 |
|
ALLE
ha u naxariistee waa
Khaliif
Sh. Max'muud Saciid
(1951-1982)
T
H E P O E T O F
R
E S I S T A N C E
|
Gabaygii
Hurgumo iyo Khaliif Shiikh Maxamuud.
Gabaygan
waxaa tiriyey hal-abuurkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Khaliif Shiikh
Maxamuud Saciid. Eebbe Jannadii ha ka waraabshee, wuxuu ahaa Khaliif
hoobal, halyey iyo halgamaa.
Abwaanku
wuxuu ku dhashay degmada Qardho, wuxuuna ku aasan yahay Ceelcad, Gallaadi.
Maansadan
oo uu ugu macag daray
H
U R G U M O
,
wuxuu tirshey 1978kii. Waa tii ugu
horreysey ee Silsiladdii Miinleyda. Waxayna ku duuban tahay dhowr
giraamood (Cajaladood)
Gabaygu
wuxuu ka kooban yahay 150 (boqol iyo konton) meerisyood.
KU
BILAABAYNNAA MAGACA EEBBE OO MID
GUUD
IYO GAARBA NAXARIISTA:
Dhageyso
Abshirow
micnaha gabay haddaad, mir iga weyddiisey
Wiilyahow
madluun baan ahaa, maalin iyo leyle
Intaas
waan muglee yahay sidii, gorayadii
muune!
Mas
la diley sidiisaan madaxa, meerinahayaaye
Sideydana
waxaan maagganahay, waa wax kaa
maqane
Magliga
daabo maahee si kale, hay maleyninna'e.
Adduunyadan
maraabaysay oo, murugtayoo xiintay
Oo
uu Mareexaan u kacay, waa masala weyne
Gardarradaa
mutuxan waa dagaal, waxan ka miisaaye.
Maruuryoodayey
xalay miyaan, miray calooshayda!
'Muskii
nalaga soo galay miyaa, dhaxani mawlaysay !
Goortaan
wax milicsaday miyaan, caro madoobaaday!
Midigtiyo
bidixdii miyaa, midiba meel aaddey!
Markabkaan
ku tiirraa miyaa, meeshi laga qaadey!
Maxamuud
Saleebaan miyaa, marada loo taagey!
Mililkiyo
hurgumadii miyaa, uurka igu miirmay!
Sidii
aar muhdi ahaa miyaan, micida soofeystay!
Ma
inaan colaad maamuley, dani i moodsiisay!
Majeerteen
Ilaah wuxuu ka dhigay,malab sidiisiiye
Sidii
miraha dhoocaan ka baxa, muudsay aadmiguye
Nin
waliba wuxuu mihindisaa, inu magawshaaye.
Agoon
maalki laga qaaday oo, meel kastaba jooga,
Maraykaanta
naagaha qaboo, madaxa loo saaray
Oo
mudanayaashii jeclaa, mooska laga yeeley.
Dadku
mowdka wasyka ogyahoo, Maalig baw qoraye,
Meydkiyo
raqdoodii miyaa, laga dul maansooday!
Sidii
wax aan Muslim ahayn miyaa, muxubbo loo laayey!
Madfaciyo
rasaastii miyaa, meel kastaba gaaray!
Kulli
miraha Daarood miyaa, keen isugu miirmay!
Ma
kuwaan Hartiga moodayaa, soo mashxaradaayay!
Maangaab
Dhulbahanta ah miyaa, nagu maraabeeyey!
Margaguufyadii
hore miyaa, muruqa noo tuujey!
Muhanniga
Ogaadeen miyow, mabay xumaanteenna!
Warsangeliga
maahee dadkii, mayna wada meershey
Inkastay
bahnimo muujiyeen, sooma mayl bixine
Malkadaan
ka sugayiyo ma iman, mowshinkaan rabaye;
Hadday
ficil maqiiqaan warmuhu, nama muquufeene
Macag
iyo Xadeed bay idaha, kaga maceeshaane
Macna
ineeyan noo tarin miyaa, meeshi ka caddaatay!
