
isugu dhaafsanayaan.
Sheekh Aadan Madoobe oo saacado ka hor yimi
Caasumada ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha iyo
Raysal wasaarihiisa, socdaalkiisa, iyadoona la
filayo in saddexda mas'uul war murtiyeed ka soo
saaraan kulankooda.
Kulankan ayaa horu dhac u ah dadaalada dib u
heshiisiin ee Dowladda wado, kaa oo loogu gogol
xaarayo dib u heshiisiinta dowlada la galeyso
mucaaradka.
Madaxda Dowladda ayaa sidoo kale ka hadlay
mushkiladaha maalintii 6aad ka aloosan suuqa
bakaaraha oo lagu tilmaamay goobaha gabaadka ka
dhigtaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.
AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali News