Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo
ka qeyb galay munaasabada 8-da March,Hambalyana u diray
haweenka

|
|
|
|

Wareeysi dheer oo meelo badan
Taabanaya aanu la yeelanay Musharaxa Jagada Madaxweynenimo MG-Puntland

MUSHARAXA MADAXTINIMADA EE PUNTLAND DR: CUMAR
CALI MAXAMUD (FARJAC) |
Muqdisho, News Center Marso
08,
2008
Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane
cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalad
Muqdisho kaga qeybgalay munaasabada haween weynaha
aduunka ee 8-da maarso oo ka dhacday guriga
hooyooyinka ee maagaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa munasabadaa ka jeediyay khudbad
aad u dheer oo uu kaga hadlay muhiimada maalintani
ay u leedahay haweenka caalamka, isagoo sidoo
kalana hambalyo gaar ahaaneed u diray guud ahaan
hawenka caalamka gaar ahaana haweenka Soomaaliyeed
oo uu si weyn ugu amaanay wax qabadkooda.
“Haweenka Soomaalidu waxa ay yihiin kuwo leh karti
iyo awood wax qabad,waxaana lagu xusuustaa
kaalintii weyneyd oo ay ku yesheen halgankii
gobanima doonka Soomaaliyeed”ayuu yiri
madaxweynaha jamhuuriyada oo sheegay in sanadahan
dambe ee dagaalada sokeeyana ay haweenku buuxiyeen
kaalintii raga oo ay reeraha biilaan,taana aad
ayuu ugu amaanay haweenka Soomaaliyeed.
Munaasabadan ayaa waxa soo qabanqaabisay wasaarada
haweenka iyo horumarinta qoyska,waxaana
masuuliyiintii ka hadlay ka mid aha wasiirka
wasaaradaasi Khadiijo Maxmed Diiriye,guddoomiyaha
gobalka Banaadir Maxamed Dheere iyo masuuliyiin
kale.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno ka
tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya,ururdada
bulshada rayidka Soomaaliyeed ,aqoon yahano iyo
siyaasiyiin caan ah.
Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay
fantas-yo ay sameynayeen kooxda baambeyda ee
ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo fanaaniinta
qaranka Soomaaliyeed.

AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali Muqdisho
News Center...
|
|
|