Iidoor
marduuf qaad ah helay, waa majnuun falane
Hilib
maraq leh iyo roodhi bay, miidsanahayaane
Macna
dawladnimo leedahayba, uma muraadaane.
Caynaanshe
meeshii la dhigay, haadku malafleeye
Mudadkiisii
waa kii dugaag, maalin weyn cunaye
Maskaxdiisii
waa tii tukaha, looga dhigay miide.
Nabad
bay macaansanahayaan, wawse maan li'iye
Wallee
ama Magaalada Berbera, dhiiggu mulacyeeyey
Ama
sida mawaashiga ratiga, meere lagu saaryay.
Hawiye
meeluu joogaba dagaal, wayska maanacaye
Maankaba
ka jare ragannimaad, meel ka soo geliye
Maaraha
Siyaad baa ka dhigay, maato caano lehe.
Abgaal
oo mihigaan ka badan, jaraha loo miiqye
Mudanihii
Gabayruu ka dilay, oo mar soo baxaye
Waxay
talo ku moosteen inay, moxogga diirtaane.
Habargidirta
Mudug joogta ee, maashu wada fooxday
Ee
layska maamulanhayoo, deyrka lagu meershey
Ee
sida halaha maydabta ah, layska maalaayo;
Iyaba
mahadho iyo way qabaan, ceeb muggooda ahe,
Murursadiyo
Cayr iyo haddii, Sacad la miinaystay
Marna
ineeyan "Maya" oran karayn, kama malaynayne.
Hadalka
hayga moodina inaan, maarowaa nahaye
Sida
maanta aan nahay yaan la oran, laga mirroonaaye
Mar
un baan mowjadaha xirmiyo, maayad soo kicine.
Nabsigaa
mugdiga gudahayaa, mar un heleynaaye
Carruuraa
maryaadaaya iyo, dumarkan mawleeyey
Mar
un baa marwada Maxammed qabo, noqon mataalkoode.
Mar
un baa mid lagu meel mariyo, Maahir noo kicine
Mar
uun baa rag wada miiggan iyo, miiddi soo bixine
Mar
un baa madhada Caabudwaaq, miig ku soo degine.
Ninka
tiisa maamulan karaa, kuu muraad fala'e
Magallooti
iyo lama martiyo, leb iyo meygaage
Bal
inaad idinku naga maarantaan, wax is muhiimsiiya.
Afartaas
intaan "Miin" ka deyey, meel ma qabadsiiyey
Rag
baa gabayga meermeeriye, marindhac maw diiday
Macna
kalena waa hadal yaraan, meesha kala yeeray;
Maraweyntii
Reer Cumar ahayd, meher xalaaleeye
Midguhuna
ma yeeleen waxay, madaxa saareene
Aw-Muuse
gabayguu mershaa, meesha soo galaye.
Waxba
yaan micne la'aan xarrago, suuqa lay marine
Waxba
yaan matoobbi iyo shaal, lay mardaaddiyine
Waxba
yaan dad mudanaannu nahay, lay maqmaqashiine!
Haddaad
geel mulki ah leedahoo, xero u meegaarto
Mareerkiyo
galoolkiyo hadday, Magacley daaqayso
Oo
kuraygu murraha u sidoo, Maraq u heesaayo;
Ninkii
maagistaadiyo fidnada, muhashadeed hayso
Haddii
uu martabaddaadi hore, sax u malayn waayo
Marka
hore mid buu kaa qalaa, muunad loo dhaline;
Murre
hadday dhadhami weydo iyo, dacar la soo miiray
Oo
uu raggii maali jiray, soo mur bixi waayo
Mulush
iyo hadday wada noqdaan, mohologiin tuunsan;
Doqontii
maldahan hawga biqin, maayal dirireede
Mar
labaad rogaal weerarraa, lagu mayiiraaye
Oo
muqalladoodii rag kale, galab ka meershaaye.
Cabdulqaadir
bay maraqsadeen, maalin duhurkiiye
Mishigaanku
goortuu dardaray, Mahad ma moogeyne
Macaandhereglayahay
ceebtu waa, meheraddiinniiye!
