Ali Mahdi oo La Kulmay U.S.
Senator Amy Klobuchar ee Gobolka Minnesota...
Midig Ex-Puntland President Maxamed Cabdi Xaashi
dhexda,Senator Amy Klobuchar, Bidix Ex-Somali
President Cali Mahdi...
Minnesota, News Feb
05,
2008
Mudane
Ali Mahdi ayaa maal mahan danbe waxuu la kulmayay
jaaliyadaha kala duwan ee dalka Maraykanka iyo
waliba siyaasiyiin kala duwan ee ku sugan Gobolka
Minnesota.
Mudane Ali Mahdi waxuu kulan aad looga soo
shaqeeyay kula kulmay gabadha xisbiga Dimoqraadiga
ugu cad cad ee Gobolka Minnesota.
Ali Mahdi iyo Senator: Amy ayaa waxaa dhexmaray
kulan saacado qaatay oo ka dhacay xafiiska Senator
Amy Klobuchar ee magaalada Minneapolis.
Ali Mahdi ayaa waxuu dulmaray xaalada wadanka uu
ku sugan yahay.
Waxuuna Ali Mahdi uga tacsiyeeyay ciidamadii
Maraykanka ee lagu dilay Somaliya xiligii uu isagu
M/weynaha ka ahaa dalka Somaliya waxuuna tacsi u
diray dhamaan qoysaskii ey ka geeriyoodeen
ciidamadaas iyagoo xiligaas dalka Maraykanku u
yimid inay saacidaan dalka somaliya
barnaamijkaasna loogu magacdaray ‘Restore Hope”
taasna waxay ku soo aaday iyadoo ay tahay
masuulkii ugu horeeyay taariikhda ee ugu
tacsiyadeeya ciidamadaas lagu dilay lagana sameyay
Filimka la yirahdo “Black Hawk Down”
waxuuna xusay Ali Mahdi inaysan dhamaan shacabka
soomaaliyed xiligaas iyo hadaba aysan la qabin in
Maraykanku cadow ku yahay Somaalida labada shacab
ee labada dalna ay dad asxaaba yihiin.
Gobolka Minnesota ay ku nool yihiin tirade ugu
badan Soomaalida joogta Maraykanka.
Senator Amy ayaa waxay aad uga mahad celisay
shirkii dib u heshiisiinta ee Ali mahdi ka ahaa
gudoomiyaha kasoo ku dhamaaday guul la taaban karo.
Wada kulanka labada masuul ayaa ku dhamaday is
afgarad.
Kulankaas balaaran ayaa waxa goobjoog ka ahaa M/weynihii
hore ee Puntland Mudane. Mohamed Abdi Hashi oo soo
jeediyay inaysan Somali kala go’i Karin hal wadana
ay tahay.
Kulankii ka dib ay dhamaan mas’uuliyiinta u
dhaqaaqeen Kuliyada Sharciyada ee William Mitchell
iyagaoo kula kulma sharciyaqaan wax ka dhiga isla
kuliyada sharci yaqaankaas oo ah xiligan ninka
hogaaminaya shirci yaqaanada barista ka wada
xasuuqii ka dhacay Rwanda “International Tribunal for Rwanda Case”
Prof. C. Peter Erlinder oo daganaashihiisu tahay
dalka Tanzania. Waxay dhamaan masuuliyinta ka wada
hadleen xaladaha ka jira dalka Soomaliya iyadoo
kulankaasi ahaa mid iska caadi ah hadana waxuu ku
dhamaaday is afgarad.