Waxaa casumaadan si wada jir ah u soo
qabaanqaabiyay (Somali P/land Woman Association
MN ,Somali American Media Association (SAMA
TV),Horn Literacy Center).
Ururadaan aanu kor ku soo xusnay waxay u
istaageen wax qabadka ubadka Soomaaliyeed gaar
ahaan ubadka MG-P/land ee u baahan in laga
daryeelo xagga waxbarashada gaar ahaan xagga wax
akhriska iyo Barashada.
Heerarkeeda kala duwan sida Bilowga (Pre-school
Elementary) kuwa sare (high school) iyo waliba
barashada haweenka ee sida cunto kariska ,
caafimaadka, gaar ahaan siday uga hortagi
lahaayeen cudurada faafa sida (HIV,
Tuberculoses) iyo cudurka cagaarshowga loo
yaqaan.
Waxaa kaloo balanqaad fidisay wasiiradda
Haweenka iyo Horumarinta ee MG-p/land Mudane
Asha Geele inay markii ay dib ugu noqoto p/land
isku xidh toos ah u samayn doonto wasiirka
Waxbarashada ee MG-p/land iyo hayadda u qabilsan
buugaata qaaradda Afrika (Books for Afrika).
inta kadaawo Sawirada
si looga haqabtiro shacabka MG-p/land baahida ay
u qabaan mashruucaan.
Hay'adda waxay horay wax uqabatay Qaarada Africa
iyadoo ay tahay markii ugu horeeysay oo ay
mashruucaan oo kale ka fuliso dalka Soomaaliya
gaar ahaan MG-Puntland.