Nimankii
middida saaray baad, meel la hurudeene
Ood
weliba maamuus salaan, ugu mihiibteene
Inaad
Diini magantiis tihiin, idin ma moodeyne.
Dabadeedna
muurmuursigii, lagugu meydhaanye
Toban
iyo toddoba madax ahoo, uuski laga maaxshay
Is
Maxamuudin tiinnaas xun baa, loo makaabsadaye.
Mahwigii
Xalwiyo lagaga tuur, malawgi dheeraaye
Cirro
inuusan meel roon ka dhalan, waw macruuf qabaye
Magac
ba'aye Ciisaan lahaa, way mintidayaane!
Cismaankii
is maahuurin jiray, malihi beenowye,
Haddii
muran dhex maro reer tolkood, ways mutuxiyaane
Goortey
shisheeyaha mutaan, reer marti xumooyin;
Raggii
shaarubbada miiqi jiray, waa makaan dumaye,
Waa
taad Majeerteen yar-yare, nagu magcowdeene
Murti
haddaad lahaydeen wax tara, lagu muquuneeye!
Ibraahiinno
milil bay qabaan, mur iyo deebaaqe
Mootaayihii
shalay ku dhacay, lagu mahlaakeeye
Dhulugdheer
middii lagu dhuftay, doc ula miirmeene;
Mardarkii
Shirshooruhu markuu, kor u muquuraayey
Allaaba
waa gargaar meel maraad, ugu miciintaane
Goortii
la mariyaad kalgacal, wada maqsuudeene.
Ninba
maalin baa loogu iman, maxashadiisiiye
Qoladay
markaa haysataa, kaga maqnaataane
Xasadnimada
maarowdey way, diin macaantahaye.
Mahwiga
Cali Saleebaan haddaan, mirar ka faalleeyo
Waa
niman maslaxaddoodu tahay, mayddi iyo fooxe
Waa
niman mallay inay gurtaan, maanka kaga taale;
Waa
niman aan ficil muujin karin, maalin lays galaye
Iyagoo
malyuun iyo malyuun, mira sarow dhaafay
Waa
niman masaakiin yar-yar ah, lagu mataalaaye;
Waa
niman micnaha ay wataan, lala mashquulaaye
Waa
niman mucaarad iyo toos, aan midna ahayne
Waa
niman aan meelna uga jirin, miis rag leeyahaye.
Malaggii
walaalkii nin jecel, muruggo waw koowe
Ragga
lagu malkhadayaana waa, mahurtadiinniiye
Mar
un inaad is daydaanna way, kaa madowdahaye!
Mataraariyahaa
lagu furaad, keligood moodeene
Goortii
mir iyo mayrac iyo, malafsi loo laysto
Inaad
adigu marax kayd ah tahay, wayska moogtahaye.
Muuse
iyo Ismaaciil bahdood, kama masuugaane
Mar
hadday makaabada jebshaan, maara laga waaye
Magnad
kugu dhagaayey sidiis, wax u maroorshaane.
Marse
haddaan kor u qayliyoo, mirar u yeeryeero
Moxorkii
Jacayleed haddii, firimbi mowleeyo
Haddii
aan Magaalada Qandala, oohin ku ag meero.
Madaxyada
Walwaaleed haddii, belo muluuf qaaddo
Ceelkii
Mareegsane haddii, qiiqu mulufleeyo
Marsada
iyo xeebaha haddii, laysu mari waayo.
Maskantii
haweenkiyo haddaan, marashi dheer qaato
Madal
laysu soo baxay haddaan, muusanaw kiciyo
Waxaan
maanka ku hayaa inuu, maataddoox dhicine.
Annagoo
makiinadaha laliyo, moodhar ku ordeyna
Oo
carradu naga muuqataan, mowqifkii imane
Eebbow
waxaan maagganahay, yaa maslixi doona?
Gabaygaan giraamuhuu ku
duubnaa waxaa ka qoray Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari), bishii Nofeembar,
1991kii.kk
Dhageyso
Khadar Jacfar :
Qandala_Home@hotmail.com
|