Allsomali.com

Allsomali.com-Refresh/Reload  

AllSomali - News

Xafiiska Senator Amy Klobuchar ayaa waxaa ka shaqo bilaabay Siyaad Cali oo horay kaga jiray Kaalin weyn Ururada Dhaqdhaqaaqa ee u adeega Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minisota...

 


Midig Siyaad Cali Bidix Senator Amy Klobuchar


Midig Ex-Puntland President Maxamed Cabdi Xaashi dhexda,Senator Amy Klobuchar, Bidix Ex-Somali President Cali Mahdi...

Minnesota, News Center Maarso 04, 2008

Xafiiska Senator Amy Klobuchar ayaa waxa ay soo saareen press ay ku sharaxayaan in ay qaateen qof Soomaali ah xafiiskooda, qofkaas Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Siyaad Cali, kadib markii ay Soomaalida degan gobalka Minnesota ay sii kordheyso tiradoooda maalinba maalinta
ka danbaysa.

Soomaalida degan gobalka Minnesota ayaa waxa ay u noqotay guulweyn, si wacana u soo dhaweeyey in qof Soomaaliya uu ka shaqeeyo xafiiska Senatorka gobalka Minnesota.

Qoraalkii ay soo saareen oo ku
qoran af-Soomaali iyo af-English labadaba waa kuwan halkan ku lifaaqan.

Af-Soomaali:

Siyaad Cali oo Shaqo ka Bilaabay Xafiiska U. S Senator Amy Klobuchar.

Minneapolis, Minnesota- Senatarada Maraykanka ee Amy Klobuchar waxay
aad ugu faraxsan tahay in Siyaad Cali uu ka mid noqday Shaqaalaheeda Minnesota, khaasatan dhinaca laanta socdaalka iyo danaha jaaliyadaha.

Siyaad wuxuu la taliye hore uga ahaan jiray waaxda horumarinta Shaqada ee Owatonna, Minnesota, wuxuu macalin ka yahay kuliyada Riverland Community College ee Owatonna, wuxuu hore u noqday Wakiilka Xuquuqda Aadanaha ee Owatonna, wuxuu kale oo ka mid ahaa gudida Sare ee Cisbitaalka Magaalada Owatonna ee Minnesota, wakhtigaas ka horna wuxuu ka soo shaqeeyey Iskuulada Dadweynaha ee Minneapolis.

Senator Klobuchar waxay tidhi waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Siyad ka mid noqday shaqaalahayga Senateka.

“ Siyaad wuxuu soo kordhinayaa khibrad iyo aqoon balaadhan oo ku aadan ummadaha kala duwan ee gobolka Minnesota, ayey tiri Senator Amy Klobuchar “ Senator ahaan waxaan rabaa in dhamaan dadka reer Minnesota ay fursad u helaan fursadaha dowlada, Siyaad na wuxuu iga caawinayaa arintaasi si ay u suurto gasho.

Shaqadiisi ugu horeysay wuxuu dhawaan soo qaban qaabiyey kulan
dhexmarey Senator Amy Klobuchar iyo Madexweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi iyo Hogaamiyayaal ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee Minnesota.

Senatoradu waxay uga mahad-naqday Jaaliyada Soomaalida taageeradoodii iyo Saaxiibtinimadoodaba. Waxay Madaxdu ka wada hadleen xaalada hadeer ka taagan Soomaaliya. Waxay Senator Amy Xaqiijisay inay ka go’an tahay inay Senatorada kale kala shaqeyso sidii loo xoojin lahaa talaabooyinka

Dib-uheshiinta si ay Soomaaliya ugu soo celiso Nabad-gelyo iyo
deganaan.

Siyaad Cali wuxuu haystaa in ka badan todoba sanadood oo ah khibrad xaga Shaqada iyo Shaqaalaha, Waxbarashada, iyo Arimaha ummadaha kala duwan.

Wuxuu ka baxay Jaamacada Osmania University, Hyderabaad, Hindiya wuxuu ka qaatay Shahaadada Becholar taas oo ah, Ganacsiga iyo Computerka, Wuxuu kale oo uu qaatay Shahaadada masterayda Jaamacada Budelkhan University oo ku taal Jhansi, Hindiya wuxuu ku qaatay Ganacsiga, ka dibna wuxuu master kale ka qaatay Jaamacada Pune, University ee ku taal Pune, Hindiya, wuxuu qaatay shahaadada loo yaqaan MBA ama maamulka iyo maareynta, ka dibna wuxuu mastertiisa sadexaad ka qaatay Jaamacada Minnesota Universoty ee ku taal Minneapolis, Siyaad Cali wuxuu rajaynayaa inuu dhawaan la kulmo dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha ee gobolka Minnesota, wuxuuna kala hadli doonaa arimaha khuseeya sida Waxbarashada, Horumarinta dhaqaalaha, Caafimaadka, iyo sidii la isugu dheelitiri lahaa sugida amniga iyo cadaalada waaxda socdaalka.

Siyad Cali waxaa lagala xidhiidhi karaa Xafiiska U.S. Senator Amy
Klobuchar ee Minnesota, Telefoonka 612-727-5220, ama e-mailka:
Siad_Ali@Klobuchar.senate.gov  ama Faxka 612-727-5223

AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali Minnesota News Center...

Copyright © 2008 AllSomali.com  allsomali@yahoo.com

Hit Counter