Falaqeynta Arimaha Somaliya Minnesota
Arbaco June 03, 2009
Video
Barnaamijka FirDhis
Friday May
15-2009
Video
Minnesota Arbaco June 03,2009
Soomalida degan gobolka Minnesota ayaa tiradooda
lagu qiyaasaa in ay ka badan yihiin ilaa
todobaatan kun oo qof, hadana aan lahayn ururo
siyaasadeed oo badan.
Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka
dhacday maanta 05/30/09, saacada markay ahayd
afartii galabnimo, qolka shirarka ee Taj-Mahal ee
ku yaala Ceder iyo Lake Street meesha ay iska
gooyaan.
Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen aqoon yahano ka
soo jeeda degaanka Puntland.
Furintaankii barnaamijka ayaa waxa furuy Sheekh,
Abdiqani Qardhaawi oo wacyi gaaban halkaas ka soo
jeediyey.
Ujeedada wacyiga ayaa ahaa sidii umad loo mideyn
lahaa waxna u wada qabsan lahaayeen. Sidoo kale
waxa hadal kooban ka soo jeediyey aqoonyahan
Abdimalik askar, oo si kooban uga hadlay ujeedad
shirka iyo waxa larabo in ay ka soo baxaan oo ahaa
in la abuuro urur siyaasadeed oo ka turjumaya
baahida dadka ku nool dibada iyo gudahaba. Sidoo
kale waxa halkaas ka hadlay, Somali Leader Maxamed
Abdi Qaac oo ka hadlay taariikhdii Puntland iyo
sidii ay ku aasaasantay iyo heerarkii ay soo
martay. Ugu danbeyntiina ku booriyey dhalinyarada
in ay dadaalkooda sii wadaan iyo himilada sare ee
ay la yimaadeen.
Waxa isla goobta ereyo gaaban ka soo jeediyey
Siyaasiga dhalinta yar ee Siyaad Geele oo runtii
amaan u soo jeediyey aqoonyahanadii shirka soo
abaabulay, isagoo midmid uga hadlay taariikhdiisa
oo kooban iyo inta jeer ee ay bulshada wax u
qabteen.
Waxa kale oo hadal qiimo leh ka soo jeediyey
shirka Aqoonyahanad Dahabo Cilmi, oo runtii ku
dheeraatay waxa ay tahay Democratic iyo nidaamka
loo maro. Dahabo ayaa ku amaantay shirka sidii
looga qayb galiyey fikirka cusub dhamaan dadka in
ay ka doodaan oo ay ka dibna u codeeyaan. Dahabo ,
waxa kale oo ay amaan u soo jeedisey
aqoonyahanadii soo abaabulay shirka sida ay
dumarka uga soo qayb geliyeen shirka una soo
hormariyeen. Waxa kale oo shirka ka hadashay
madaxa Puntland Women Association, oo runtii ku
dheeraatay sidii lagu asaasay ururka Puntland
Women Association iyo marxaladihii kala duwanaa ee
uu soo maray.
Kuna tilmaantay in loo baahan yahay urur
siyaasadeed oo u dooda dadka xuquuqdooda. Ugu
danbeyntii ayaa halkaas waxa buraanbur guubaabo ah
ka soo jeedisey Abwaanad Canab Ali Shire, oo soo
bandhigtey buraanbur qiimo xanbaarsan kana
turjumayey ururkan cusub ee lagu dhawaaaqayo.
Intii uu shirka socday ayaa waxa miis walba yaalay
warqad iyo qalin ku saabsanayd in qof walba ku
qoro warqada labo wax yaalood: qodabka koowaad oo
ahaa Magaca Ururka loo bixinayo iyo qodabka labaad
oo ahaa qofkii diyaar u ah in uu noqdo howl
fuliyayaasha ururka.
Xiriiriyaha barnaamijka ayaa waxa uu ka codsaday
dadkii halkaas isugu yimid in ay iska soo xulaan
sedex qof oo loo keeno warqadaha, kadibna soo
bandhiga magaca ugu fiican ee ay isku raaceen
dadka iyo dadkii isqorey in ay ururka la
shaqeynayaan. Sedexdii qofood ee loo saaray in ay
magacyada xulaan ayaa waxa ay kala ahaayeen Cusman
Axmed Sheekh, Afrax, iyo Hilaal.
Ugudanbeyntii barnaamijka ayaa gudidaas waxa ay
soo bandhigeen magacii la isku raacay ee ugu
haboonaa ururkan, waxana magacii uu noqdey United
Puntland Diaspora, halkaas oo ay dadkii oo dhan
soo dhaweyeen magacaas.
Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen in ay diyaar
yihiin sagaal qofood in ay la shaqeeyaan ururka,
dhamaantoodna waxa ay balan qaadeen in ay shirkan
shirka xiga soo bandhigi doonaan barnaamijka
ururka oo dhameystiran iyo sharcigii ururka oo
qoran.