Logo


Sannad Guuraadii 13aad ee Jaaliyadda Isutagga Somaliyeed ee Minnesota (CSCM).


Allsomali Online Isniin 14, May 2007

 

Habeenimadii xalay oo bishu ay ahayd May 12, 2007, ayaa xaflad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey sannad guuradii 13aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Jaaliyadda Isutagga Soomaliyeed ee Minnesota [The Confederation of Somali Community in Minnesota (CSCM)], lagu qabtay, halka loo yaqaan Profile Music Management Hall.

Price of Peace Campaign

    

Cashadaas oo dadweyne aad u faro badani ka soo qayb galeen, ayaa Ururku waxuu u soo bandhigay dadweynihii halkaa isugu yimid oo ka koobnaa Somali iyo marti sharaf kaleba, wax qabadkii ururka tan iyo muddadii dhidibada loo taagay.

CSCM oo runtii caan ku ah u adeegidda danaha Ummadda Soomaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, ayaa waxuu ka hawl galaa, saddex xarumood oo kala ah:
1. Brian Coyle Center: Adeegga Arrimha Bulshada ,
2. People’s Center: Xafiiska Kobcinta Garaadka Dhalinyarada (Waxbarashada iyo Ciyaaraha).
3. East African Women’s Center: Dugsiga Farsamada Haweenka iyo Xannaanada Dhallanka.

Waxaa halkaa ka hadlay Mr. Tony Wagner oo ah madaxweynaha Pillsbury United Community oo ah urur ay wada shaqayni ka dhaxayso the Confederation of Somali Community in Minnesota (CSCM), waxuuna Microphone-ka ku soo dhaweeyey Sandra Vargas oo ah Madaxweynaha hay’adda loo yaqaan Minneapolis Foundation, kana mid ahayd martidii xalay halkaa ka hadashay. Ms. Vargas , ayaa ammaan iyo bogaadinba u soo jeedisay ururkan Jaaliyadda Isutagga Soomaliyeed ee Minensota, qirtayna inuu yahay urur ku dayasho mudan oo had iyo goor heegan u ah danaha iyo horumrka bulshada Somaliyeed eek u dhaqan gobolkan Minnesota.
Waxaa kaloo marti sharaftii xalay xafladdaas ka soo qayb gashay ka mid ahaa Peter McLaughlin, the Commissioner of Hennepin County.

Waxaa kaloo xafladdan hadallo kasoo jeediyay;
1. Habiba Harun, oo ah madaxa urur la yiraahdo Immigrant Education Center,oo ka hawlgala magaalada Owatonna ee Minnesota, iyo
2. Ahmed Halane, madaxa ururka la yiraahdo “Disabled Somali Organization oo ka hawlgala magaalada Rochester ee Minnesota.

Waxaan marnaba la illaawi karin kaalintii hobolada/fannaaniinta qaranka ee Waaberi, sida Mohamoud Abdullahi Esse (Singub), Sahra Siyaad, Ahmed A. Egal, Najax iyo Maama Caasha Abdi oo buraanbur Wadaninimo ku dheehantahay halkaa ka tirisay.

Gabagabadii, waxaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soo bandhigay dhallinyaro Soomaliyeed oo wax ka barata dugsiyada iyo Jaamicadaha Minnesota, kana tirsan isla Jaaliyadda Isutagga Somaliyed (CSCM).

Munaasibddaas ayaa si aad u wanaagsan ku soo dhammaatay, waxaana si wada jir ah u xiriirinayey:
- Said Osman Fahiye (Said Shaacir), iyo Abdirizak M. Dirir (Ducaysane).

Muuse Maxamuud Jiisow   
AllSomali.com

Allsomali.com or Allsomali.net


©2001-2007  Allsomali.com

Email us  allsomali@yahoo.com ama allsomali@hotmail.com

Hit Counter